Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Bayaan lagu taageerayo Maaalik Cabdalle Farmashiye oo ka mid ah musharaxiinta reer Hiiraan..

Wararka MaantaHS:-Bayaan ka soo baxay Jaaliyadaha beesha Yabar Madaxweyne ee North America iyo Europe oo si buuxda loogu taageeray Cabdi Maalik Cabdulle Farmashiye inuu noqdo xildhibaanka beesha
Kulan ballaaran oo ay ka qeyb galeen waxgaradka, odayaasha, aqoonyahanka, haweenka, iyo dhammaan jaaliyadda beesha Yabar Madaxweyne ee North America ayaa lagu falanqeeyay xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya gaar ahaan arrinta soo xulista xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Falanqeyn iyo faaqidaad dheer ka dib, waxay jaaliyaddu isla qaadatay in si buuxda loo taageero go’aankii ka soo baxay guddiga odayaasha beesha Yabar Madaxweyne ee Muqdisho kaasoo ay ku go’aamiyeen in Cabdimaalik Cabdulle Farmashiye uu noqdo xildhibaanka Beesha Yabar Madaxweyne uga mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoon Xaaji Cabdow Haaraay oo ka hadlay shirka ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii la garab maro go’aanka guddiga beesha Yabar Madaxweyne isagoo carrabka ku adkeeyay in jaaliyadda beesha ee North America ay si buuxda u ayidsan tahay go’aanka odayaasha beesha.

Guddoomiyaha Jaaliyadda beesha Yabar Madaxweyne ee North America Mudane C/qaadir Xuseen Xaasow oo isaguna madasha ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay in si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka beesha Yabar Madaxweyne ay lama huraan tahay in la is garab taago go’aanka odayaashu gaareen. Sidaa darteed ayuu guddoomiyuhu sheegay in jaaliyadda beesha Yabar Madaxweyne ay si buuxda u taageersan tahay go’aanka ka soo baxay odayaasha iyo murashaxnimada Cabdimaalik Cabdulle Farmashiye.

Guud ahaan xubnihii ka soo qeybgalay shirka dhex maray jaaliyadda beesha Yabar Madaxweyne ee North America ayaa si buuxda u taageeray go’aankii ka soo baxay guddiga odayaasha dhaqanka beesha Yabar Madaxweyne ee Muqdisho.



Sidoo kale Jaaliyadda beesha Yabar Madaxweyne ee Europe ayaa si buuxda u taageertay go’aanka ka soo baxay guddiga odayaasha beesha Yabar Madaxweyne ee Muqdisho iyo murashaxnimada Cabdimaalik Cabdulle Farmashiye.

Bayaanka ayaa waxaa ku saxiixnaa:

Xaaji Cabdow Haaraay (nabadoonka beesha ee North America)
C/qaadir Xuseen Xaasow (Guddoomiyaha Jaaliyadda North America)
C/llaahi Cabdi Dhagaxow,Mako Maxamed Amin,Cilmi Cabdi Warsame (Caymis)
Sucaado Barre Axmed,Zaki Cabdi Xaraare,Ciise Guure Cali (Cumda),Muna Faarax Cali Nuur
C/llaahi Xaaji Faarax,Warsan Maxamed Amin,Mahdi Cabdulle Guure,Maxamed Cabdi Xaraare,Axmed Nuur Xaraare Aadan,Cali Cabdulle Guure,C/fataax Sh. Cilmi
C/llaahi Sh. Aadan,Xuseen Maxamed Xassan,Cismaan Macallin Maxamed

Dhamaad

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,579,625 unique visits