Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Xildhibaanada cusub ee reer Hiiraan

Wararka MaantaHS:- Inkasta oo uu wali jiro qilaaf dhinaca mudanayaasha ah walina aan la soo dhameystirin tirada guud ee baarlamaanka cusub waxaa jiro dadaalo iyo loolan siyaasadeed durbaba ka bilaawday mudanayaasha dhexdooda iyagoo siyaabo kala duwan u wata ololahooda.

Hadaba hadii aan ku bilaawno xildhibanada horu dhaca ah ee aan wali la soo dhameystirin ee baarlamaanka Soomaaliya waxey isku diyaarinayaan doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, tii madaxweynaha iyagoona ansaxin doona hadba r/wasaarahii uu soo magacaabo madaxweynaha cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya.

Marka la eego mudanayaasha cusub waxaad moodaa in uu culeyska ugu weyn uu heysto mudanayaasha baarlamanka ee ka soo jeeda Hiiraan maadaama ay bilaabeen sidii ay ugu dhaadhicin lahaayeen mudanayasha kale in sanadkan ay reer Hiiraan Soomaaliweyn hogaaminayaan. sidoo kale xildhibaanadan cusub ayaa siweyn dhaqdhaqaaqooda iyo hadba tilaabadii ay qaadaan dusha lagala socdaa maadaama laga sugayo iney isbedel guud ku sameeyaan siyaasada guud ee Hiiraan iyo Soomaaliweyn, marka la eego mudanayaashii iyaga ka horeeyey oo loogu yeeri jiray Top Up MP'S amaba Pay Us You Go oo hadba siyaasigii waxoogaa biil ah siiya u ololeyn jiray una kala dhuuman jiray iyagoo aan iska warqabin, walow ay kuwa hada mudanayaasha noqday qaarkood ku yimaadeen laaluush oo aan wax badan laga filan karin waxey u badan tahay kuwooda sida saxda kuyimid iney jid fiican u jiheyn doonaan.

Sikastaba waxey ku guuleysteen iney ka joojiyaan go,aan shaqsiyadeed uu qaatay wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdullaahi Godax Bare oo isagu doonayey inuu isku soo taago jagada gudoomiyaha baarlamanka iyadoo ay reer Hiiraan u sharaxan yahiin aqoonyahano ku hami weyn iney dalka hogaamiyaan ugu danbeyna Mr Godax arintaas wuu ka laabtay mana jirto shaqsi reer Hiiraan ah oo maanta ku haminaya meel ka hooseeysa madaxweynaha dalka amaba wasiirka 1aad midkood.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Mogdishu ayaa sheegaya in mudanayaasha reer Hiiraan oo durbaba saaxiibo badan ku yeeshay baarlamaanka cusub ay bilaabeen sidii ay ugu dhaadhicin lahayeen mudanayaasha cusub in sanadkan garab lagu siiyo sidii ay reer Hiiraan ula wareegi lahaayeen talada dalka.

Marka laga soo tago ololaha mudanayaasha cusub waxa siweyn loo hadal hayaa in sanadkan ay dalka Soomaaliya hogaamin doonaan siyaasiyiin waaya arag ah.

1- Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka imaanayo Bay iyo Bakool iyadoona siweyn loo hadal hayo Prof Mohamed Shiikh Osmaan Jawaari oo hadii uu ku guuleysto xilkaan noqonaya masuulkii ugu horeeyey ee aqoonyahan ah {Professor}ee afhayeenka baarlamaanka noqda mudo 22 sano ah amaba ka badan.

2- Madaxweynaha Soomaaliya waxaa olole xoogan ugu jira muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed waxeyna u badan tahay in ay hogaanka dalka ku guuleystaan musharaxiinta reer Hiiraan midkood.

3- Wasiirka 1aad lama saadaalin karo hada laakinse waxaa la leeyahay hadii ay xilka madaxweynaha ku guuleystaan reer Hiiraan aad ayuu yar yahay in ay xilkaas qabtaan beelahii Soomaaliyeed ee horey usoo qabtay xilkaas walow ay wax badan isbedeli karaan saacad kasta.

Isku soo duuboo bulshada Soomaaliyeed oo dhibanaa mudo fog waxaa lagu rajo weyn yahay hadii ay helaan hogaamiye daacad ah in ay dhibta kaka soo kabmi doonaan mudo gaaban 3 ilaa 4 sano gudahood.

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,605,841 unique visits