Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Beesha caalamka oo ka walwalsan ansaxinta dastuurka cusub

Wararka MaantaHS:-Dalka Soomaaliya oo la saadaalinayo inuu noqdo wadankii ugu horeyey ee loo sameeyo dastuur ay ku baxday malaayiin dolar oo ay bixiyeen dowlado dano fog ka leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa xaalkiisa laga deyrinayaa.

Marka la eego sida uu marar badan dib ugu dhacay ansaxinta dastuurka oo wax badan hortaagan waxey u badan tahay baa la leeyahay in waqti kordhin loo sameeyo TFGda hada jirta laakinse xukumada la bedelo walow aan la shaacin mudo kordhintaas waqtiga ay ka bilaabaneyso kuna dhamaaneyso.

Warar is qilaafsan ayaa arintaan ka soo baxayo qaar waxey sheegayaan hadii lagu fashilmo in dastuurkaan la ansaxiyo marka la eego waqtiga u haray TFGda wey adag tahay in ay dalka doorasho ka dhacdo waxaana loo baahan doona waqti dheeri ah.

Warar kale waxey sheegayaan in dib loo dhigi doono ansaxinta dastuurka laakinse baaralamaan cusub la dhisi doono maadama odoyaasha dhib badan lagala kulmay, baarlamaankuse sidii Kampala Acord wax badan laga dhameysan karo maadaama waxkasta ku xiran yahiin dhaqaalo.

Dhinaca kale waxaan walito gaarin Mogdishu ciidamo boolis ah oo ay wadamada Africa u soo dirayeen Soomaaliya si caasimada Soomaaliya loogu sameeyo qad cagaaran {Green Zone} la mid ah midka ka jira dalka Iraq si talada wadanka kor uga maamulaan dad aan Soomaali aheyn.

Inkasta oo ay wax badan isbedeli karaan hadane waxkasta waxey ku xiran yahiin baa la leeyahay sida dastuurka cusub loo ansaxiyo baarlamaan cusubna loo helo.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,568,783 unique visits