Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wafti ka socda AMisom oo siweyn loogu soo dhaweeyey Hiiraan

Wararka MaantaHS:- Wafti ka socda Amisom oo maanta booqasho ku tagay Hiiraan,booqasho kala duwana ku tagay qeybaha kala duwan ee magaalada sida Isbitaalka guud ee hooyada iyo dhalaanka magaalada Belet Weyne, garoonka diyaaradaha iyo saldhigyada ciidamada maamulka Hiiraan iyo kuwa Ethiopia.



Waftiga ayaa ku soo wareegay isbitaalka magaalada oo ay sheegeen iney horumarin ku sameyn doonaan maadaama sida ay sheegeen aysan u imaan Hiiraan kaliya arimo ciidan. masuuliyiinta maamulka ayaa siweyn uga warbixiyey xaalada guud ee magaalada iyo sida ay bulshadu ugu diyaar yahiin iney ka qeyb qaataan waxkasta oo horumar ah oo dhulkooda lagu horumarinayo.



Sidoo kale waxaa magaalada soo gaaraya ciidamo ka socda Jabouti oo iyagu qeyb ka ah howlgalka lagu doonayo in dalka looga saaro kooxaha xag jirka ah. waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada xoogooda ay tagi doonaan Bulo Burde iyo jalalaqsi halka labo guuto lageyn doono saldhiga ugu weyn kooxaha Hiiraan ka dagaalamo oo ku yaala Buq Aqable.


Guud ahaan magaalada B/weyne ayaa ah magaalo aad u mashquul ah oo ay ku sii qulqulayaan waftiyo kala duwan oo ka socda hayaddaha gar gaarka iyo wadamo daneeynaya arimaha siyaasada Hiiraan iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.



Dhinaca kale waxaa magaalada ka socda mashruucii ugu weynaa ee ebed laga hirgaliyo Hiiraan kaasi oo ay ku baxeyso malaayin dolar iyadoo aanu kaka hadli doono mashruucaas wararkeena danbe.Hiiraan oo ay horey u caburin jireen waayadii danbe dowlado kumeel ahaa iyo shaqsiyaad doonahii beelahooda ka dhax waayey ay caburinayeen hada bulshadu wey soo jeedaan waxeyna si wanaagsan ula jaanqaadayaan isbedelka siyaasdeed ee dalka ka curanaya beesha caalamkana waxey hada ku hayaan il gaar ah Hiiraan maadaama siyaasdaha dibada laga hagayo ay hada reer Hiiraan qeyb ka yahiin halkii ay markii hore dad qeyrkood ah daba ordi jireen oo ay raaciye ahaayeen.

Ish awarka Hiiraan Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,589,197 unique visits