Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
daphnesa3

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Doorashadii ka dhici laheyd dalka Soomaaliya oo laga yaabo..

Wararka MaantaHS:-Shirar badan oo ay siyaabo kala duwan u yeelanayaan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, QM, Midowga Africa iyo dowladaha safka hore ee loogu yeero IGAD ayaa muujinaya in doorashadii la filayey iney dhacdo bishan aanu ku jirno dib loo dhigo, arintaan ayaa timid kadib muran badan oo hareeyey soo xulidii xildhibaanada cusub ee baarlamaanka iyo qilaafyo hoose oo u dhaxeeya masuuliyiinta TFGda.

Inkasta oo lagu wado in go,aankaan lagu dhawaaqayo inta aan la gaarin 20-ka bisha 8aad hadane bal Soomaalida ayaa la eegayaa sidey xaalada dalkooda u wajahaan mudada yar ee ka hartay xukumada hada jirta.

Waxii ka danbeeyey shirkii London beesha caalamka waxaa markasta meel u yiilay Plan B kii ayaana lagu socdaa wali sida muuqata. walow ay Soomaalida ku mashuulsan yahiin wax yaabo yaryar oo ay hadii ay maskax caafimaad qabto isticmaalaan xalisan karaan.

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya maadaama doorashadii guud ee dalka Mareykanka la galayo dhawaan dunidan aynu ku nool nahay maantana ay iyaga si dadban iyo si toos ah ugu taliyaan in arimo badan oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay dib loo dhigo, taasi oo lagu macneeyey in aysan Soomaaliya waqti xaadirkaan doorasho ka dhaceynin.

Sikastaba waxey waxkasta ku xiran yahiin sida ay Soomaalida daacad ugu noqdaan sidii dalkooda looga saari lahaa xiliga kumeel gaarka oo ah amaba bulshada Soomaaliyeed ku noqday boog daawo loo waayey 10-kii sano ee ugu danbeysay.


Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.51 seconds
14,605,821 unique visits