Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Rajadii laga qabay in baarlamaanka cusub ay ku soo biiraan

Wararka MaantaHS:- Caasimada Soomaaliya oo bilahii ugu danbeeyey u muuqatay magaalo soo nooleysay rajadii iyo qaranimadii Soomaaliya kadib markii ay kulmisay Soomaali badan oo aan wayadan hal meel ku wada kulmin tan iyo markii ay dalka Soomaaliya ka qarxeen dagaalkii sokeeye 1988kii, rajo badana galisay malaayiin Soomaaliyeed in la heli doono dowlad rasmi ah waxii ka danbeeya dhamaadka bishani aynu ku jirno ayaa waxaa maalmahii tagay soo baxayey xaalado arimahaas oo dhan mugdi galinayo markaad aragto sida ay wax badan isku bedeleen dhawrkii isbuuc ee la soo dhaafay.

Inkasta oo magac ahaan ku dhacay in ay mudanayasha cusub soo xulayaan hogaamiyaasha dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda la yaqaano hadane arinkaasi uma jirto sida loogu dhawaaqay waxaa odoyaashaas dhaqanka laga dul dhisay gudi loogu magac daray gudiga xalinta qilaafaadka oo ay soo xuleen rag iyaguba musharaxiin ah sida R/wasaaraha oo kale.

Sidoo kale waxaan meel mar noqon hamigii ahaa in ay mudanayaasha cusub noqdaan wajiyo cusub maadaama ay dib u soo laabanyaan rag horey ugu tirsanaa midawgii maxkamadaha iyo qaar badan oo ka mid ahaa qabqablayaashii dagaalka oo iyagu hada isku qeybiyey iney noqdaan mudane baarlamaan amaba ay qabtaan hogaanka degaanada ay ka soo jeedaan si ay u sii jiraan.

Arinta kale ee iyaduna xusida mudan waa in gudiga loogu magac daray gudiga farsamada ay dhamaantood kala taageersan yahiin masuuliyiinta dowlada oo ay cidii ay iyagu rabaan ku soo darayaan cidii ay doonaane dhaqaalo ka qaataan, taasi oo meesha ka saareysa iney yimaadan mudanayaal aaminsan iney dadkooda soo doorteen oo lala xisaabtami karo ,halka mudanayasha iman doona ka dhaadhacsanaan doonto in ay iyagu meesha iskeeneen oo ay waxii ay doonaan ku dhiiran karaan iyagoo aan ka turjumeyn rabitaanka dadkooda.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Mogdishu waxuu sheegayaa in qaar ka mid ah gudiga farsamada dhaqaalo badan ku qaateen hadba sidii loo kala lacag badan yahay taasi oo meesha ka saartay in dumarka Soomaaliyeed baarlamaanka soo socda ka helaan tiradii loo qoondeeyey.

Hadii shaleyto qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka lagu eedeeynayey laaluush midka ay hada gudiga farsamada faraha kula jiraan ayaa ka dheereeya marka la eego shaqada ay rag dadaaliin ah oo u dhaxeeya rag gursiga barlamaanka doonaya iney gaataan iyo kuwo wakiil ka ah qaar ka mid ah gudiga farsamada oo doonaya iney laaluush qaataan ay ka wadaan Mogdishu ayuu yiri mid ka mid ah odoyaashii soo xulayey xildhibaanada beeshiisa.

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
14,605,751 unique visits