Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Hiiraan oo siweyn loogu dabaal degay munaasiabda 1da Luuliyo

Wararka MaantaHS:- Guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa ka socda dabaal degyo waaweyn oo loogu dabaal degayo maalinta qaaliga ah ee 1-da luuliyo.magaalada B/weyne ee caasiamda Hiiraan ka dhacay habeenkii xaleyto ahaa munaasabad lagu maamuusayay 1-Luulyo oo ku beegan 1960-kii, maanta oo kale waqtigii ay ka xuroobeen gobollada Koonfurta Soomaaliya gumeystihii Talyaaniga iyo is raacii labada gobol Koonfur iyo Waqooyi.



Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb-galay xubno ka tirsan masuuliyiinta maamulka Hiiraan, saraakiish ciidanka, iyo qeybaha bulshada oo siweyn ugu faraxsanaa xuska maalinta 1-Luulyo oo ah maalin ku weyn bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda.

Qudbado kala duwan oo dhamaantood salka ku hayay qiimaha maanta oo kale ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed, iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray xuriyada maanta la harsanayo ayaa waxaa halkaa ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan.



Afhayeenka maamulka Max’ed Nuur Caga-joof oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii xalay ka hadashay munaasabada ayaa sheegay in munaasabada 1-luulyo sanadkan ku soo beegantay waqti sida uu hadalka u dhigay bulshada Soomaaliyeed cagta saareen wadadii dowladnimada bulshaduna hiigsaneyso qaranimo.



Isagoo u rajeyay bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan nabad iyo barwaaqo.intaas ka dib waxaa halkaas qudbado kala duwan ka jeediyey masuuliyiin fara badan iyo waxgaradka B/weyne qaarkood.



Sidoo kale waxaa munaasabada lagu maamuusayay 1- Luulyo ee lagu qabtay magaalada B/weyne goob joog ka ahaa ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hiiraan oo dhinacooda siweyn ugu faraxsanaa dabaal-daga, qaarkood oo ka hadlay goobtana waxaa ay sheegeen in ay dhiigooda u hurayaan sidii ay u difaaci lahaayeen xuriyada dhiiga badan loo soo daadiyay.

Sikastaba ma ahan oo kaliya meelaha ay ka dhaceen dabaal dagyada waaweyn B/weyne oo kaliya waxaana ka mid ahaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo ay ugu horeyso caasimada Soomaaliya ee Mogdishu.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net





Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,633,780 unique visits