Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Doorashada madaxweynaha Soomaliya iyo mida wasiirka 1aad oo lag ayaaboiney sanadkan waayan

Wararka MaantaHS:-Soomalida maanta nool oo intooda badan ku bar baaray in uusan wadanka Soomaaliya waligii cagahiisa isku taageyn ilaa xukunka dhan min madaxweyne ilaa biitooni loo gacan galiyo reer Puntland.

Taariikhda dalka Soomaaliya iyo bulshada ku nool marka laga hadlayo dalku waa qani amaba Hodan. dadkiina gaajo ayey u dhamaanayaan. sidoo kale bulshada Soomaaliyeed waxey u kala baxaan labo nooc 1-Qeyb xukun ku nool ah oo aan noolaan karin marba hadii aysan iyagu haynin hogaanka dalka. 2-Qeyb dowlad ku nool ah oo iyagu degaan ahaan iyo bulsho ahaanba isku filan markastana uu hadafkoodu yahay dalku nabad ha noqdo si loo wada noolaado.

Soomaalida aan noolaan karin marba hadii uusan gacantooda ku jirin xukunka dalka waxa ugu horeeya reer Puntland sababtuna waa iyagoo aan aheyn dad shaqo oo jecel in marka uu madaxweyne amaba r/wasaare ka noqodo shaqsi iyaga ka soo jeeda dhamaantood waa wada xukun doon midkastana waxuu doonayaa si uu nolol iyo dhaqaalo deg deg ah u helo in u dowladaas ka mid noqdo oo jagooyinka lagu siiyo garab iyo dano qabiil, taasi oo keenta iney noqdaan reer Puntland kuwii ugu jagooyinka badnaa xukumadahii ugu danbeeyey ee dalka soo maray waxii ka danbeeyey bur burkii dowladii dhexe, ilaa ay maanta siyaasiintooda ay ka xishoon waayaan waxyaabo aysan xitaa ku dhiiran caruurta oo ay meelkasta oo aad dunida ka joogto marka ay hadlayaan ereyada ugu horeeya ee ay isticmaalaan uu noqonayo hadaanan inagu wadanka 1 amaba 2 ka noqoneyn wax kala soconaya ma jirto.

Bulshada dowlad ku noolka ah waa kuwa ku nool laga soo bilaabo Hiiraan ilaa Raaskaambooni iyagu xiliyadii hore kalama jecleyn cidii hogaamineysa dalka marba haduu yahay muwaadin Soomaaliyeed cida wax hogamineysa, waana dad nolol ku filan iyo qeyraad degaanada ay ku nool yahiin ku heysta.

Hadaba hadaan dib ugu laabano meesha ay maanta wax marayaan iyo sida aysan ugu muuqan iney wax badan sidii hore ugu hirgalaan reer Puntand, waxey u muuqataa in ay dowlada hada dhismaheeda lagu jiro aysan ka heleyn xilalkii muhiimka ahaa ee ay horey u heli jireen arimo badan oo aan horey u jiri jirin iyo waqatiga hada lagu jiro oo ah xili ay Soomaaliweyn isbedel doonayaan awadeed.

Inkasta oo sidaan horey u sheegnay waxkasta ku xiran yahiin qadarka alle hadane reer Puntland marka laga reebo siyaasiyiinta iyaga u sharaxan ma jirto siyaasi qorsheynaya inuu sanadkan hadii uu ku guuleysto hogaanka dalka wasiirka 1aad ka keeno siyaasi reer Puntland ah.mararka qaarkood markaad xafiisyada laga hago siyaasada musharaxiinta qaarkood aad weydiiso bal cida ay qorsheynayaan iney wasiirka 1aad ka keenaan reer Puntland afkooda sooma qabanayo waxeyna waliba kuu raacinayaa qaarkood in uu siweyn uga bad badiyey madaxweynaha uu gabalkiisa sii dhacayo Shiikh Shariif oo isagu reer Puntland siyaasadooda gaarsiiyey ilaa ay muran ka galiyaan caasimada Soomaaliya ee Mogdishu iyagoo waliba Garoowe oo aan dhameyn xaafad ka mid ah degmooyinka ay ka kooban tahay Mogdishu la barbar dhigaya.

Sikastaba dhawaan magaalada Mogdishu waxaa ka dhici doona shirweyne ay musharaxiinta badankood ugu tanaasulayaan mid amaba labo musharax siiba beelaha Hawiye halkii ay 2004-kii iyagoo aan iska warqabin u kala dhuumanayeen Col Cabdullaahi Yusuf kadib markii ay xiligaas sidaan oo kale isku soo sharaxeen labaatameeyo musharax oo ka socotay kaliya beelaha Hawiye.

Inkasta oo ay musharaxiintii 2004-kii u badnaayeen qabqablayashii dagaalka hadane musharaxiinta maanta wey ka duwan yahiin kuwii xiligaas jiray dowlada soo socotana wey ka duwan tahay dowladahii wadanka loo dhisi jiray taasi oo aad u yareyneysa rajada ay reer Puntland mar kale ku noqon karaan madaxweyne amaba r/wasaare.

Marka aan leenahay reer Puntland jaaniskooda aad ayuu u yar yahay ma ahan inaan ula jeedno ineysan dalka hogaamin karin amaba aysan aheyn muwaadiniin Soomaaliyeed laakinse siyaasiyiinta maanta hor boodeysa siiba Faroole iyo Gaas ma ahan shaqsiyaad dhaafsiisan danaha beeshooda walow ay degaanadooda ka yahiin geesiyaal dalka intiisa kale waxaa laga aaminsan yahay ineysan aheyn siyaasiyiin qaran.

Filo goor dhaw musharaxiinta sida weyn loo saadaalinayo iney hogaanka dalka ku
guuleysan doonaan

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.55 seconds
14,569,404 unique visits