Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
nancyid18

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Inta badan hogamiyayaasha ururka Shabaab oo dalka ka cararaya

Wararka MaantaJimco 28,Janaayo 2011 (HSOL)-Hogaamiyayaal ka tirsan ururka Shabaab ayaa bilaabay iney dalka iskaka cararaan iyagoo dhaqaalo badan wata kedib markii ay dareemeen inuu shacabku nacay.

Hogaamiyaashani ayaa maalmahii la soo dhaafay iyagu waday dhaq dhaqaaq ay ganacsatada gobolada ay ka taliyaan uga qaadayaan canshuur xad dhaaf ah si ay dhaqaalo ay dalka kaka baxaan u helaan. gobolada ay hogaamiyaasha Shabaab iskaka cararayaan waxaa ka mid ah Sh/dhexe iyo Hiiraan sida ay nagu soo gaarayaan warar xaqiiqda u dhaw.

Arintan ay qaar Shabaabka ka mid ah uga tagayaan wadanka ayaa waxey timid kedib markii uu qilaaf muuqda soo kala dhex galay hogaanka sare ee Shabaab iyagoo u kala jabay labo garab oo ay kala hogaaminayaan

Hogaamiyaha Shabaab ina Godane iyo nin magaciisa lagu soo gaabiyey Afqaani oo labaduba ka soo jeeda gobolada waqooyi halka Abuu Mansuur iyo Fu'aad Shanqoole ay iyaguna isku dhinac yahiin.

Dhawaantani ayey aheyd markii Fu'aad Shanqoole uu idaacadaha ka sheegay in aysan banaaneyn in shacabka la dilo oo lagu xad gudbo iyadoo la og yahay hadaladii uu Fu'aad hore ugu dhihi jiray idaacadaha Mogdishu . Iyadoo garab kasta midka kale doonayo inuu ugu siibto xumaantii ay Shabaab u geesteen shacabka Somaliyeed ayey hadane kooxkasta dooneysaa iney shacabka kasbato sidaasi daraadeed hogaamiyaha Shabaab ina Godane ayaa si uu ugu nasteexeeyo hogaamiyahaasha hada baxsadka ah fariin maqal ah soo diray isagoo caruurtii uu shaleyto iney shacabka koofurta ku jihaadaan uu baray maanta leh ilaah ha laga cabsado ee shacabka u tura.

Arintaan qilaafka ayaa waxaa aad ugu xumaaday Hasan Daahir Aweeys oo isagu xili kala guur ah Shabaab ku biiray isagoo hada bilaabay inuu garab 3aad ka abuuro Shabaab isaga iyo Afhayeenka Shabaab Ali Dheerane ay ciidankooda kala baxaan Shabaab hadii xaalku sii xumaado.

Waa guul u soo hoyatay shacabka Somaliyeed ee koofurta ku nool marba hadii ay maanta shacabkii ay dulmiyeen midkasta uu leeyahay ha loo naxo.

Hogaamiyaasha Hiiraan ka baxsaday amaba hada isku diyaarinaya ayaa la sheegayaa iney ka mid yahiin Yusuf Ali Ugaas iyo nin magaciisa lagu sheegay Qaxweyste kuwaasi oo sida la sheegay iibsaday Birahii Buuntada Liiq liiqato oo ay ka iibiyeen ganacsato Somaliyeed iyadoo hada lagu bilaabay buuntada Fur furid.

Waxaa kale oo ay hogaamiyaasha Shabaabka Hiiraan iyo waliba qaar ka mid ah ciidamada Shabaabka Hiiraan ka aruuriyeen ganacsatada magaalada Belet weyne dhaqaalo lagu qiyaasay Nus Malyan Dolar labadii bilood ee ina dhaaftay si ay xaasaskooda iyo caruurtooda ugu geystaan wadamo nabadoon.

Insha warka Hiiraan State
Xafiiska Belet weyne
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | LABA SANO KA HOR LA TIRIYEY on January 28 2011 19:15:32
SHABAABOOW HADAAD SHIIKH TIHIIN, SHAAHID LASOO DIRAY.

SHAREECADA ALLIYO AAD WADAAN, DIINTA SHARAFTEEDA.

SHAMSADOO KALIYO AAD TIHIIN ,SHUMAC NALOO DAAREY.

SHANTA SOOMAALIYEED ,ILAAH SHARAKH(AWSAD)IDIIN DHIIB.

HADDISE AAD SHIDIYO NAGU WADAAN,SHEEKA BARALEEYDA.

SHARCIGII ILAAHEEY, HADAAD NAGU SHIRQOOLEEYSID.

UMMADII SHAMHAADAYE, HADAAD WADATO SHEEYDAANKA.

DHIGAAD SHUBEEYSAAN , HADAAD SHARAF KU DOONEEYSID.

SHAFEECADA ALLIYO HA HELIN ,CIIDAN WADA SHOOWRA.
#2 | cheap watches on February 26 2011 03:16:46
watches especially active in the market. Luxury goods "character" for louboutin knockoffs consumers, "obsessive" With the changing market environment, the demand for buy christian louboutin shoes online luxury goods will be gradually increased, luxury marketing topics will buy louboutin shoes online watches especially active in the market. Luxury goods "character" for cheap louis vuitton knock off bags consumers, "obsessive" With the changing market environment, the demand for buy cheap louis vuitton bags luxury goods will be gradually increased, luxury marketing topics will chape louis vuitton handbags watches especially active in the market. Luxury goods "character" for high quality watches consumers, "obsessive" With the changing market environment, the demand for cheap watches sale luxury goods will be gradually increased, luxury marketing topics will discount designer watches watches especially active in the market. Luxury goods "character" for fashion handbags consumers, "obsessive" With the changing market environment, the demand for designer handbags luxury goods will be gradually increased, luxury marketing topics will designer handbags

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.85 seconds
14,667,415 unique visits