Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Maamulka Hiiraan oo ku guuleystay ka hortaga kooxahii qaraxyada geeysan jiray

Wararka MaantaHS:- Magaalada B/weyne oo ay dhawr bilood ka hor qaraxyo waaweyn ka dhici jireen dadkana lagu bartilmaameedsan jiray waxaa hada ka jira isbedel xoogan oo dhinaca amaanka ah.


Inta badan waxaa magaalada iskaka hayaamay taageerayaashii kooxda Shabaab iyadoo ay noqdeen wax maamulka si hoose ula heshiiyey oo Hiiraan kaka sugan goobo cayiman oo ku yaala dhulka buuraleyda ah iyo kuwo u hayaamay koofurta Soomaaliya siiba jubooyinka walow ay wali jiraan kuwo xagjirnimadii ay ku danbeyso kana warheyn in saaxibadood intooda badan heshiis hoose qaateen.

Warar xaqiiqda u dhaw ayaa sheegaya in dhalinyaradii Shabaab u fulin jirtay qaraxyada ay hada Hiiraan ku heystaan caqabado aan u saamaxeyn iney sidii hore wax u qarxiyaan. xiliyadii hore waxey ahaayeen Shabaab dad isku kalsoon kooxdii meel loo dirana sidii loogu diray u soo fulisa hadane xaalku markaad Hiiraan joogto sidaa maahan.

Dhacdadii ugu danbeysay ee lagu fashiliyey qarax la doonayey in laga fuliyo gudaha magaaalada laguna aadiyo Jun/18/2012 oo aheyd xiligii Hotel Madina lagu qarxiyey masuuliyiin reer Hiiraan ah ayaa waxaa arintaas fashiliyey ciidamo dharcad ah oo horey ugu tirsanaa Shabaab kuwaasi oo heshiis hoose la galay maamulka ka arimiya Hiiraan.

Ciidamadaas dharcadka ah ayaa waxey ku biireen rag saxiibadood ah oo aan wali maamulka la heshiin kadibna inta badan qaraxyada waxaa dadka faraha kula jira la soo qabtaa oo ciidamada maamulka goobta tagaan xili aysan xitaa baxsan karin maadaama howsha ay fulinayaan maamulka uu rag ugu jiro.

Arintaan ayaa lagu micneeyey in ay qeyb ka tahay olole ay reer Hiiraan uga hortagayaan waxii wax u dhimaya nabadgalyada ay bulshadoodu heystaan iyadoo ay dhalinyarada kii Shabaab horey u ahaa ee mamulka si hoose ula heshiiyey, kii horey kooxo kale ula soo shaqeeyey, kii midawgii maxkamadaha horey uga tirsanaa iyo dhamaan masuuliyiinta maamulka Hiiraan oo isku si uga hortagaya howlaha ay koox yar ku dooneyso iney ku qalqalgaliyaan nabadgalyada yar ee ay bulshada Hiiraan heleen waxii ka danbeeyey dhamaadkii sanadkii tagay.

Sikastaba xaalada nabadgalyo ee magaalada B/Weyne ayaa ah mid leysku haleyn karo marka la eego ciidamada dibada ka jooga dhamaan dafaha magaalada iyo kuwa dharcadka ah ee lagu daadiyey xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada iyadoo ay sirdoonka maamulka mararka qaarkood isticmaalaan xeelado ay horey u isticmaali jireen kooxda Shabaab taasi oo muujineysa in ay qaar Shabaab ka tirsan heshiis hoose la galeen maamulka oo ficil kasta la sii ogaanayo intii uusanba fulin.

Arinta kale ee iyaduna aad muhiim u ah waxaa isha lagu hayaa amaba aad u yaraaday dadkii aan la garan jirin ee guryaha laga gireyn jiray kadibna magaalada falal amaan daro ka fulin jiray.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,568,945 unique visits