Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
ernestom60

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hiran State.

Wararka MaantaGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hiran State Mudane C/qaadir Rooble Naxar ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono cid allaale iyo ciddii ku xad gudubta xuquuqda iyo sharafta muwaadhiniinta Hiran State.

Guddoomiayaha oo si qaasa u xusayay dhacdadii lagu wax yeeleeyay qabuurihii ugaasyada reer Hiiraan ee Daharo Ugaas ee ay kooxda al shabaab burburiyeen 27/1/2011-ka ayaa sheegay inay xilligan lagama maarmaan tahay in isha lagu hayo tacadiyada ka dhacaya degaanada Hiran State ee ay ku kacayaan al -Shabaab iyo kooxaha jid gooyada ka sameysta meelaha gaadiidka dadweynuhu maro amaba wadada dheer ee ay ku safraan dadka masaafurka ah, si ciddii fal dembiyeed geysata loogula xisaabtamo waqtiga ay munaasibka noqoto loona horgeeyo caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hiran state wuxuu hay,adaha amniga ee Hiiraan State ku booriyay inay diwaan gelin iyo daba gal ku sameeyaan shaqsiyaadka iyo kooxaha dunuubta ka gelaya shacabka Hiran State, jebinayana sharciga ee dhibaateynaya umadda, isla markaasna wuxuu Hay,adaha amniga faray inay dembiilayaasha sharciga hor keenaan waqtiga ku habboonaada ee munaasibka noqda.

Guddoomiyaha oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Nairobi 30/1/2011-ka ayaa yiri mudda dheer ayaa la soo maray oo aan lagu xisaabtamin tacadiyada la geysanayo balse hadda waxaa la gaaray waqtigii la xisaabtanka dembiilayaasha.

Guddoomiyaha M/Sare C/qadir Rooble Naxar ayaa shacabka ku dhaqan Hiran State kula dardaarmay inay ka foojignaadaan kana hor tagaan kuwa caadeystay falalka xun xun, ayna mustaqbalka dhaw ku gacan siiyaan hay,adaha amniga waajibaadka ka saaran sugidda amniga.

Isha warka Hiiraan state
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,637,662 unique visits