Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Malaayiin Soomaali ah oo maanta wajiyadooda laga dheehan karay faraxad kadib

Wararka MaantaHS:- Inkasta oo la ogaa in uu gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya noqonayo Prof Jawaari hadane dad badan waxey u heysteen in uu wali fowdadii sii wadi karo gudoomiyahii ugu musuq maasuqa badnaa ee Soomaaliya soo maray Shariif Hasan Shiikh Aden.

Prof Jawaari kuma dheeraaneyno taariikhdiisa iyo waxa ay Soomaalida taqaano ku sifeeyeen oo ah inuu yahya nin Qaran xilka maanta loo doortay waxuu bog cusub u furayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee maanat ku dhiban dal iyo dib.

Maxaa laga filan karaa gudoomiyaha cusub?

Dad badan ayaa qabo maadaama caruurtii Soomaaliyeed ay ka buuxaan xabsiyada aduunka ugu yaraan waxuu ka shaqeyn doonaa sidii loo heli lahaa madaxweyne aqoonyahan ah oo waliba waaya arag ah amaba sidii soo kale Professor ah ayna dhax marto wada shaqeyn dhab ah si meesha looga saaro qilaafkii uu inta badan sabab u ahaa Shariif Hasan ee hareeyey 10kii sano ee ina dhaafay xukumadahii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Yaa la shaqeyn karo oo istaahila madaxweynaha Soomaaliya ee lagu wado in ay mudanayaashu doortaan dhawaan yeysa aaminsan yahiin siyasiyiin badan inuu noqon doono madaxweynaha Soomaaliya.

Inkasta oo uu madaxweynaha Soomaaliya noqon doono qofkii Alle u qoray waxey dad badan aaminsan yahiin inuu sanadkan madaxweynaha Soomaaliya ka imaan doono reer Hiiraan waliba dad badan oo horey u saadaaliyey in gudoomiyaha barlamaanka uu noqon doono Prof Jawaari waxey sheegayaan in uu madaxweynaha Soomaaliya noqon doono Prof Warfaa.

Siyaasiintan qaarkood waxey leeyahiin hadii gduoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ay noqdaan Prof Jawaari oo ka soo jeeda Bay iyo Bakool madaxweyanaha Soomaaliyana noqodo Prof Warfaa oo ka soo jeeda Hiiraan Soomaaliya waa is raacday ayey ku cel celiyeen.

Maxaa laga filan karaa mudanyaasha cusub ee baarlamaanka ?

Mudanayaasha baarlamaanka ayey dad badan sadaalinayaan iney wax badan ka tayo wanaagsanaan doonaan kuwii iyaga ka horeeyey maadaama hadii dowlad tayo leh loo helo dalka ay qiimo yeelaneyso xildhibaanimadooda hadiise ay maraan wadadii ay ay horey u mareen kuwii ka horeyey ee aan kala jecleyn waxkasta marka laga reebo laaluush iyo fowdo dalkana wey cuuriyaamin doonaan iyaguna meel ma gaari doonaan.

Shacabka Soomaaliyeed maxaa la gudboon?

Qabiilkaan umada la haray in la joojiyo oo wado cusub loo furo bulshada si looga faa'ideysto qeyraadka wadanka dhax ceegaaga ayaa ka mid ahaa talooyin iyo saadaal ay horey u bixiyeen siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aanu magacyadooda soo bandhigi doono marka ay arintu noqoto sidey wax u cabireen.

UGu danbeyn Hadii reer Hiiraan sida la saadaalinayo ay ku guuleystaan hogaanka dalka maxaa laga filan karaa?

Reer Hiiraan malaa'ig maahan waa bulsho la mid ah Soomaali inteeda kale laakinse waxaa lagu rajo weyn yahy iney uamda u horseedi doonan cadaalad xukunkana uga degi doonaan si nadiif ah sidii ay horeyba u sameeyeen 1960-kii. sidoo kale waa dad ay dowladnimadu qiimo ugu fadhiso waxaana muuqaneysa calaamado muujinaya iney sanadkan hogaamin doonaan reer Hiiraan Soomaaliweyn.

Ma ahan wax aan inagu iska sameysanay qoraalkan waa aragtida aanu ka soo aruurinay qeybaha kaka duwan ee bulshada siiba siyaasintii horey u sadaaliyey in uu xilka gudoomiyaha baarlamaanka ku guuleysan doono Prof Jawaari.

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,568,855 unique visits