Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Professor Warfaa iyo walaalkii Xildhibaan Cumar Ugaas Muumin oo ku guuleystay iney soo xulaan.

Wararka MaantaHS:- Shirweyne si wanaagsan loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen ku dhawaad 30 qofood oo la soo xushay kana socda beesha Faramage Samatalis reer Ugaas Xawaadle oo ka dhacay magaalada Mogdishu ayaa waxaa lagu soo bandhigay in xubintii xildhibaanimada beeshaasi loo doortay ninkii dhinaca ololaha doorashada u qaabilsanaa musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Prof Ahmed Muumin Warfaa oo lagu magacaabo Avv Daahir Hasan Cabdi.



Shirka oo ay ka soo qeybgaleen musharaxiin fara badan oo ka soo jeeday jifada reer Ugaas Xawaadle ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Cumar Ugaas Muumin Warfaa oo goobta ka sheegay in gursigii xildhibaanimada uu u gartay inuu siiyo Avv Daahir Hasan Cabdi oo uu sheegay inuu kaalin weyn ka qaatay ololahii walaalkii Professor Ahmed Ugaas Muumin Warfaa gursigaasina ay horey u bixiyeen aysan jirin cid kale oo loo qoondeeyey.

Cumar Ugaas Muumin Warfaa oo ay walaalo yahiin musharaxa madaxweynaha Soomaaliya professor Warfaa oo markii shirku dhamaday si sir ah loo weydiiyey waxa uu isaga kaligii u xushay ninkaani maadaama ay jiraan musharaxiin badan waqtigii mid mid loo dhageysan lahaa jifo kasta musharaxiinta u sharaxana aan la gaarin ayaa sheegay in arintaan loo sameeyey hadii uu doorashada madaxweynaha Soomaaliya ku guuleysan waayo Professor Warfaa loona baahdo inuu noqdo R/wasaare ayna dhici karto in la yiraahdo R/wasaaraha waa inuu ahaadaa qof ka mid ah xildhibaanada cusub in uu Avv Daahir Hasan Cabdi oo madax u ahaa ololaha Professor Warfaa inuu sidaas booska ugu baneeyo musharaxa madaxweynaha sidii uu M/dheeraba ugu baneeyey Ali Geedi.

Qorshahan oo ahaa mid u muuqday mid laga soo shaqeeynayey mudo waxaa kale oo ay ujeedadiisu tahay sidii uu Avv Daahir ugu ololeyn lahaa xildhibano kale oo si toos ah ugu codeeya Professor Warfaa siiba kuwa ka soo jeeda Hiiraan. waxaa kale oo goobta si sir ah loogu soo bandhigay in xildhibaanada kale ee ka soo jeeda beesha Xawaadle sida Avv Daahir loo soo xuli doono iyadoo la casuumayo dad la soo diyaariyey isbuucyada soo socda oo aan marnaba shir musharaxiinta lagu kala saarayo aan la qabab doonin.

Beesha reer Ugaas Xawaadle waxaa u sharaxnaa oo xilkaan u taagnaa Dr Cali Warfaa Cadow iyo Dr Nuur Muumin Cali iyo ilaa 3 qofood oo kale oo ay qofi dumar tahay dhamaana ku sugan Mogdishu waxaana lagu soo waramayaa in labadan musharax ay adag tahay iney xildhibaan noqdaan kadib markii la sheegay in ay iyagu codkooda siinayaan qofkasta oo Soomaali ah oo ay u arkaan inuu dalka iyo dadka Soomaaliyeed samata bixin karo ciduu doono haka soo jeedee, taasi oo ah mid aan maanta ka soconeyn Xildhibaan Cumar Ugaas Muumin Agtiisa.

Arinta kale oo dad badan aad ugu yaabisay ayaa aheyd in markii shirka leyskugu yimid ay intii shirka timid sugayeen in la barayo in madaxa ololaha Professor Warfaa Avv Daahir Hasan Cabdi uu dadka hortooda ka sheegi doono inuu yahay musharax u taagan xilkaan taasi bedelkeediina Xildhibaan Cumar Ugaas Muumin ayaa sheegay in gursigaan isaga la siiyey.

Tani waxey wado cusub u fureysaa dhamaan jifooyinka ay ka kooban yahiin beesha Xawadle amaba reer Hiiraan maadaama qabiilkasta amaba jifo hoosaad kasta ay u sharaxan yahiin dhawr qofood oo uu xilkaan damac kaka jiro. si kastaba waxaa cad in xildhibaanada cusub lagu soo xulidoono musuq maasuq iyo nin jecleysi iyadoo la sii ogyahay xildhibaan kasta cida uu u codeyn doono doorashada soos socota.

la soco jiritaanka arintaan iyo magacyada dhamaan dadkii shirka ka soo qeyb galay iyo sidey hadalka u kala qateen, sidoo kale waxaa hada si horudhac ah aanu u helnay magacyo horudhac ah oo noqon doono xildhibaanada cusub ee beesha Xawaadle oo gacanta ugu jir xildhibaan Cumar Ugaas filo goor dhaw liiskaas.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,605,633 unique visits