Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Shirkii ansaxinta dastuurka ooMogdishu ka furmay

Wararka MaantaHS:- Magaalada Mogdishu oo ku jirta xiligii ugu dadka badnaa ayaa waxaa maanta ka furmay shirka ansixinta dastuurka qabyada ah, iyadoo goobta uu shirku ka furmayo iyo wadooyinka Muqdihso qaarkood aad siweyn ugu arkeyso ciidamo ilaalinaya si looga hor tago weeraro.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda DKMG ah, xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika, waxaana lagu wadaa in lagu soo bandhigo magacyada ilaa 600 oo ka mid ah dadkii ansixin lahaa dastuurkaas xili intii kale aan wali la heyn.

"Ergada shirka ka qaybgalaysa intoodii badneyd waxay ku sugan yihiin goobta, inta dhimanna dib ayay ka imaan doonaan looma joojinayo howlaha socda," ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka C/raxmaan Xoosh oo ku sugan goobta uu shirku ka dhacayo.

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in shirkaan ansixinta dastuur oo aysanba xubnahii loo qoondeeyey aysan dhameyn ay xigi doonaan xubnahii baarlamaanka cusub ee soo dooran lahaa afhayeenkii baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa si howlaha intooda kale loogu gudbo.

Sidoo kale xarakada Shabaab ayaa ku goodisay iney mid mid u ugaarsan doonto cidkasta oo ka qeybgasha shirkaas lagu ansixinayo dastuurka cusub iyadoo ay dad badan ka walwalayaan in la soo bandhigo magacyadooda oo lagu soo daabaco warbaahinta.

ISha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.05 seconds
14,667,093 unique visits