Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Shir dhaxmaray beelaha Hawiye iyo madaxweyne Shariif

Wararka MaantaHS:-Shir ay soo abaabuleen qaar ka tirsan beelaha Hawiye ayna iskugu yimaadeen odoyaasha dhaqanka beelahaas badankood iyo madaxweyne Shariif ayaa waxuu ka dhacay magaalada Mogdishu. shirka oo aan horey loo sii shaacin ayaa ujeedadiisu aheyd sidii siyaasad mideysan ay u qaadan lahayeen beelahaas mar hadii wadanka uu ka baxayo xiligii kumeel gaarka.

Madaxweyne Shariif oo la saadaalinayey inuusan jaaniskiisa fiicneyn meeshana u baneeyo siyaasiyiinta cusub ee xilkaan u taagan ayaa wali rajo ka qaba sidii uu mar kale usoo laaban lahaa halka beesha Hiraabne ay ka socdaan musharaxiinta ugu badan ee maanta sharaxan.

Arintaan ah iney 20 meeyo musharax isku soo taagaan beesha Hiraab ayaa lagu micneeyey labo arimood.

1- Maadaama ay hogaanka dalka mudo 5 jeer ah ay 22kii sano ee ugu danbeysay soo noqdeen madaxweynayaal hada waxey siweyn u dareensan yahiin in sanadkani ay jaanis fiican heystaan reer Hiiraan siiba beesha Xawaadle oo olole xoogan ugu jirta sidii ay hogaanka dalka markii ugu horeysay ugu guuleysan laheyd taasi oo la dhihi karo waa beesha kaliya ee mudo sanad iyo bar qaar musharaxiintooda ka mid ah olole joogta ah soo wadeen dhabna ka tahay iney hogaamiyaan Soomaaliweyn iyagoo waliba wado sax ah u maraya xoog iyo hanjabaadne wadan oo aaminsan waxii ay Soomaalida kale horey u soo qabteen oo ay ugu soo tanaasuleen beelo badan oo Soomaaliyeed in markooda loogu tanaasulo.

2-Dhaqanka laga dhaxlay beelaha Hawiye waayadii danbe ayaa ahaa in ay magacaan markii ay doonaane isku dilaan marka ay siyaasada beelah Hiraab la dareemo iney qatar ku jirtane banaanka la keeno oo ah arinta ugu weyn ee ay beelaha Hiraab la horu mari wayeen reer Hiiraana ku cuuriyaamiyeen siyaasadahooda aan bilaawka iyo dhamaadka laheyn.
Inkasta oo aysan reer Hiiraan amaba beesha xilkaan u taagan dhaqan ula heyn in ay meel cidlo ah ka hanjabaan amaba yiraahdaan hadii aanu wax noqon weyno waxaan ayaan sameyneynaa iyo wax la mid ah waxa xaqiiqo ah in ay beeshaanu hada u fadhiyin siyaasad Hiraab amaba beel gaar ah oo Soomaaliyeed doorashada soo socota ee lagu wado in lagu doorto Gudoomiyahna baarlamanka, madaxweynaha Soomaaliya iyo waliba mida wasiirka 1aad dhamaantood wado kasta oo ay la gasho wey ku dhaqaaqayaanmana ahan wax aanu hada iska sameynayeno ee waa xaqiiqada dal iyo dibad taala.

Marka laga soo tago shirkaan dhaxmaray beelaha Hawye ma jirin halbeel oo uu siyaasigooda ku fikirey in uu R/wasaare ka dhigo muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeedo Hiiraan marka laga hadlayo beelahii dalka soo hogaamiyey waxaa ugu dhawaa madaxweynahii geeriyooday Cabdullaahi Yusuf Ahmed oo isagu doonayey markii uu xilkii ka qaaday Cali Mohamed Geedi inuu xilkaas u magacaabo shaqsi reer Hiiraan ah kadibna arintaasi waxey ka socon weyday nin ay qaraabo ahaayeen madaxweyne Yusuf oo lagu magacaabo Foodcade oo isagu markaas doonayey in Nuur Cade laga dhigo r/wasaare si uu ula wareego xil uu markaasi Nuurcade ka hayey ha'yyad ka tirsaneyd QM iyadoo arintaas hirgalinteeda loo soo maray xaaskii madaxweyne Yusuf.

Hadaba iyadoo ay reer Hiraan maanta u taagan yahiin hogaanka dalka loolan adagne u gali doonan arintaas waxaa jira shaqsiyaad reer Hiiraan ah oo u ololeynaya sidii ay hogaanka dalka ugu guuleysan lahaayeen Faraajo iyo reer Puntland. hadaan ku hormarno Farmaajo oo ay reerkiisu 21 sano soo xakumayeen dalka isaguna R/wasaare soo noqday waxaa xulufo la ah wasiirkii hore ee waxbarashada Dr C/nur Shiikh Mohamed oo ka tirsanaa xukumadii Farmaajo iyo Abukar Cismaan(A Baale) oo laduba ku nool dalka Markeykanka walow aan la ogeyn iney Farmaajo ula socdaan dantooda qaaska ah iyo mida guud, inkasta oo la aaminsan yahay in uusan Farmaajo r/wasaare ka dhigeyn qof asalkiisa Hiiraan ka soo jeeda amaba reer Hiiraan ah maadaama warbixino aan dhameystirneyn ay sheegayaan hadii uu ku guuleysto hogaanka dalka in uusan ka dhigi doonin wasiirka 1aad reer Hiiraan.

Sidoo kale waxa jira koox uu horboodayo wasiirkii hore ee qorsheynta Mr Godax Mr Godax oo ay siyaasadii la gashay reer Puntland walow inta badan wasiirka qorsheynta la sheego inuu yahay shaqsi isbed bedel badan oo maalinba meel hor leh ka soo fooca hadane hadii ay reer Puntland oo uu horey dagaal siyaasadeed dhab ah u soo dhax maray iyaga iyo reer Hiiraan jabtar cusub u furayaan oo saiga iyokooxdiisa oo ay wasiirka 1aad ka keenayaan hadii ay hogaanka dalka ku guuleystaan iyaduna waayaha iyo waqtiga ayaa bulshada Hiiraan iyo iyaga kala saari doono maadaama aan wax badan oo horumar ah laga sugeyn qof siyaasad u daba fadhiya beelo iyagu horey u soo maamulay amaba xilalka ugu sareeya horey u soo qabtay.

Ugu danbeyn Soomaaliya waxaa ka soo muuqda siyaasado cusub oo ay hormuud u yahiin reer Hiiraan.

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,605,626 unique visits