Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-M/weyne Shariif oo awoodiisa iskugu geeynaya sidii gudoomiyaha cusub ee baarlamanka uga imaan lagaa beelaha Digil iyo Mirifle

Wararka MaantaHS:- Dalka Soomaaliya oo dhawaan la geenayo Police cusub oo ka socda wadamada Africa inta aan la gaarin doorashada soo socota ayaa hada waxuu ku jiraa isbedelo noocyo badan kuwaasi oo siweyn looga dareemayo masuuliyiinta TFGda kuwooda u sharaxan iney ka qeybqaataan doorashada soo socota, halka dhinaca kale ay Mogdishu iyo nawaaxigeeda ka socdaan dagaalo loga saarayo kooxda Shabaab gobolada dalka oo dhan.


Marka laga soo tago arimahan is barbar socda waxaa jira qorshe ay wataan m/weyne Shariif iyo koox u qaabilsan ololahiisa doorashada soo socota kuwaasi oo warar horu dhac ah laga helayo qaabka ay ku dagaal galayaan doorashada soo socota si uu mar labaad ugu guuleysto hogaanka dalka Shiikh Shariif.

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in M/weynaha iyo kooxdiisa xooga sareen sidii doorashada soo socota uu gudoomiye baarlaman u noqon lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle si uu u helo jaanis uu iskugu soo taago xilka madaxweynaha Soomaaliya.M/weynaha iyo kooxdiisa ayaa maalmahan shirar is dabajoog ah kula lahaa magaalada Mogdishu qar ka mid ah siyaasiyiin iyo wax garad ka soo jeeda beelaha Direed si aysan u dhicin in uu shaqsi ka mid ah beelaha Direed iskugu soo taagin jagada gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

M/weyne Shariif ayaa lagu soo waramayaa inuu beelaha Direed balanqaad horudhac ah siiyey isagoona ka codsaday qaarkood iney la galaan ololaha uu ku doonayo in gudoomiyaha baarlamanka noqdo qof ka soo jeeda Digil iyo Mirifle.qaar ka mid ah dadka aadka ugu dhaw Shariifka ayaa isla dhaxmaraya in uu Shariifka doonayo sidii uu wasiirka 1aad uga dhigi lahaa beelaha Direed walow aan la sheegin beesha uu si gaar ah xilkaan ugu magacaabi doono.

Shiikh Shariif waa musharaxii ugu horeeyey ee la maqlo cida uu ka dhigayo wasiirka 1aad hadii uu ku guuleysto doorashada soo socota arintaan oo siweyn looga dheehan karay shirkii uu dhawaan kula yeeshay wafti ka socday Soomaaliland magaalada Dubai.

Marka laga soo tago damaca Shariifka oo in uu run noqdo ay kuxiran tahay qadarka Alle sida laga warqabo beelaha Digil iyo Mirifle damacooda 21kii sano ee ugu danbeeyey ma dhaafsiisneyn raadinta gudoomiye baarlamaan oo iyaga u ah xilka ugu sareeya ee ay hogaanka sare ka haweystaan waxaa dhici karta baa la leeyahay in aysan beelahaas sidii hore aheyn oo ay ku jiraan dad uu ku jiro damac ka fog gudoomiye baarlamaan iskuna soo taagi doona xilka madaxweynaha Soomaaliya si hadey ku guuleysan waayaan fursad ugu helaan wasiirka 1aad.

M/weyne Shariif ayaa u muuqda mid siyaasad ahaan dhinac iska dhigay beelaha Daarood hadii uu ku guuleysto doorashada soo socota maadama sida lagu soo waramayo uu xilka wasiirka 1aad u magacaabay 2 ilaa 3 jeer beelahaas mudadii uu madaxweynaha ahaa, wey dhici kartaa in siyaasad ahaan balan qaad been ah u sameeyo laakinse sida ay hada wax ku bilaawdeen amaba uu qorsheynayo Shariifka iyo kooxdiisa boos uguma banaana jagooyinka waaweyn beesha Daarood waa arinta miiska u saaran Shiikha iyo xertiisa.

Qorshahan cusub ee Shariifka iyo kooxda u ololeyneysa ayaa lagu micneeyey soo nooleynta siyaasada, dhaqaalaha iyo horumarka beelaha ku abtirsada irir Samaale oo mudo fog isla jaanqaadi waayey waa siyaasadaha maalmahan shacabka Mogdishu iyo kuwa Hargeysa laga dhaadhicinayo waa hadii la meel marin karee, arintaan ma ahan sir waa arin qorshaheeda dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey miiska u saarnaa Shariifka.

Inkasta oo aan sadaal dhab ah laga bixin karin siyaasada Soomaaliya oo ay waxkasta isbedeli karaan hadane waxaa dhici karta baa la leeyahay inba Shariifka iyo kooxdiisa ay beelaha kale ee Soomaaliyeed isaga ku kidiyaan oo gudoomiye baarlamaan loo doorto qof ka soo jeeda beesha Hawiye sidaasina isaga iyo rag kaleba daaqada ugu baxaan.

Sikastaba waxaanu sugnaaba waa musharaxiinta kale cida ay iyaguna mustaqbalka hadii ay xilkaan ku guuleystaan ka dhigi doonaan wasiirka 1aad walow qaar badan oo iyaga ka mid ah sida m/weyne Shariif u soo qadimi doonaan cida ay r/wasaare ka dhigi doonaan doorashada soo socota.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,568,289 unique visits