Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Shirkii lagu ansaxin lahaa dastuurka cusub oo mar kale baaqday

Wararka MaantaHS:- Maanta oo la filayey inuu Muqdisho ka furmo shirweynaha ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kaasoo lagu sheegay cilad farsamo oo dhinaca xulida ergooyinka ah oo buuq badan oo dhianca beelaha ka taagan yahay.

Wasriika dastuurka iyo arrimaha federaalka C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in shirku arrimo farsamo aawgood uu mar kale dib u dhacay.

“Waxa keenay dib u dhaca waa farsamo wax kale maaha, maalmo dib u dhac ahna dhib weyn maaha” ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jabriil oo warbaahinta maanta la hadlay xili siweyn looga wal walsan yahay in uu waqtiga dhamaado iyadoo aan wax dastuur ah la ansaxin.

“Waxaan u qabanay odayaasha in caawa ilaa berri subax ay soo dhameystiraan ergada ansixinta dastuurka” ayuu sidoo kale yiri wasiir Xoosh".

Odayaasha dhaqanka qaarkood oo iyaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sababta uu maanta u furmi waayay kulanka ay tahay iyadoo aan weli lasoo dhameystirin ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka, balse la filayo inuu furmo maalinta Isniinta iyo waxii ka danbeeyo.

Madaxda dowladda KMG ah oo horay u shaaciyay in shirka uu furmi doono maanta oo ay tahay 21-ka Luuliyo - ayaan ka hadlin sababta uu dib ugu dhacay, inkastoo ay toddobaadkii hore madaxda dowladdu ka digeen inuu shirku dib u dhaco.

"Dib u dhaca ma keenin khilaaf, balse waa arrin farsamo, maalinta Isniinta ah ayaa la filayaa inuu shirku furmo," ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay saxaafadda, isagoo intaas ku daray in la dhameystirayo maanta iyo berri ergooyinka.

Shirkan oo lagu waday inuu furmo 12-kii bishan ayaa khilaaf awgiis u baaqday, kaas oo la sheegay in la xalliyay, waxaana dib u dhacan labaad uu muujinayaa sida ay dowalda iyo odoyaashu ugu kala aragti duwan yahiin arimaha siyaasada iyoansaxinta dastuurka cusub ee la doonayo in lagudhaqo umada Soomaaliyeed.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,599,849 unique visits