Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Diyaarad u sidey shixnad daawo ah isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa afar sano kadib ka degtay

Wararka MaantaHS:-Diyaarad u sidey shixnad daawo ah isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa afar sano kadib ka degtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Beledweyne.



Dawadan oo ka koobnayd 1.2 ton ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyey bulsahda ku dhaqan Hiiraan iyo maamulkaba.Isbitaalka ugu weyn gobolada dhexe ee Soomaaliya oo ay gacanta ku hayso hay’ada MSF ayaa waxaa hore dawooyinka loogu dejin jirey magaalooyin kale oo dalka ka mid ah iyadoona aysan dawooyinkaas soo gaari jirin Isbitaalka.

Madaxa maamulka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax iyo qaar ka mid ah maamulka oo kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khalif diyaarada u rarneyd hay’adda MSF, ayaa uga mahad-celiyay hay’adda MSF howsha muhiimka ah ee ay u heyso bulshada Hiiraan.

Sidoo kale Agaaasimaha isbitaalka Beledweyne Dr Xasan Cumar Siyaad ayaa uga mahadceliyey hay’ada MSF dawadan ay soo gaarsiisey isbitaalka magaalada Beledweyne xili uu daawada kala wareegayey Hayada.

Isbitaalka magaalada Beledweyne oo maalin walba ay soo booqdaan boqolaal ruux ayaa lagu daweeyaa dadka u soo doonta dawooyinka waxana dib u bilaabida duulimaadyada ay dayuuraduhu ku keenayaan dawooyinka ay wax badan ka bedeli doontaa helitaanka dawooyinka bukaanka ku jira isbitaalka magaalada B/weyne iyo dadka sida sahlan ugu dhaawacma dagaaalada joogtada ah ee ka dhaca qeybo badan oo dalka ka mid ah.

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,584,659 unique visits