Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-M/weyne Shariif oo sedax sano kadib dhinaciisa halmar ka waayey siyaasiyiinta reer Hiiraan

Wararka MaantaHS:- Marka taariikhda Soomaaliya dib loo eego siyaasiyiintii hore ee soo maray reer Hiiraan waxey ahaayeen kuwo iyaga ku hamin jiray iney bulshada hogaamiyaan si dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo samata bixiyo taasi oo keentay in 1960 doorashadii la qabtay ay iskugu soo haraan labo musharax oo ka soo jeeda magaalada B/weyne sida Shiikh Ali Jimcaale iyo Aden Cabdulle Cismaan.

Laakinse markaad dib u eekto waayadii danbe waxaa reer Hiiraan u soo baxay siyaasiyiin iyagu maalinba nin hor leh daba fadhiya si mar uun loo helo qaranimadii ka luntay bulshada walow arintaas lala garan waayey oo iyagii lagu sifeeyey siyaasiyiin waxii ay qeyrkood helaan amaba ay iyaga u ololeeyaan waxii la doono looga soo tuuro ugu danbeyntiina lagula dhaqmo siyaasado guracan oo aaqrikii lagu baabiniyo degaanada ay ka soo jeedaan.

Hadaba iyadoo intaasi jirto waxaa dalka hogaaminayey dhawrkii sano ee ugu danbeeysay madaxweyne Shiikh Shariif oo ay garbahiisa joogeen siweyne ugu ololeeyeen markii la dooranayey siyaasiyiin reer Hiiraan ah kuwaasi oo iskugu jira qaar ku baxay gacantiisa iyo kuwo maanta nool oo isha ka daawanaya qaabka uu wax u wado.

Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa nin weyn xantiisa ma mooga isagoo arintaas ka duulayo Shiikh Shariif waxuu hada bilaabay inuu isku dayo inuu heshiisyo hoose la galo
waxgaradka,siyasiyiinta iyo maamulka Hiiraan oo uu gacantiisa ku soo dhistay kana filayo iney siweyn ugu ololeeyaan doorashada soo socta ayaa bilaabay inuu soo nooleeyo xiriirkii reer Hiiraan kala dhaxeeyey oo xumaaday kadib markii uu hal mar waayey siyaasi maanta xitaa ku riyoonayo inuu mar kale u ololeeeyo maadaama banaanka la soo dhigay wax badan oo uu bulshada Hiiraan kula dhaqmay xiligii uu hayey talada koofurta Soomaaliya m/weynaha hada jira.

Sikastaba m/weyne Shariif ayaa dhawaan si toos ah u wacay una codsaday waxgarad ka soo jeeda beesha Xawaadle si uu ula hadlo waxaana shirar badan kadib leysla gartay in lala kulmo iyadoo aaqirkii ay m/weynaha la kulmeen waxgarad iskugu jiray nabadoono, saraakiil iyo dad culimo ah xili uu ku sugnaa dalka Kenya waxaana la weydiiyey bal waxa uu beesha ka rabo 3 sano kadib.

Shariifka oo caan ku ah af macaan hoostana ka ah dhagar qabe ayaa waxgaradkii mudo 1 saac ah ka dhageysteen fikirkiisa markii uu dhameeyeyna waxaa loola hadlay si bini'aadaminimo iyo Soomaalinimo leh markii hadalka macaan loo hormariyey kadib ayaa waxii ay beeshu ka aaminsaneyd hortiisa la dhigay sida aan ku heyno xog rasmi ahne shirkaas kama soobixin wax badan oo bulshada loosheegi karo amaba sidi uu Shariifka ka filayey beesha waayo beelaha Soomaaliyeed waxey iskugu jiraan dhawr nooc qaar caan ku ah munaafaqnimo oo qofka iyagoo aan siyasadiisa ku qanacsaneyn runta u sheegi karin iyo qaar aan u dulqadaneyn waxii ay dhibsanayaan.

Ugu danbeyna Shariif waxaa hadalkii loogu soo gabogabeeyey 3dii sano ee aad joogtay ku baranay laakiinse waxaa ilaah mahadii ah in aadan qofne dili karin qofne aadan nooleyn karin ilaa amarka ilaahey ku dhacdo maahane shirkiina waa lagu kala tagay.

Kadibna Shariifka waxuu telefon qabadsiiyey madaxa maamulka Hiiraan C/Fataax Hasan Afrax oo xiligaas kusugnaa dalka Ethiopia labada masuul oo hore iskula soo shaqeeyey ayaa kulan dheer kadib isku sii raacay wadanka Imaaraadka waxii ayku wada hadleen ama ku heshiiyeen lama garanayo laakinse dhawaan ayaa laga garan doonaa maamulka oo leh Shariifka hala doorto iyo mar labaad wuu u qalmaa in la doorto ileen isagaa meesha keensadaye. sidoo kale warar aan la hubin waxey sheegayaan in gudoomiyaha Hiiraan Shariifka kula taliyey inuu faragalin ku sameeyo soo xulitaanka xildhibaanada cusub si Shariifka u soo xusho xildhibaano isaga kaliya doorta jiritaanka arintaan kama hordhaceyno iyadaa banaanka imaan doonto dhawaan.

Sikastaba Shariifka reer Hiiraan horey ayey ugu tanaasuleen isaga iyo hogaamiyaal ka horeyey waxaa la joogaa waqtigii uu isagu tanaasuli lahaa oo u ololeyn lahaa sidii ay talada dalka Hiiraan dib loogu celin lahaa maadaama uu waqtigiisa hore u soo qaatay ayey leeyahiin ita badan bulshada Hiiraan.

Inkasta oo aan siyaasada Soomaaliya la sadaalin karin waxey u badan tahay in ay reer Hiiraan kaalin muuqata ka qaadan doonaan doorashada soo socota maadama ay u sharaxan yahiin shaqsiyaad karti u leh amaba hogaamin kara bulshada Soomaaliyeed waxaana ka go,an cidkasta oo ay ku tuhmayaan qaranimo iyo dersiwanaag iney kula shirkoobaan siyaasadaha soo socda halkii ay waqti ku lumin jireen beelo amaba shaqsiyaad aan diyaar u aheyn in dalka iyo dadka Soomaaliyeed la bad baadiyo xitaa hadii ay gacanta ku dhigeen hogaankii dalka.

Marka xaalada laga daayo reer magaalnimo iyo af gobaadsi Shiikh Shariif iyo beesha uu la kumay arintooda waa kaaf iyo kala dheeri. waayo shaley markii uu ku guuleystay hogaanka dalka waxaa loo arkey nin da'yar oo ahaludiin ah cadaaaladuna ay ka ag dhaw tahay inkasta oo uu waqti adag ku soo aaday mudana in waqti la siiyo. maanta waxaa loo arkaa dhagarqabe ka beensheegay diinta Islaamka cadaaladuna ku yar tahay af mac oo aan ficil wadana kula dhaqmay bulshada Hiiraan.

Tani waxey fursad qaali ah siineysa musharaxiin badan oo sanadkan u taagan sidii ay ula wareegi lahaayeen hogaanka dalka si loo helo isbedel cusub.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.24 seconds
14,633,361 unique visits