Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Xukumadii R/wasaare Gaas oo si rasmi ah u dhacday caawa

Wararka MaantaHS:- Kadib xukumadii R/wasaare Gaas oo jirtay mudo sanad ah ayaa caawa si rasmi ah u dhacday abaarahii 12:00AM xiligii Mogdishu xili looga fadhiyo madaxweyne Shariif inta u dalku ka yeelanayo madaxweyne cusub in la helo kusime sida sharciga ah maadaama maalmaha soo socda loo qumayo doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka,tii madaxweynaha cusub kadibna sidaas lagu heli doono r/wasaare soo dhisa xukumad cusub oo tayo leh.

Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in dib loo soo celiyey mudanayaashii ay magacyadoodu ku soo baxeen liiskii ay soo bandhigeen r/wasaare Gaas iyo koox ka tirsan golahiisa wasiirada maalmo dhaweyd, iyadoona hada xulida xubnaha cusub iyo soo dhameystirkooda laga sugayo odoyaashii dhaqanka ee u xilsaarnaa taasi oo laga yaabo iney daaqada ka saaraan xubnaha dhaqaalaha faraha badan ku bixiyey sidii ay u noqon lahaayeen mudane baarlamaan. sidoo kale hadii xubnahan dhaqaalaha la baxay ay noqon waayaan xildhibaano waxa iyaduna soo celis ah dhaqaalahii laga qaatay oo ku maqan qaar ka mid ah odoyaasha oo hada Hotelo ku xaniban doonayana iney wadanka ka tagaan hadii la meel mariyo liiskii dhawaan la soo bandhigay.

Marka laga soo tago arimaha aan kor ku xusnay waxuu maanta muran weyn dhax maray wasiirka qorsheynta Mr Godax iyo wasiirka arimaha gudaha Mr C/samad. muranka ayaa ka dhashay wasiirka arimaha gudaha oo ku fikir ahaa madaxweyne Shariif markii lagu soo canaantay in howlahii isaga loogu talo galay uu wado wasiirka qorsheynta sidaasina isagoo aan dheg la qabto laheyn ku bilaabay muranka.

Sida warar sugan lagu helayo labada wasiir ayaa lagu soo waramayaa ineysan isku dhigmin xaga tacliintooda taasi oo wasiirka qorsheynta u fududeysay arimo badan oo dhinaca beesha caalamka ah iney u fududaadaan isaga iyo kooxdii uu horkacayey R/wasaare Gaas oo cidiyaha iyo faraha ku dagaalamayo una muuqda kuwo dhinaca aqoonta siweyn ugu dhisan oo kaarto kasta oo loo dego ka sii hor dhaca.

Dadka arimaha siyasada ka faalooda ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif iyo wasiirka arimaha gudaha iyo inta ku fikirka ah 5 iyo 0 la diray kadib markii loo sameystay iyagoo soo jeeda gudiga Farsamada oo si toos ah ugu talo qaato wasiirka Dastuurka halka wasiirka qorsheyntana kubada meel gadaalo ka soo laadayo, taasi oo aad u qalqal galisay wasiir C/samad oo maanta goob lagu diyaarinayey kaararka xildhibaanada cusub hal mar afka furtay xili ay xeero iyo faldhaan kala dhaceen.

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,613,828 unique visits