Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Ahalusuna Galgaduud oo bur buray iyo Shabaab....

Wararka MaantaHS:- Kooxda Ahalusuna oo dhawr sano degaalo ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah ka waday qeybo ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Gedo ayaa ugu danbeyn kuwoodii joogay Galgaduud lagu soo waramayaa iney bur bureen taasi oo xaalada ka dhigtay in kooxda Shabaab ciidamo soo dhoobaan meel aan sidaas ugu fogeyn magaalda Dhuusomareeb oo ay sheegeen iney qabsan doonaan dhawaan.

Gobolka Galgaduud oo ay qeybo ka mid ah ka socdaan xasuuq baahsan siiba magaalada Ceelbuur oo dad badan lagu xasuuqay tan iyo markii ay halkaas iskaka soo baxeen ciidamada Ethiopia halka ciidmadii kooxda Ahalusuna ee ku sugnaa magaaladaas horey u sooraaceen ciidamada Ethiopia maadama aysan iyaga galigood kali karin dagaal taasi oo keentay in gudaha magaalada lagu bartilmaameedsado taageerayaasha Ahalusuna.

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in dhamaan ciidamadii Ahalusuna waxii kala tagay maahane kuwii kale ay ku sugan yahiin Tuulada Guriceel oo aan sidaas ugu fogreyn Dhuusomareeb halkaasi oo ay difaac kaka jiraan.tani waxey meesha ka saareysaa in kooxda Ahalusuna TFGda kula tartanto siyaasada Soomaaliya mudada yar ee ay xukumadu jirto. beesha caalamka oo horey ugu wareertay waxa ay kala yahiin dowlada kumeel gaarka ah iyo kooxda Ahalusunana waxaa lag ayaabaa in ay dhegaha ka fureystaan wasiirka arimah agudaha oo jagadan ku helay magaca Ahalusuna oo hadii ay meesh aka baxaan isaguna meesha ka baxaya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.64 seconds
14,613,625 unique visits