Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah

Wararka MaantaHS:- Dalka Soomaaliya oo dowlad la,aan ahaa mudo fog waxaa lumay cadaalada sidii loo gaarsiin lahaa bulshada, hadaba iyadoo dagaal ba'an ay ciidamada dowladu maalmahii tagay ay kula jireen xoogaga Shabaab kana qabsadeen degaano badan ayaa waxaa dhicana kale ciidamada dowlada dhexdooda ka jiro qaab ay adag tahay in xaqiiqo dhab ah loo helo dacwooyinka ay qaadaan saraakiisha dowlada oo inta badan ku deg dega xukun aan marka hore laga baaraan degin kaliy aay tahy dil si ay u cabsadaan kuwa kale. iyadoo ay taasi jirto ayaa Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya maanta xukun dil ah waxa ay ku ridday askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, kaasi oo la sheegay in uu fal dil ah ka geystay inta u dhaxeysa deegaanka Lafoole iyo degmada Afgooye.

Sida sharciga ah waa in la dilo qofkii qof dilo cadaaladana la hor horkeeno si ay tusaale fiican ugu noqoto inta ka danbeysa siiba ciidamada sugaya nabadgalyada amaba difaacaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dacwadda askarigan ayaa ka bilaabatay maanta Xafiis ay Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay ku leedahay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, iyadoo maxkamadda la hor keenay 5 marqaatiyaal, kuwaasi oo maxkamadda horteeda ka cadeeyay fal dambiyeedka uu geystay askarigaasi waxaa dad badan ka yaabiyey sida ay 5 nin oo ilmo adeero ah ugu marqaati fureen ninkaan oo markii ay hadlayeen dhageysanayey aadna ula yaabay beenta ay isku soo baheysteen.

Guddomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Janaral Xasan Max’ed Xuseen (Muungaab) ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday askarigaasi ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ninkaani oo lagu magacaabo Max’ed Xusen Maalin oo lagu eedeeyey inuu xabado ku furay gaari rikaab ahaa kadibna ay ku dhimatay qof haween ah oo ay qaraabo ahaayeen 5ta nin ee maanta maxkamada u yimid iney ku marqaati furaan laakinse ganeralka dacwada qaadayey u sheegay iney kaliya arkayeen markii ay dhaceysay arintaas.

Markii ay dacwadu dhacday ayaa waxaa qeylo afka furtay ninkii lagu xukumay dilka oo goobta maxkamada ka sheegay in nimanka marqaatigaa ay isaga u bartilmaameedsanayaan qaab qabiil ayna wax badan been ka sheegeen dacwada uuna isagu aheyn qofkii dilkaas geystay. wararka qaarkood waxey sheegayaan in intii aan maxkamada ciidamada qalabka la hor geenin la weydiiyey askarigaan qabiilkiisa kadibna sheegay degaanka u ka soo jeedo iyo qabiilkiisa ka hor intii aan la horgeyn sargaalka dacwada ku riday ee xukmiyey dilkiisa taasi oo qaar ciidamada ka tirsan fajac ku riday madama askarigii danbi lagu helo sharciga la marsiin jiray isagoo aan wax qabiil ah la weydiin waxaana shaki badan la kaliyey inba leysku haleyn karo marqaatiyaashaan maanta maxkamada yimid.

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in nimanka marqaatigaa hadii siyaabo kala duwan loo wareysto iyagoon isla joogin ay iyaga noqonayaan danbiile ninkaan dilkiisana hadii lagu deg dego ay askar hada aamusan hadli doonaan ayuu yiri.

Hadaba warbixin xaqiiqada u dhaw filo goor dhaw iyo labo ka mid ah marqaadiyaasha oo ka tirsanaa Shabaabkii lag asaaray ceelasha biyaha inkasta oo ninka xukunka ridayo loo keenbay kaliya ajande laga soo shaqeeyey waa hadii ninkaan dilkiisa la boobsiiyo iyagoo aan cadeyn rasmi ah loo helin.

ISha warka Hiiraan State
webmasterhiranstate.com



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.40 seconds
14,613,655 unique visits