Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Warsaxaafadeed: Hantida Shirkadda Dahabshiil iyo tan macaamiisheeduba waa mid Xafidan

Wararka MaantaHS:-Shirkada Dahabshiil oo ah shirkad kaalinta 1aad kaka jirta shirkadaha ka howl gala dalka Soomaaliya ahana shirkad xiligii adkaa ee ay dalka Soomaaliya ka jirtay dhibaatada kaalin weyn ka qaatatay ololahii loogu gurmanayey shacabkii dhibaateysnaa, waa shirkad ay nolol ka helaan kumanaan qoys oo Soomaaliyeed kuwaasi oo shirkada ugu shaqeysta siyaabo kala duwan ayaa waxsaxaafadeed ka soo saartay warar sheegaya in loo dhacay keydka shirkada.




Shirkada ayaa howlaheeda sidii caadiga aheyd u watata marka aad booqato qaar ka mid ah xafiisyada shirkada mana jirto wax isbedel ah sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah macaamiisha shirkada oo sidii hore u isticmaala lana dhacsan adeega ay shiradu u yaheyso macaamiisheeda.

Hadaba war saxaafadeed ay soo saareen qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkada ayaa sidan u qornaa.

Waxa aynu la soconaa in ay jiraan dad website-yada qaar ku qoray dacaayado been abuur ah oo ka-dhan ah Shirkadda Dahabshiil. Ma aha markii ugu horraysay ee Website-yadaasi qaarkood ay ka faafiyaan dacaayado iyo been abuur shirkadaha xawaaladaha, gaar ahaanna Dahabshiil, muddo dhawr sano ah. Hore waxa shirkaddu u saartay dacwad maxkamadeed websiteyadaas oo waxa la siiyey digniin ah inay ka waantoobaan beenahaasi iyo dacaayadaha ay faafinayaan, ujeedada ay ka leeyihiinna ahayd dano gaar ah oo dhaqaale. Taasina ma aha wax dhici kara. Waxa kale ay rabaan in lagu waxyeeleeyo dhaqaalaha dadka Soomaliyeed iyo sumcadaha Hay’adaha u adeega ee uu Dahabshiil ka midka yahay, iyadoo aanu ka foojiganahay isla markaana aanay u suurto-galayn damacoodaasi.

Sidaa darteed:

1. Waxa aanu cadaynaynaa in shaqadii Dahabshiil u hayay macaamiishiisa meel kasta oo ay joogaan, ay sidii caadiga ahayd ee looga bartay u socoto.

2. Waxa kale oo aanu xaqiijinaynaa in system-ka Dahabshiil ku shaqeeyaa yahay mid aammin ah wax dhibaato ahina aanay ka jirin, hantidii shirkadda iyo tii macaamiishuna xafidan tahay.

3. Waxa aanu macaamiisha shirkadda Dahabshiil meel kasta oo ay joogaan u caddaynaynaa in xogta (data) lagu baahiyay website-yada qaar ay tahay mid aan sax ahayn.

4. Waxa kale oo aanu u sheegaynaa kooxdaasi dacaayada iyo been abuurka faafinaysa in aanu sharciga caalamiga ah la tiigsan doono.

- Allaa Mahad Leh –

Hassan M Jama "Heiss"
Public Relations & Media
Dahabshiil Operations Center
Tel. +47 6705 9884 (Office); +252 7 9100001

Alternative eMails: hassanheiss@gmail.com; hassanheiss@hotmail.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,613,873 unique visits