Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wasiirka arimaha gudaha oo waji gabax siyaasadeed kii ugu sumaa maanta kala kulmay Hiiraan

Wararka MaantaHS:- Safar uu maanta ku tagay wasiirka arimaha gudaha caasiamda Hiiraan ee Belet Weyne ayaa la dhihi karaa waxuu ahaa kii ugu xumaa ee qof siyaasi ah lagu bahdilo.

Dabcan waxaa macquul ah in dad badan ay kaliya arkeen sawiro qur qurxan oo laga soo qaaday waftiga la socday wasiirka laakinse cashar ku filan oo qof damiir leh inuu fahmo amaba dareemo loo baahan yahay ayaa maanta helay wasiirka.

Inta badn saraakiisha ciidamada Hiiraan iyo kuwa Ethiopia ayaa kala garan waayey in uu Hiiraan soo booqday wasiir dowladeed iyo inuu yimid qof caadi ah oo Hiiraan u yimid ganacsi.

Waftiga wasiirka ayaa Hiiraan ku sugnaa waqti aad ugu yar waqtigii ay horey u qorsheyen oo ay ku doonayeen iney fagaaraha magaalada B/weyne kula kulmaan oo ay qudbad halkaas ka jeediyaan.

Inkasta oo dalka Soomaaliya waayadii danbe ay siyaasiyiintoodu karin ceeb iyo waji gabax hadane safarkii wasiir ma aheyn sida ay dad badna qiyaasayeen waxuuna maanta Hiiraan ka dhoofay isagoo ceytama walow aysan ereyadii uu isticmaalay aysan ku habooneyn mediyaha hadane aad ayaa looga dareemayey.

Horey ayaa loo ogaa nin aan booqan karin magaaladii uu ku dhashay ee Dhuuso Mareeb in uu arintaan kala kulmayo Hiiraan.Waftiyadii ka horeeyey ee ka kala socday masuuliyiinta dowlada waxaa loo qali jiray xoolo si wanaagsan ayaana loo soori jiray halka wasiirkaan fariin cad uu kala tagay Hiiraan.

Sidoo kale masuuliyiinta Hayadaha soo booqada Hiiraan ayaa iyaguna soo dhaweyn aan ka liidan mida martida loo sameeyo heli jiray wasiirkuse xaalkiisu maanta ma qurxaneyn.

Waxaanu sugeynaa waxa uu Hiiraan kala kulmi doono madaxweyne Shariif marka uu booqasho ku tago halkaas inkasta oo uu musharax yahay oo uu ka baqayo inuu waji gabax siyaasadeed kala kulmo sida ku dhacday wasiirkana hadii ay ku dhacdo ay soo jiidan doonto indhaha beesha caalamka.

Mid ka mid ah dadweynaha Hiiraan kuwooda dadka kaka qosliya goobaha fadhi ku dirirka ayaa wasiirka hoos kaka dhiibay mar u la kaftamayey yirina midabkaada waaka bedelene ma jiingadahii aad Hiiraan ka bililaqeysatay ayaa sidan kuu galay IWM waana laga sii socday kadibna si deg deg ah ayuu safarkiisii u soo gabo gabeeyey.

Dhacdada aad u xanuunka abdan ee wasiirka uu mudoxasuusan doono ayaa aheyd markii ay ku gacan seyreyn wasiiro iyo xildhibaano reer Hiiraan ah oo uu doonayey in ay Hiiraan u raacaan kuwaasi oo aad ugu xanaaqay waxii uu wasiirku ku sameeyey waftigii reer Hiiraan ee uu garoonka ka celiyey.

Magaalada B/weyne waxaa caawa laga hadal hayaa safarka wasiirka iyo dadkii oo ka warhelay waa yimid waana baxay.inta badan masuuliyiintii Hiiraan waxey ku maqan yahiin safar dibada ah. inkasta oo uu wasiirka codsaday inuu safarka Hiiraan u raaco madaxa ugu sareeya Hiiraan laguna gacan seyray taasi oo iyaduna qeyb ka aheyd waji gabaxa kale ee uu kala kulmay Hiiraan.

Reer Hiiraan hadii ay xumaan kaa tirsanayaan intaadan booqan iska xali si ay waxa aad ka dooneyso kuugu hagaagaan hadii ay siyaasad yahiin waamaah maah la isticmaalo 150 sano ka badan oo runta ku qotonta.

marka laga soo tago dhacdooyinka uu maanta kala kulmay wasiirka bulshada Hiiraan hadane waxaa sidii maxbuuskii labo su;aalood weydiiyey saraakiisha ciidamada Ethiopia oo weydiiyey waxa uu ula jeedo anigaa ciidamada Ethiopia ka saaray Galgaduud iyo meesha uu ka keenay degmada Matabaan Ahalusuna ayaa ka talisay oo maamusha maadama ay Hiiraan leetahay hal maamul?.

Xaqiiqadii wuu garan waayey wax uu ku jawaabo maadaama uu jagadan ku helay kooxda Ahalusuna oo iyagu ku mashquulsan sidii ay u fashilin lahaayeen siyaasadaha Shariifka maadama ay xukun doon yahiin.

Filo goor dhaw markii uu Hiiraan ka tagay hadalada laga soo xigtay wasiirka arimaha gudaha.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,612,310 unique visits