Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Mudo sanad ah kadib wax qabadkii wasiirka qorsheynta qaranka

Wararka MaantaHS:- Inkasta oo ay xukumada R/wasaare C/wali Gaas uu dhamaday waqtigeeda hadane waxaa xusid mudan in mid mid loo soo qaato howshii ay qabteen wasiiradii reer Hiiraan inagoo ka bilaabeyno wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Cabdullaahi Godax Bare.

Wasiirka qorsheynta waxaa u dhamaaday mudo sanad ah isaga iyo saaxiibadii ay iskula jireen amaba ka wada tirsanaayeen xukumada r/wasaare Gaas oo isagu gursiga uu ku fadhiyo ka bursaday Farmaajo oo isaga madax u ahaa xili uu hayey xilka uu ku magacaaban yahay wasiir Godax.

Cabdullaahi Godax Bare waa aqoonyahan ka soo jeeda Hiiraan. waxuuna mudo ku noolaa dalka Kanada isagoo uga sii gudbay dalka Musanbiig oo uu ku lahaa meherad amaba ganacsi iskugu jira maqaaxi iyo Hotel. waxuu damac siyaasadeed galay kadib markii dhawr shir oo lagu qabtay dalka kenya oo ay soo abaabuleen qurbo joog Soomaali ah uu akrey rag saaxiibadii ah oo si sahlan siyaasada ku galaya.

Inta aan u guda galin qaabkii uu ku soo galay TFGda waxuu olole xoogan u galay sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha Hiiraan State xili maamulkaas lagu dhisayey dalka Kenya ,walow ay u suuroobi weysay oo ay dadku doorteen shaqsi markaas ay bulshadu aad u jeclaadeen kadib markii uu rabitaankiisa soo bandhigay halka wasiirka qorsheynta arintaas siweyn u mucaaraday ilaa uu markii danbe xafladii Hiiraan State ee lagu caleema saray madaxweynahii Hiiraan ka noqday xiriiriye.

Waxii ka danbeeyey dhismahii Hiiraan State waxuu ahaa mucaarad oo marnaba kuma qanacsaneyn inuu maamulkaas cagahiisa isku taago, isagoona aaqirkii u soo wareegay dalka Kenya oo uu u arkey iney yaalaan fursado dowlada dhexe lagu gali karo ilaa uu dadaal dheer kadib noqday wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga.

Wasiirka qorsheynta wax yaabaha mudadii uu wasiirka ahaa lagu xasuusto waxaa ka mid ahaa sax iyo qaladba.

1- Markii uu wasiirka noqday waxuu shir ku qabtay dalka Kenya isagoo sheegay inuu wax badan ka duwanaan doono wasiiradii isaga ka horeyey isagoona mudo yar kadib shir kale u qabtay qurbajoogta Hiiraan una sheegay hadii uu wax la taaban karo ku qaban waayo mudo 90 maalmood ah inuu masuuliyada dib ugu soo celin doono bulshada.

2-Halkii laga filayey inuu la shaqeeyo oo toos toosiyo maamul goboleedkii Hiiraan State ee uu wax ka soo dhisay amaba ka shaqeeyo sidii leyskugu soo dhaweyn lahaa Hiiraan State iyo maamulkii gudaha looga dhawaaqay ee Doxada Shabelle maadaama ay bulshadu doonayeen sidii ay u heli lahaayeen dowlad goboleed fikirka oo kaliyana lagu kal akedisnaa taasi bedelkeedii labadiiba waa mucaaraday waxuuna bulshadii uu uga tagay Kenya iyo qurba jogtii uu lahaa 90 maalmood haley qabto ku soo laabtay isagoo leh waxaan doonayaan in aan Hiiraan hoosgeeyo Jowhar.

3-Markii ay ciidamada Hiiraan dagaalka kula wareegeen magaalada B/weyne xili ay ka sugayeen isaga iyo xukumada uu ka tirsan yahay kaalmo dhaqaalo iyo mid milateri waxuu safar ku tagay magaalada B/weyne isagoo leh waxan dhisayaa maamul ilaaa heer gobol ah isagoona dhalinyaradii soo halgantay ka dhigay mooryaan oo siweyn u xaqiraya halgankooda.

4- Waxuu la dagaalay siyaasad ahaan madaxweyne Shariifkii uu lahaa waxaan kula soo heshiiyey in aanu isku darno Hiiraan iyo qeyb ka mid ah Sh/dhexe isagoona u weecday r/wasaase Gaas oo ah shaqsi xasaasiyad ka qaba isagaba daa Hiiraane in ayba cagaheeda isku taagto koofurta Soomaaliya kaliya si ay Puntland wax u noqoto dowladuna maalinkasta u booqdaan degaanada uu ka soo jeedo.

5-Madaxweyne Shariif oo siweyn u dareemay in dowladii Kacaanka gobolo badan oo dad gaar ah loogu daneynayey ka sameeyey qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya,iyadoona xiligaas gobolo dalka ka mid ah laga dhigay 2 ilaa 3 gobol ayuu hada Hiiraan oo ka danbeysay 8dii gobol ee ugu horeeyey ka dhigay 2 gobol ayna noqon karto maamul goboleed waxaana arintaas xasaasiyad ka qaaday R/wasaare Gaas Mr Godaxne wuu u sacbinayaa waxuu leeyahay gobolada iyo degmooyinka uu madaxweyne Shariif ku dhawaaqay sax maahan.

Isku soo duuboo waxuu hada raadis ugu jiraa sidii uu u noqon lahaa mudane baarlamaan si hadii uu ku guuleysto ugu codeeyo r/wasaarahiisa C/wali Gaas.


Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,585,701 unique visits