Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 10

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Degmada Matabaan oo dhawaan laga fulinayo mashaariic horumarineed xili ay maant agaareen halkaas...

Wararka MaantaHS:-Dagmada Matabaan oo ah degmooyinkii ugu danbeeyey ee ay dowladii Kacaanka magacaawday ayaa ka mid ah meelaha ugu liita dhulweynaha Hiiraan marka la eego sida ay dib ugu dhacday degmada oo ay dhinackasta ka horumareen tuulooyin aad uga yar yar.

Iyadoo ay degmadu ka mid tahay goobaha ugu muhiimsan ee ay doonayaan maamulka Hiiraan iney ka fuliyaan adeekii guud ee bulshada ayaa waxaa maanta halkaas siweyn loogu soo dhaweeyey masuuliyiinta maamulka Hiiraan iyo kuwa degmada Matabaan ee dhawaantan lagu dhawaaqay.

Waftigan oo uu horkacayey madaxa maamulka Hiiraan C/fatah Hasan Afrax ayna safarka ku wehliyeen gudoomiyaha cusub ee degmada Matabaan Max’ed Warsame Xirsi iyo saraakiil dhinaca amaanka ah oo degmada loo magacaabay ayaa halkaas kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada kunool degmada.

Ujeedada socdaalka waftigaan ayaa iskugu jirtay labo arimood waa mida koobaade sidii loo qiimeyn lahaa baahida rasmiga ah ee degmada iyo adeega ay bulshadu u baahan yahiin maadama ay degmada Matabaan ka mid tahay degmooyinka loo qoondeeyey shirkii USIAD ee ka dhacay dalka Jabouti dhaqaalo wax looga qabto arimaha bulshada.Tan labaad waa sidii maamulka cusub uu uga howlgali lahaa halkaas si loo xaqiijiyo dhamaan nabadgalyada shacabka Hiiraan iyo dadka ku safra wadada dheer.

Waftiga ayaa sidoo kale safaro ku soo maray degaano ay ka mid yahiin Beergadiid, Jiracle, Kalabeyr halka ay booqan doonaan degaano kale oo Hiiraan ka mid ah sida degmada Feer Feer.

Ugu daneyn maamulka cusub ee dagmada Matabaan iyo dhamaan masuuliyiinta loo magacaabo maamulada degmooyinka ay ka kooban tahay gobolada Hiiraan ayaa la filayaa iney si daacad ah dadka ugu adeegi doonaan maadaama uu dalka Soomaaliya ka siibaxayo fowdadii uu ku jiray 21-kii sano ee ugu danbeysay.

Arinta iyaduna ciidamada maamulka Hiiraan xiligii ay galbinayeen wafuuda la kulmeen waxaa ka mid ahaa xili uu waftiga sii galayey gudaha degmada Matabaan ayaa waxaa risaas dusha sare u riday koox halkaas ku sugneyd kadibna qaar ciidanka ka mid ah ayaa yiri waa caruur yar yare naga daaya markaas ayuu mid kale yiri war dadku sidan ayey u bar yaryahiin ee waa dadwaaweyn markii loo dhawaaday waaba rag ger iyo shaarbe leh oo waaweyn sidey fowdo ugu jireena u muuqaal egaaday caruur aan waayadan nidaam iyo kala danbeynba arag ,ayaa markii danbe indhahooda ku quus qaatay oo risaasta ay ridayeen joojiyeen iyagoona markii danbe u baqoolay dhinaca Guriceel oo ah exit-ka ugu dhaw.

Sida uu hada ku socdo dalka Soomaaliya beelo badan oo Soomaaliyeed amaba degaano badan ayaa dadkoodu indhaha ku dhufan doonaan bulshada Soomaaliyeed siiba kuwoodii fowdo u jooga ahaa 21-kii sano ee ugu danbeysay ee maalinba meel hor leh dagaal aan ujeedo laheyn ka bilaabi jiray markii ay dad badan kaka dhintaane hadane meel hor leh aadi jiray walow aysan arintamahaas meelo badan oo ay Hiiraan ugu horeysao ka soconeyn qarniga 21aad marba hadii ay horey ugu socon weysay qarniyadii la soo dhaafay.

Maamulka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa iney ciidamo xoogan dhigeen dhamaan tuulooyinka ku teedsan dagmada Matabaan inta mashaariicda horumarineed laga fulinayo halkaas lana bilaabi doono mudo dhaw sida lagu rajo weyn yahay.dagmada Matabaan marka la qiimeeyey baahida ka jirta amaba adeega ay bulshada halkaas ku nool u baahan yahiin waxa ugu horeeya caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada oo ah kuwa ugu muhimsan.

La soco wararkeena danbe iyo Hiiraan

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,605,761 unique visits