Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Haweenka Soomaaliyeed oo laga yaabo iney waayaan tiradii loo qoondeeyey kadib

Wararka MaantaHS:-Magaalada Mogdishu waxaa ka socda soo xulitaanka xubnahii ka mid noqon lahaa baarlamaanka cusub oo tiradiisa lagu wado iney noqoto 275 xildhibaan.

Hadaba iyadoo ay sidaasi jirto tiradaas waxaa dumarka Soomaaliyeed laga siiyey 30% si qabiilkasta xubnaha cusub ugu soo daraan dhawr haween ah.



Nasiib wanaag sida ay hada wax u socdaan jaaniska dumarka aad ayuu u yar yahay marka la eego beelaha qaarkood sida ay iskabadaa iney dumarka wax u qoondeeyaane ragii ayba iskugu tanaasuli la yahiin.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Mogdishu ayaa sheegaya in beelaha Soomaaliyeed badankood aysan siin dumarka Soomaaliyeed saamigii ay ku lahaayeen. dumarka Soomaaliyeed oo lagu amaano iney yahiin kuwo wadaniyada ku weyn tahay qabiilkane aad ugu fog{ ma hubno maadaama hooyo kasta ninkeeda waxuu yahay ama wiilkeedu waxa uu yahay ku taageerto xumaan iyo samaan} hadane raga iyagaa ka sita wali.

Marka Soomaalida kale laga soo tago reer Hiiraan waxey kaalinta 1aad ka galeen iney diidaan dumarkooda iney ka mid noqdaan baarlamaanka cusub arintaan oo dad badan layaab ku noqotay saacadahii ugu danbeysay.Sikastaba liiska oo dhawaan lagu dhawaaqi doono ayey u badan tahay iney dumarku helaan wax ka yar 16%

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,606,121 unique visits