Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Zamzam iyo Mohamed oo ciyaaraha olompikada u mataleyey Soomaaliya

Wararka MaantaHS:- Waxaa umada Soomaaliyeed farxad weyn u aheyd ka soo qeybgalkii ay ka soo qeybgaleen ciyaaraha olompikada calankeenuna ka mid noqdo 204 wadan oo caalamka ka mid ah.

Waxey maalintii ay yimaadeen London ilaa maanta wehel u yahiin shacabka Soomaaliyeed oo aysan jirin cid ku qasbeysa iney soo dhaweeyaan labadan dhalinyaro maadaama ay huwan yahiin magacii Soomaaliyeed.markaad daawato sida ay u hadlayaan Zamzam iyo Mohamed waxaa ka muuqda isbedel dhinaca maskaxda ah iyagoo ku celcelinaya in aalada Facebooka loogu soo diray hanjabaadyo iyo wax la mid ah aysana Mogdishu ku laaban karin.

Waxaa marka hore muhiim ah Zamzam iyo Mohamed in ay ku mahadiyaan Allaah oo mudadii colaadaha ka bad baadiyey dhibtii faraha badneyd ee la soo maray ilaa ay heerkaan ay maanta joogaan ay soo gaareen. waa nasiib daro weyn in magaaladii Mogdishu oo iyadoo caleemo qoyan loo luxayo ay ka soo amaba bixiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan masuuliyiinta dowlada walina ay ku nool yahiin halkaas bulshadii soo amba bixiyey iney maanta qatar baa jirta dhahaan.

Xiriiro kale duwan oo aanu la sameynay magaalada ay ku noolyahiin labada ciyaartooy Zamzam iyo Mohamed ayaa leysla dhax marayaa warar kala duwan. warbixinta qaarkeed waxaa la leeyahay qaar ka mid ah xiriirka olompikada ayaa magac ku raadsanaya oo xafiisyada dowlada Britian kula wareegaya labadan ciyaartooy fikirkaanina waa mid ka yimid iyaga oo aan ka imaan Mohamed iyo Zamzam. warar kale waxey sheegayaan in labada ciyaartooy markii ay Mogdishu ka soo baxayeen go,aankan u qarsanaa ujeedadooduna aheyn iney yimaadaan London kaliya.

Sikastaba waxey sharaftu ku jirtaa in la xurmeeyo bulshada Soomaaliyeed dalkeenana dowlad fiican ayaa dhawaan loo helayaa ee Mohamed iyo Zamzam dhulkooda ayaa si sharaf leh loogu soo dhaweynayaa ee dib ha ugu laabteen ayey leeyahiin dadka badankood.

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.63 seconds
14,606,147 unique visits