Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Xildhibaanada beesha Xawaadle ee la filay ineyka mid noqdaan baarlamaanka cusub

Wararka Maanta HS:- Beesha Xawaadle oo la saadaalinayey iney baarlamaanka soo socda ka helidoonaan 10 gursi odoyaashii reerka u metelayey hortooda ayaa lagu boobay halkii ay beesha u soo dhicin lahaayeen qeybta ay ku leetahay Soomaaliweyn iyo beelahii ay wax la qeybsanayeena waxaa liis qorow ku waashay mid ka mid ah odoyaasha 4ta ah oo mararka qaarkood aadba moodeysay inuusan kala jecleyn sharafta iyo karaamada beesha marka si fiican loo eego hab dhaqankiisa.

Hadaba iyadoo ay sidaasi jirto beesha ayaa lagu wadaa iney baarlamanka cusub ka helaan 10 ilaa ugu yaraan 9 xubnood walow shacabka beesha loo sheegay in ay beesha heshay 8 xubnood hadane ma ahan markii ugu horeysay ee ay beeshu hesho 9 xuboon kadibna bulshada loo sheego in ay beeshu heshay 8 xubnood shirkii Kenya ee 2004 kii ayey aheyd markii ay beeshu heshay 9 xubnood kadibna mid ka mid ah xildhibaanada hada gabalkooda sii dhacaya uu iibsaday xubintii 9aad kadibna sidaasi ku qadeen mid ka mid jifooyinka ay ka kooban tahay beelweynta guud.

Wararka hada leysla dhax marayo magalada Mogdishu ayaa sheegaya in ay beeshu heshay 10 ilaa 9 xubnood kadiba markii danbe uu afka u batay in la helay 9 walow hada leysla dhax marayo in la helay 8 kursi kaliya taasi oo dad badan aad uga yaabisay halka 61kii kursi ee ku soo aaday beelaha Hawiye 32 ka mid ah ay qaateen beelaha Abgaal iyo Habargidir halka intii soo hartay lagu hoos tuuray beelahii kale madaama odoyaashii la xisaabtami lahaa ay ku mashquuleen liis qorow iyagooba aad mooday mid ka mid ah 4ta odoy inuuba xitaa ku qanci lahaa hadii beesha la siiyo 3 kursi marba hadii uusan baarlamaanka imaanayo ka mid noqoneyn.

Hadaba inkasta oo ay mediyaha Soomaalida hadba sidey jecel yahiin wax u qoraan waxanu maanta ka hadleynaa beelaha Hiiraan sidey wax u heleen iyo dadka ay doonayaan bulshadooda iney uga mid noqdaan beelahaas inagoo ku bilabeyna beesha Xawaadle.

Beehsa Xawaadle oo ah marka runta dib loogu noqdo dad uu ku badan yahay tanaasulka marka ay arinta gaarto mustaqbalka dalka waxaa qas iyo fowdo xoogan ku haya dhawr qofood oo dantooda gaarka ah kaliya ilaashanaya kuwaasi oo iskugu jira kuwo hanti doon ah iyo kuwo xubnaha imaan doona dano siyaasadeed ka leh.

Hadaba jifooyinka ay ka kooban tahay beesha waxaa u sharaxan dhawr xildhibaan jifo kasta inkastoo qaar odoyaasha ka mid ah buun buuniyaan kuwa ay iyagu wataan oo ay doonayaan iney ka mid noqdaan baarlamanka cusub.

Hadaba beesha oo u kala baxada Samatalis, AlaKumar Xawaade iyo Adeeradood waxaa inta badan marka siyaasada Soomaaliya wax la qeybsanayo Soomaalida wax la qeybsada Samatalis iyo adeeradood maadama AlaKumar degan yahay dalka Kenya oo aysan tiro badan ka joogin Soomaaliya waxaana hada xildhibaanada Sharaxan ee jifooyinka ka mid ah amaba ay yahiin sidan.

1- Jifada Faramage Samatalis reer Ugaas waxa u sharaxan ilaa 3 qofood oo ay midu haween tahay kuwaasi oo kala ah

1-Dr Cali Warfaa Cadow 2- Qof dumar ah oo shirkii Kenya 2004 loo diiday iney xildhibaan noqoto kadib markii uu gursiga ku fadhiistay mid ka mid ah odoyaasha hada soo xulaya xildhibaanada cusub oo magaceeda lagu sheegay Faduma Khalif. 3- Daahir Hasan Cabdi oo ah madaxa ololaha mid ka mid ah musharaxiinta reer Hiiraan oo isagu taageero badan ka heysta mid ka mid ah 4ta odoy ee beesha wax u soo xuleysa, waxa iyaduna xusid mudan in lagu xilo furay in uu gursiga beeshaas ku fadhiisan doono Daahir Hasan.walow ay waayadii danbe arintaas xila furka iska noqotay hal qabsi wax badana ay isbedeli karaan maalmaha inagu soo aadan.

2- Jifada Cabdi Yusuf waa jifadii muranka laga galiyey gursiga shirkii Kenya lagana qadiyey xiligii wax la qeybsanayey maadaama gursigii 9aad ee ay beeshu heli laheyd la iibsaday hadane hada waxaa siweyn ugu dhegan mid ka mid ah 4ta odoy oo isagu runtii la dhihi karo beelweynta guud ayuu dhib ku hayaa maadaama uu yahay shaqsiga liisaska jahwareerka dhaliyey iska daba qoray.wariyaha HS.COM ee magaalada Mogdishu waxuu leeyahay wax yaabo badan oo aysan beeshu dhaqan u lahaan jirin ayaa Mogdishu yaala iyadoo inta badan hal oday farta lagu fiiqayo.

Sikastaba jifadan waxaa u sharaxan Dr Cali Xusen Boodaaye oo la saadaalinayo inuu booskaas buuxin doono.

3 Jifada Dige Samatalis waxaa ka imaanaya xubnaha ugu badan maadaama ay iyagu ugu badan yahiin beelweynta guud waxaana lagu soo waramayaa iney heli doonaan ugu yaraan 5 xubnood waxaana u sharan dhawr qofood oo iskugu jira kuwo dhaqaalo ku bixinaya sidii ay u noqon lahaayeen mudane baarlamaan iyo kuwo ay dadku doonayaan iney baarlamanka cusub galaan.

Hadaba beeshaasi waxaa u sharan ilaa 11 xildhibaan waxaana la saadaalinayaa iney xildhibaanada cuusb hadii sida ay dadku jecel yahiin wax loo soo xulo iney imaan doonaan.

1- Maalik Cabdulle Farmashiye oo taageero xoogan ka heysta odoyaasha iyo bulshada Hiiraan.2- Eng Cabdi Faarax Laqanyo oo isagu xilkaan ka cararaya laakinse ay beeshu dooneyso inuu booskaas buuxiyo. 3-Dr Mohamed Faarah Makaraan oo isaguna ah nin fir fircoon.4- Mohamed Cumar Xaanshi.5-Cabdulaahi Gacal Cabdi oo siyaasada mudo ku soo jiray. walow ay jiraan xubno kale oo iyaguna doonaya iney dhaqaalo ku yimaadan kuwaasi oo sida lagu soo waramayo hanti fara badan ku doonayo kursigaas. waxaa uu gursigaas iyadoo wado qaldan loo marayo raadis ugu jira koox uu horkacayo wasiirka qorsheynta Cabdulaahi Godax kuwaasi oo iskugu jira wax dhaqaalo wata iyo kuwo handaad ku haya odoyaasha.

4- Jifada Cabdalle Samatalis waxaa ku soo aaday hal gursi walow ay iyaga jeclaan lahaayeen inba 3 kursi la siiyo hadane waxa gursigaas u taagan Dr Sooyaan Cali Cumar iyo xildhibaan Qoono oo isagu ka mid ah kooxda uu horkacayo wasiirka qorsheynta ee dooneysa iney xoog ku yimaadan.

5- Adeerada waxaa ka imaanya Prof Xanafi qof magaciisa lagu soo gaabiyey

Hadaba markii aanu helnay warbixin xaqiiqada u dhaw waa hadii la xakameeyo mid ka mid ah odoyaasha 4ta ah oo uu joojiyo liisaska faraha badan waxaa lagu wadaa in beeshu dad aqoonyahano ah ay u geli doonaan baarlamaanka cusub hadii musuqmaasuq laga daayona uu noqon doona liiska la filayo sidan.

1- Dr-Maalik Cabdulle Farmashiye
2- Eng Cabdi Faarax Laqanyo
3- Dr- Cali Nuur Xuseen Boodaaye
4- Dr Mohamed Faarah Makaraan
5-Dr Cabdullaahi Gacal Cabdi
6-Xil Mohamed Cumar Xaanshi ama qof dumar ah Zamiira Xooshow.
7-Dr -Cali Warfaa Cadow ama qof dumar ah Faduma Khalif walow labadan qof lagu xila furay ineysan baarlamaanka soo galeyn.
8-Dr Sooyaan Cali Cumar
9- Dr Xanafi oo ka socda adeerada.


Waxa aad u adag baa la leeyahay in ba qof dumar ah ka dhax muuqato xubnaha cusub

Liiska xubnaha kor ku qoran waa midka ay bulshada Hiiraan rajeynayaan iney arkaan walow uu jiro liis kale oo ay gacantooda ku qorteen wasiirka qorsheynta iyo mid ka mid ah odoyasha 4ta ah oo aanu gadaal maagciisa ka soo sheegi doono marka laga gudbo arintaan fowdada ah waxuuna liiskaas u qornaa sidan.1- Wasiirka qorsheynta Cabdullaahi Godax 2- Mox'ed Xasan Qoono
3- Shuuriye H Afrax4- Nuur Iidow Beyle 5- Daahir Hasan Cabdi

La soco sida ay wax u heleen beelaha kale ee reer Hiiraan

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,586,197 unique visits