Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Shirweyne dalka Jabouti ka furmay iyo wafigii uu hogaaminayey madaxa Hiiraan oo gaaray dalka Jabouti

Wararka MaantaHS:- Shir weyne ay soo qaban qaabisay hayada USIAD ayaa maanta si rasmi ah ugu furmay dalka Jabouti kaasi oo ay ka qeybgaleen wafi balaaran oo ka socda Hiiraan kana koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan. waftigaan oo intooda badan magaalada Mogdishu u tagay sidii ay baasabooro ugu qaadan lahaayeen ayey TFGda ku fashilantay iney is hortaag ku sameyso socdaalka waftigaan kadib markii ay madaxweyne Shariif iyo wasiirka arimaha gudaha codsadeen in dhaqaalaha shirkaan ku baxaya lagu soo wareejiyo dowlada si ay iyaga u maareeyaan.

Nasiib wanaag waa lagu gacan seyray kadibna waxey isku dayeen iney hakiyaan waftiga reer Hiiraan ee qaarkood Mogdishu u tagay sidii ay baasabooro ugu qaadan lahaayeen sidaasi daraadeed waftigii oo maalin dhaweyto laga celiyey garoonka diyaaradaha waxey garoonka Mogdishu ka dhoofeen baryo la,aan kadib markii ay arintii maqleen hayadii abaabuleysay shirkaan iyo beesha caalamka, waxaana dalka Jbaouti oo ah goobta uu ka furmay shirka looga yeeray wasiirka arimaha gudaha oo maanta safar ku tagay magaalada Belet Weyne si uu cadaadiska saaran iskaka yareeyo.

Maamulka Hiiraan ayaa ku guuleystay labo arimood oo aad muhiim u ah shirka Jabouti ka socdana waxaa lagu soo waramayaa iney iyaga sabab u ahaayeen in la geeyo halkaas shirka xili la doonayey in uu ka dhaco wadan kale, sidoo kale waxaa lagu fashilmay in safarkooda leys hortaago iyagoo Mogdishu uga dhoofay si xarako leh meelna iska saaray wasaarada arimaha gudaha kuna qasbay dhamaan iney fududeeyaan howlaha ay waftiga Hiiraan u yimaadeen Mogdishu.

Ha'yadda USIAD ayaa dhawaantaan gaartay caasimada Hiiraan ee Belet Weyne iyagoona aad ula dhacay amaanka iyo bilicda magaalada halka ay aad ugu amaaneen bulshada Hiiraan iney yahiin dad horumar tiigsanaya iyagoona qorsheynaya iney maamulka Hiiraan ka caawiyaan dhianca horumarinta iyo maamul wanaaga IWM.

Shirka maanta ka furmay Jabouti ayaa lagu soo waramayaa inuu socon doono dhawr maalmood kaasi oo ay ka qeybgalayaan waftigii ugu badnaa ee reer Hiiraan ah oo waayadan ka qeybgala shirnoocaani ah oo ka dhacaya meel ka baxsan Hiiraan iyadoona qaar waftiga ka mid ah laga yaabo iney u sii gudbaan dalka Mareykanka maadaama ay dowlado waaweyn aad u daneynayaan siyaasadaha iyo furfurnaanta ay muujinayaan bulshada Hiiraan oo laga dareemayo dad u diyaar ah in la helo hanaan dowladnimo.

Isku soo duuboo bulshada Hiiraan ayaa hada u muuqda kuwo galay jawi cusub waxaana magaalada Belet Weyne ku sugan hayado badan oo ka shaqeeya dhinaca gar gaarka waxaana lagu wadaaa in ay Hiiraan yeelato maamul goboleed ay bulshadu soo doortaan qofka hogaaminaya waxii ka danbeeya bisha Augost 20-keeda oo ah xiliga uu maamulka hada jira ku egyhaay shaqadiisa maadaama uu hal mar la dhacayo TFGda hada jirta.

Dhinaca kale waxaa shirka iyaguna ka qeyb galaya wafti balaaran oo ka socda gobolka Bay kaasi oo ka soo dhoofay Hiiraan qeybna ka ah shirka maanta ka furmay dalka Jabouti.wararkii ugu daneeyeyna waxey sheegayaan in TFGda lagu weydiin doono jiritaanka dhaqaalo badan oo ay horey ugu sheegeen aduunyada iney siiyeen amaba ku hormariyeen Hiiraan iyo gobolo kale oo ka mid ah koofurta Soomaaliya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.56 seconds
14,606,029 unique visits