Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Dr A/nur Hussien Boodaaye waa musharax u taagan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya

Wararka MaantaHS:- Dalka Soomaaliya oo lagu wado inuu ka baxo xiliga kumeel gaarka ah waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed kaasi oo ay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed iskugu diyaarinayaan sidii ay ku buuxin lahaayeen jagooyinka muhiimka ah sida baarlamaanka Soomaaliya, golaha wasiirada, xilka gudoomiyaha baarlamaanka, r/wasaaraha iyo madaxweynaha.

Iyadoo ay sidaasi jirto hadane waxaa jira isbedelo kale oo ku cusub beelaha Soomaaliyeed kadib markii ay beelkastaba go,aan ku gaartay iney baarlamaanka soo socoda ku darsadaan aqoonyahano ka fikira danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed hoosna u fiiriya danta degaanka ay ka soo jeedaan maadaama ay meesha ku tagyaan nidaamka qaldan ee 4.5 inta arintaas xal waara looga helayo.

Dr A/nur Hussien Boodaaye waxaa uu ka mid yahay aqoonyahanada Soomaaliyeed ee qurbaha waxuuna ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka baarlamaanka Soomaaliya sidii uu u noqon laha mudane baarlamaan.

Waa aabe xaas iyo caruur leh. waxuu waxbarashadiisa h/dhexe, sare ilaa heer jaamacadeed ku soo kala qaatay dalka Soomaaliya halka uu waxbarashadiisa jaamacadeed ilaa MD ku qaatay dalalka Canada iyo Mareykanka. musharaxan iyo aqoonyahano kale ayaa lagu rajoweyn yahay iney isbedel la taaban karo la imaan doonaan hadii baarlamanka soo socoda laga ilaaliyo musuq maasuq beelaha Soomaaliyeedna la yimadaan nabadoono sharci ah oo aan ku imaan rabitaankooda maadama waayadan danbe Soomaalida nool laga dhaxlay waxyaabo badan oo ka hor imaanaya danta guud.

Sikastaba waxaanu mid mid u soo qaadan doonaa musharaxiinta u taagan xilka baarlamaanka cusub ee soo socda sanadkani aynu ku jirno sida taariikh nololeedkooda, tacliintooda iyo waliba howlahii ay horey u soo qabteen iyo kuwa laga rajeynayo iney qabtaan mustaqbalka dhaw iyo kan fog.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,589,615 unique visits