Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS;-Maamulka Azania oo magaalada Kismaayo la wareegaya inta aan la dooran...

Wararka MaantaHS:- Magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka J/hoose waxaa ka socda dagaalo xoogan oo u dhaxeeya hadii si rasmi ah bulshada Soomaaliyeed loogu soo bandhigo maamul goboleedka Azania oo garab ka helaya dowalda Kenya iyo kooxda Shabaab.

Dagaalka ayaa hada u muuqda mid aad u yareynaya iney magaaladaas sii heystaan kooxda Shabaab iyo ajaaniibta ay kala yimaadeen dibadaha ee dalalkooda danbiyada ka soo galay gabaadkana ka dhiganaya dalka Soomaaliya.

Inkasta oo ay saraakiisha kooxda Shabaab iyo raga janabiga ah ee dagaalka hogaaminaya ee u badan Afganistaanka iyo Carabta dadweynahii ku noolaa magaalada Kismaayo ku qasbeen ineysan ka bixi karin gudaha magaalada, hadane arintaasi waxey u muuqataa ineysan meel mar noqon oo dadku aad u qaxayaan.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka jira isku dhaxyaac baahsan kadib markii la xaqiijiyey inuu ku soo wajahan yahay dagaal sedax keesood ah oo iskugu jira cir iyo dhul.wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ujeedada ciidamada ku soo wajahan Kismaayo aysan aheyn kaliya iney qabsadaan magaalada Kismaayo ee ay si isku mid ah u qabsanayaan Kismaayo ilaa Magaalada Baraawe oo lagu soo waramayo iney ku sugan yahiin inta badan saraakiisha hagaya dagaalada Kismaayo ka socda ee Shabaab oo u badan janabi.

Madaxweynaha maamulka Azania Prof Gaandi iyo inta badan masuuliyiinta maamulka oo sida lagu soo waramayo heshiisyo hoose la galay inta badan beelaha Soomaaliyeed ee Jubooyinka ayaa lagu wadaa iney maalmaha inagu soo aadan ka qudbeyn doonaan magaalada Kismaayo. qorshaha saraakiisha maamulka Azania iyo ciidamada Kenya ee caawinaya ayaa ah in dhamaanba gobolada J/hoose, jubada dhexe iyo qeyb ka mid ah gobnolka Sh/hoose laga saaro kooxda Shabaab inta aan la dooran madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo aan la ogeyn waxa lagala kulmi doono maadama uu yahay madaxweyne wax badan ka duwanaan doona midkii isaga ka horeeyey ee kumeel gaarka ahaa.

Sikastaba Shabaab gabalkooda waa dhacay sida hada muuqata waxeyna dadka odorasa amaba ku taqasusay dhinaca ciidanka sheegayaan in ujeedada Shabaab iyo xulufadooda looga soo saarayo JUbooyinka iyo labada Shabele ay tahay in ay ciidamda Amisom doonayaan sidii looga soo saari lahaa dhulka howdka ah maadaama aysan ku dhuuman karin gobolada dhexe ee Soomaaliya kadibna dagaal xoogan looga dhufto Hiiraan ilaa Sh/dhexe marka ay ku soo jabaan dagalka Jubooyinka.

Walwalka ugu badan ee hada ku jeysta kooxda waa in aysan seysan shacab hadii ay jabaan gabaad siiya oo hore ayey shacabkii Soomaaliyeed ee ku noolaa degaanada ay ka taliyaan u xumeeyeen, waxaadna moodaa in jabkooda dadka badankii ku faraxsan yahiin halka aysan kala jecleyn cidii maamuleysa jubooyinka marba hadii ay helayaan koox amaba maamul damaanad qaadaya nabadgalyadooda iyo xuriyadooda dadnimo ee ay horey u waayeen shacabku.

La soco wararkeena danbe iyo magaalada ugu barwaaqada badan dalka Soomaaliya ee Kismaayo oo uu hada dagaal xoogan ka socdo hareeraheeda walow marka la eego sida looga nacay dalka Soomaaliya kooxda Shabaab iyo ajnabiga la socda ay maquul noqon karto iney maamulka Azania halkaas kala kulmaan soo dhaweyn xoogan oo dhinaca shacabka ah.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,606,094 unique visits