Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Shirkii ay dalka Jabouti uga qeybgaleen madaxa maamulka Hiiraan iyo wafti uu hogaaminey oo la soo gabo gabeeyey

Wararka MaantaHS:-Kadib markii uu soo gabo gaboobay shir dhawr maalmood ka socday dalka Jabouti oo ay ka qeybgaleen wafti uu hogaaminayey madaxa maamulka Hiiraan C/fatah Hasan Afrah oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshoweynta Hiiraan ayaa gabo gabadii shirkaas waxey waftiga Hiiraan ka soo hooyeen guulo waaweyn iyadoona dhamaanba laga aqbalay codsiyadii ay halkaas la tageen.



Waftigan ayaa u muuqday kuwo siweyn ugu soo diyaargaroobay shirkaan kadib markii ay dhawantaan gareen Hiraan wafti ka socday Ha'yadda soo qaban qaabisay shirkaan ee USAID. Shirka ayaa waxaa reer Hiiraan ugu muhiimsanaa inuu dhaco in ay beesha caalamka u gudbiyaan in labaatankii sano ee la soo dhaafay aan waligeed Hiiraan laga fulin wax mashruuc ah marka laga reebo hayado NGO ah oo iyagu mararka qaarkood waxooga dadka dhiban caawiya taasi oo aan dabooli karin baahidii jirtay marka la eego baaxada colaada dalka ka dhacday.



Sidoo kale ma jirin 21kaas sano dowlad isku howshay wax ka qabashada adeega bulshada hadey tahay TFGda hada jirta iyo kuwii ka horeeyeyba. Inkasta oo aan 100% aysan hirgalin baahidii ay la tageen halkaas waftigii ka socda Hiiraan marka la eego baaxada mashaariicda ay soo bandhigeen oo ka koobnaa.




1- In loo dhiso dhamaan wadooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan iyadoo dhulweynaha Hiiraan la marsiinayo labo freeway oo waaweyn oo laga soo bilaabayo xadka gobolka Galgaduud iyo Hiiraan ilaa xadka Sh/dhexe iyo Hiiraan. sidoo kale waxaa ka go,an sidii ay bulshada Hiiraan u heli lahaayeen jid ka bilaawda Buurta Janta Guundishe ilaa degmada Tiyeegloow oo ku taala xadka Hiiraan iyo Bakool.

2- In wax laga qabto dhibaatada biyaha wabiga Shabelle oo marar badan ku soo fataha magaalada kuwaasi oo keena qasaarooyin iskugu jira maal iyo mood iyo waliba dadka oo magaalada ka barakaca kuwaasi oo qarkood la xarbinaya nolol maalmeedkooda iskaba daa iney qaxaane.

3- Maadaama aysan Hiiraan ku oolin dekedweyn waxaa lagama maarmaan noqotay amaba dayactir xoogan u baahan garoonka diyaaradaha magaalada B/weyne oo ah garoonka ugu weyn Central Somalia kaasi oo la sheegay in dayactirkiisa u baahan tahay qalab iyo dhaqaalo xoogan oo ilaa her caalami ah maadama joogto loo musuq maasuqo dhaqaalaha TFGda loo soo marsiiyo gobolada dalka qaarkood siiba Hiiraan amaba aysanba maanta dalka ka jirin dowlad dhexe oo caadil ah oo bulshada Soomaaliyeed si cadalad ah ugu maamuli karta waxii laga helo dal iyo dibada.

4-Hormarinta beraha, caafimaadka, waxbarashada, xarumaha dowlada iyo xaqiijinta sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay reer Hiiraan ugu horeeyaan uga faa'ideysan lahaayeen qeyraadka uu ilaah ku maneystay dhulweynaha Hiiraan.



Inkasta oo shirkaani ahaa shirkii ugu horeeyey ee noociisa ah eeba reer Hiiraan lagu casuumo mudo sano ah oo shirarkii hore ay si qarsoodi ah dad gaar ah oo ka faa'ideysanaya xilalka ay dowlada dhexe ka hayaan oo ay u isticmaalan danaha reerahooda oo kaliya tagi jireen, taasi oo maanta dalka Soomaaliya ka dhigtay dal dowlad kumeel gaar ah oo loogu yeero TFGda leh laakinse aan loo sineyn jagooyinka, dhaqaalaha iyo waxkasta oo dalka lagu hormarin karay taasi oo xaruntii Villa Soomaaliya ee tusaalaha u aheyd jirtaanka iyo qaranimada umada Soomaaliyeed ay isku gadameen dhawr qabiil oo ka soo jeeda hogaanka sare taasi oo ay marti ka noqdeen bulsahda ka soo jeeda degaano badan oo ay Hiiraan ugu horeyso.

Sikastaba Hiiraan ayaa lagu wadaa hadii ay bulshadeedu helaan wax yar iyo wax badan iney mudo deg deg ah wax badan ka horumari doonaan degaano 21kii sano ee ugu danbeeysay bulsahdooda loogu deeqay malaayin dolar inkasta oo ay dhaqaalahaas intooda badan ku dhaceen shaqsiyaad oo degaanada qaarkeed ayba maanta ka liitaan Hiiraan oo aaan waligeed wax loo qaban.Ugu danbeyn maamulka Hiiraan iyo waxgaradkooda ayaa siweyn u soo dhaweeyey Hayadda USAID iyo Hayaddaha fara ku tiriska ah ee joogtada u caawiya bulshada Hiiraan.

Dhinaca kale waxaa ka socda magaalada B/weyne diyaar garoow loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta waftigii reer Hiiraan ugu qeybgalay shirka jabouti maadaama codsiyadii ay la tageen shirka intooda badan leysku afgartay inkasta oo aan sirasmi ah loo ogeyn xiliga ay dhamaantood wada fuli doonaan hadane qeyb ka mid ah mashaariicdaas waxaa lagu rajo weyn yahay iney bilaawdaan xili aan fogeyn.

Sidoo kale waxaa dayactir bilaaw ah ku socoto wadada isku xirta Jalalaqsi iyo Tuulada Jimbileey taasi oo ay iska kaashanayan dadka deganka iyo shaqsiyaad is xilqaamay kadib markii dhib badan lagala kulmay maritaanka jidkaas oo ay baaruurtu qatar ku gasho mark aay isticmaalayaan.

Isha warka Hiiraan State

Comments

#1 | VIVA HIIRAAN on June 19 2012 21:21:42
Waa war lagu farxo
#2 | Saacid on June 19 2012 21:48:30
Mahadi ha ka gaarto intii ka shaqeysay horumarkaan i farxad galiyey.Hiiraan waa goob leysku baheystay sida qoraalka iiga muuqata wadanka wax badan baan ka maqnaaye laakin wax badan baan ka faaideystay maqaalada qaarkood.

S Abdi
#3 | Cabdullaahi on June 19 2012 21:55:35
War fariinta iisii daaya maxaad u qabataan markasta?
#4 | Cabdullaahi on June 19 2012 21:56:10
Waa Tijaabo
#5 | ClintonDiz on January 19 2017 09:34:20
Tinedol – эффективное средство от грибка стопы, неприятного запаха и зуда.
Перейти на сайт: http://tinedol.1stbest.info/

Tinedol
Tinedol
Tinedol

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.71 seconds
14,581,103 unique visits