Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
malloryat1

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Prof Ahmed Muumin warfaa oo noqday musharaxii ugu horeeyey oo shir ka sheegay inuu u taagan yahay jagadaas 2011.

Wararka MaantaAxad 30, Janaayo 2011 (HSOL)- Prof Warfaa oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharaxa m/weynenimada Somaliya 2011 kedib markii uu ka sheegay shir ay iskugu yimaadeen in ka badan 500 oo Somali ah.



Shirka oo ahaa mid si weyn loo sugayey ayaa waxaa ka hadlay Somali badan oo iskugu jiray rag iyo dumarba , waxaana halkaas habeenkii xaleyto ahaa wacdaro ka dhigay qaar ka mid aha dumarka Somaliyeed oo iyagu halkaasi ka qaaday baraanburo iyo baraarujin.

Intaasi kedib waxaa iyaduna xusid mudan in ay halkaasi ku sugnaayeen inta badan saxaafada Somalida kuwooda ugu caansan. sidoo kale waxaa dhinaca telefoonka kala socday amaba ka dhageysanayey Somali badan oo lagu qiyaasay boqolaal iyadoo la xaqiijiyey iney shirka dhinaca telefonka ka dhageysanayeen qaar badan oo ka mid ah dowlada federalka ah oo u badnaa wasiiro sida dadka ku soo xiray qadka ay mararka qaarkood carabka ku dhufanayeen iyagoo leh wasiir hebel ayaa qadka ku jira.

Inta badan telefonada dadkii ka qeyb galay shirka ma aheyn kuwo soo dhacayey maadama ay intooda badan qadka ay ugu jireen shacab ka soo kala wactamay Yurub, Africa, Asia iyo waliba waqooyiga America oo aheyd halka uuu shirku ka dhacayey.



Intaasi kedib waxaa hadalkiii qaatay Prof Warfaa oo dadkii halkaas iskugu yimid iyo waliba intii kale ee dhageysaneysay u tilaamay barnaamij ay dadka qaarkii ku tilmaameen soo noqoshadii rajada Somaliya. Prof Warfaa ayaa si cad u taabtay qaabka uu u doonayo inuu u maareeyo mushkilada dalka iyo sida ay uga go'an tahay iney Somaliya noqoto Somaliyadii la yaqiiney.

Prof Warfaa ayaa isla maanta ka duulaya magaalada Minneapols iyadoo la sheegayo inuu hada si rasmi ah u bilaabay howlahiisii shaqo iyo waliba isagoo wadan wadan ula kulmaya Somalida qurbaha.


Prof Warfa's Campaign Manager
Avv.Daahir H Abdi
44-7404-224013
dahirhabdi@gmail.com





Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | Luul on January 30 2011 14:10:57
Guul ayaanu leenahay Prof Ahmed
#2 | jicib on January 30 2011 14:19:09
pro...warfaa

waxaan ku xasuusanaa in uu ahaa ninkii masuulka uga aha somaliya waqtigii 93 ,unka,,,marka waa nin jagooyin culus ka soo qabtay unka,,waana nin aay ku aamini karaan somaliya aduunka
#3 | Shukri Farah on January 30 2011 15:38:05
A/s/c waxaan soo dhaweyneynaa madaxweynaha mustaqbalka ee soomaalia Prof. Ahmed Mumin Warfa waxaana leeyahay guuleyso waligaa ilaahay ha kula jiro Amiin Amiin {insha alaah}
#4 | Muna on January 30 2011 17:41:36
ACW
Waxaan halkaan uga hambayeeynaa Profasorka Warfa waan nin aad iyo aad u ah WADANI oo ka soo bixi karo shaqada oo Madaxweeynanimada ah ee Somaliya waana nin u qalmaa loona baahnaa in uu isku soo sharaxo waxaan ku leenahay waad ku taagantahay meeshii loo baahnaa ee waxaan illahay kaaga baryeeynaa in aad ku Gleeysto aamiin insha allah wabillahi toowfiiq
#5 | soomaali on January 30 2011 17:46:17
Maasha alah hadey curatay nabad Prof warfa guulayso.
#6 | dhoore..... on January 30 2011 17:50:27
pro. ka ha is ku soo sharaxo hiran state, somalida kale ha is kadhaafo talo
#7 | Farxiyo faarax on January 30 2011 17:52:50
ACW
Congratulations Prof Ahmed Mumin Warfa
Alaha kuu fududeeyo xilka adag
#8 | Abdi rahman on January 30 2011 18:01:47
congratulations prof A M Warfa
Ma yaqaan qabiil iyo qabyaalad,Maqaadan waligiis qoray,mana dulmin waligiis walaalkiis soomaaliyeed.
Waxaan ilaahay kaaga baryayaa in aad ku guulaysato Aamin Aamiin AamiimGrin
#9 | kaamil on January 30 2011 22:20:15
guleeyso prof
#10 | seynab Xaaji dhaffe on January 30 2011 23:04:10
Bismilaahi Raxmaani Raxiimi
Madaxwaynaha Somaliyeed ee Mustaqbalkoow
Prof Warfaa hanbalyo naga gudoon. waxaad ogaata umada Somaaliyeed,ee dhuntay hadana dhibaateysan waxey ubahantahay in aad uga faa ideyso cilmigaada Burqanaayo sida Badaha iyo wabiyada iyo Ruugcadaa nimadaada xad dhafka ah. Somaaliya waxey qarka usarantahay in laga tiro Khariidhada aduunka, ee qaranimadeenii kii soo celiya Allaha kaa dhigo. Calanka Soomaliyeed kii ciida kaqaado Allaha kaa dhigo Amiin Amiin

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.07 seconds
14,585,680 unique visits