Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Qiso yaableh oo ka dhacday magaalada Mogdishu oo dhax martay

Wararka MaantaHS:- Marka laga hadlayo dal Soomaaliya oo kale ah amaba ay bulshada aduunka weydiiyaan qof Soomaali ah waxa ay Soomaalidu isku dagaalaan maadaama ay yahiin dad 100% heysta diinta ugu wanaagsan uguna nabadgalyada badan diimanka aduunka, waxaa jawaabahooda ka mid ah walaahi ma garaneyno waxaanu nahay dad muslim ah isku af ,diin iyo dhaqanba wadaaga dhibaatada dalka Soomaaliya ka jirtana waa mid ay abuureen dowlado shisheeye ah.

Nasiib wanaag waxan la dafari karin in ay Soomaalidu yahiin amaba ahaan jireen dad faan badan isna jecel waxii ay heystaana isla cuna markal aga reebo dagaalo jahli ah oo dalka iyo dadka Soomaaliya la haray oo uun ku qotomay dhul balaarsi iyo aano qabiil kuna ekaan jiray miyiga.

Bulshada Soomaaliyeed oo sida la sheego aan waligood helin hogaan daacad ah waxey xarkaha goosteen badankood waxii ka danbeeyey bur burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.Inkasta oo aan la soo koobi karin waxii dhacay 22-kii sano ee ugu danbeysay hadane waxaanu qormadaan ku soo qaadaneynaa mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu danbeeyey iyo sida Soomaalida maanta nool wax badan ugu kala aragti duwan tahay iyo heerka ay iskaba daa Soomaalinimee ay ugu dhiiranayaan qar bulshada ka mid ah waxyaabaha illaah ka xaaraantinimeeyey qof muslin ah inuu qof kale muslin ah iskaba daaye Gaal ku sameeyo.

Magaalada Mogdishu oo ah caasimada Soomaaliya waa meesha la rumeysan yahay iney ka dhaceen mucjisooyinka ugu waaweyn mudadii ay socdeen dagaaladii sokeeye ee dalka ka curtay waxii ka danbeeyey 1988 oo ah waqtiga sida rasmiga ah loo hubo ee ay dagaaladu qarxeen.

Marka laga soo tago in magaalada laga xoreeyey kooxda Shabaab ayna gacanta ku hayaan ciidamada Amisom iyo kuwo dowlada hadana markaad xaalada ka eegto dhianca shacabka Mogdishu xaaladeeda hadaan loo helin muwaadin Soomaaliyeed oo umada u kala xaqsoora si loo helo dowlad caadil ah wey adag tahay in lagu najaxo dowlada soo socota.

Waxii ka danbeeyey markii caasimada Soomaaliya dibada looga saaray kooxda Shabaab waxaa maalinba maalinta ka danbeysa dib ugu laabanayey dalka Soomaaliya qurba joog badan oo Soomaaliyeed oo rajo uun ka qaba in uu dalkoodu dego maadaama ay bulshadu ku soo jireen colaad dheer mudo. mid ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha kunool ayaa dib ugu laabtay Mogdishu oo ah magaalo ay hada ka socdaan dhismooyin badan, waxuuna maalin maalmaha ka mid ah booqday gurigiisa oo uu dhawr jeer oo hore maqlay in ay degan yahiin qoysSoomaaliyeed.

Odaygii guriga lahaa ee qurbaha ka yimid oo horey u maqlay in ay naftooda ku waayeen Soomaali badan oo horey u booqday guryahooda markii ay reerkii deganaa u shegeen iney iyagu leeyahiina la dilay ayaa isticmaalay xeelad ka duwan kuwii isaga ka horeeyey. waxuuna markii uu guriga tagay yiri waxaan raadinayaa guri Ijaar ah waxana doonayaa in leyga kireeyo hal qol. waxaana loogu jawaabay ma heyno qol oo dhamaantiis waanu wada kireynay. waxuuna odaygii si uu gudaha guriga u arko yiri walaal idinkaa xaafada kala garanayo ee reerahaan deriska ah ii weydiiya iyadiina sidoo kale ayaa loogu jawaabay.Intaas markii ay mareyso ayuu odoygii guriga lahaa raadis ugalay reerka guriga heysta dad ay isku famil yahiin oo uu ku maqlay iney xil ka hayaan TFGda isku day badan kadibna wuu ku guuleysan waayey.

Ugu danbeyn waxa dhacday in uu maalmahii la soo dhaafay waxii ka danbeeyey doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka inuu maqlay ninkii guriga laga heystay in ay musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ay ku jiraan ilaa afar musharax oo ku heyb ah ninkii guriga ka heystay.

Waxuuna hadalkiisa ku soo qatimay Mogdishu xaalkeedu ma fiicna isagoo ula jeeday cida maxkamad u saraeysa amaba gurigiisa ugu saareysa reerka degan hadii ay hogaanka dalka ku guuleystaan beesha uu ka dhashay ninka gurigiisa xooga ku heysta. waa su'aal daweynoo madaxadaalineysa.

Hadaba waxaa isweydiin leh aaway islaanimada lagu sheego umada Soomaaliyeed. goormeese musharaxiintaan faraha badan laga hdax heli doonaa wadani umada ku hogaamiya cadaalada?

La soco part two ninka guriga uusan laheyn degan iyo inta musharax ee tartanka ugu jirto si uu ugu nagaado hantida gaarka loo leeyahay mid guud warkeedba daaye.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,568,755 unique visits