Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya oo lagb ayaabo in ay dib u dhacdo

Wararka MaantaHS:- Magaalada Mogdishu oo lagu waday in ay ka dhacdo doorashadii madaxweynaha Soomaaliya 10-ka bishani aynu ku jirno ayaa laga yaabaa iney dib u dhacdo. inkasta oo bulshada lagu jahwareerinayey 22-kii sano ee ugu danbeysay siyaasado aan dhamaad laheyn iyo dowlado kumeel gaar ah ayaa wxaa soo baxay warar hseegaya in doorashsii dib loo dhigi doono.

Inkasta oo aanu dooneyn in aanu ka hor dhacno arimo badan oo xasaasi ah iyo musuqmaasuq baahsan oo ay faraha kula jiraan gudiga qaban qaabinaya doorashada oo u muuqda kuwo aan meel wax iskula wadin howsha loo igmadayna ay tahay mid ku cusub ayaa hadane waxaa jira qorshe laga yaabo in ay doorashada dib u dhacdo walow ay doonayan dhawr musharax oo ay wada shaqeyni ka dhaxeyso gudiga doorashada in la boobsiiyo howlaha doorashada.

Marka laga soo tago in doorashada dib loo dhigayo hadane waxaa jiro musharaxiinta la sheegay iney buuxiyeen sharuudahii laga rabay in aysan arinta sidey gudigu u soo bandhigeen aheyn. mid ka mid ah gudiga qaban qaabinaya doorashada ayaa laga soo xigtay in uusan jirin musharax keenay 20 xildhibaan saxiixooda oo la hubo kaliya musharaxiinta waxey bixiyeen 10- kun oo kaliya hadii arintaas been loo maleynayo shir jaraa'id gudiga doorashada ha qabteen bulshadana ha u soo bandhigeen magacyada musharaxiinta iyo inta saxiix ee uu helay midkasta ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha gudiga oo ka gaabsaday magaciisa.

Filo goor dhaw faah faahin dheeraad ah iyo sida uu baarlamaankaan cusub ee u badan qurbojoog ugu musuqmaasuq badan yahay kii ka horeeyey iyo sida gudoomiyahii cusbaa Prof Jawaari ay gacanta ugu dhigeen dhawr musharax.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,606,153 unique visits