Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Caawa iyo Mogdihsu

Wararka MaantaHS:- Sida aan horey u sheegnay siyaasada Soomaaliya waa mid is bedbedel badan saacadkasta mana ahan mid fadhida oo loogu imaanayo meeshii aad ku ogeyd xaley amaba maanta.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Shiikh Shariif oo habeenkii xaleyto ahaa la sheegay inuu heshiis la galay saaxiibkiis Shariif Hasan oo ay dabada ka riixayaan shirkado shisheeye ah oo uu qaarkood wadanka u gacan galiyey hadana aad ugu walwalaysan hadii madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada ku guuleysta noqdo shaqsi damiir leh amaba musharxiinta kale ayaa sida aanu ku heleyno warar sugan waxaa si hoose ugala laabtay mudanyaal bdan oo horey ugu balan qaday iney codkooda siin doonaan Shiikh Shariif si uu waxii horey ugu qaldamay dib ugu saxo ayaa caawa sugila sidii ay berito ugu codeyn lahaayeen shaqsi aan aheyn Shiikh Shariif.

Xiriiro badan oo aanu lasameynay xildhibaanadan oo u muuqda kuwo isku xiran ayaa sheegay in ay wax badan fikirkooda iska bedeleen maanta galinkii danbe iyagoo u sababeynaya iney dalka iyo dadka Soomaaliyeed qalad ku tahay in mudo 8 sano ah maalinkasta ay bulshadu dhegahooda maqlaan Shariif Hasan ayaa doonaya jago hebel kadibna xilkaas hela iyagoo sheegay inuu hore u soo noqday labo jeer gudoomiyaha baarlamaanka kadibna inta ku caajisay hadane noqday wasiirka maaliyada inuu maanta sidii xoolahii oo kale ku gorgortamo waxaan heystaa 50 xildhibaan si uu mar kale ugu dhax muuqdo siyaasada Soomaaliya ma yeeleyno ayey ku cel celiyeen isaga iyo Shiikh Shariifna wey is raaci doonaan berito ayey ku hanjabeen.

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in caawa aad loo hadal hayo R/wasaarahii hore ee Soomaaliya Farmaajo, Prof Samater, Xaaji Mohamed Yaasin iyo C/raxmaan Baadiyow oo sida warar sugan lagu helayo uu midkood noqon doono madaxweynaha Soomaaliya 4ta sano ee soo socota.

Xildhibaandan quuldareynaya in Shiikh Shariif mar kale soo laabto ayaa u badan qurbojoog horey Shariif Hsan dhulka ula gooyey xiligii ay socotay doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka ee lagu doortay Prof Jawaari xili ay u sheegeen in sida uu rabo ugu codeyn doonaan.hal ku dhigyada caawa laga maqlayey mudanayaasha qaarkood waxaa ka mid ahaa (ka qaad Shariif lacagta dekeda iyo Airporka codkana ku hubso rabitaanka shacabka)

Sikastaba xildhibaandan ayaa caawa siweyn looga dheehan karay kala doorashada musharxiinta aan kor ku soo sheegnay oo laga yaabo ineyba iska warqabin iyaga laga hadlayo oo ay siyaasad ahaan fikirka ku kala duwan yahiin hadiise ay is ogaan lahaayeen midkii soo dhaafa wareega 1aad ayey codkooda iskugu dari lahaayeen xukumad tayo lehna wey isla dhisan lahaayeen.

Mar aanu la xariirnay xarunta Villada iyo taageerayaasha madaxweyne Shariif xili danbe oo caawa ah waxaadba moodaa inba loo doortay hogaankii dalka waxaana mararka qarkood dhegahaadu maqlayaan qaabka loo dhisi doono xukumada cusub ee uu Shiikh Shariif dalka ku maamuli doono 4ta sano ee soo socta waxaana u badan shaqsiyaad dhamantood lagu tuhmayo iney iibiyeen Bada Soomaaliya sirta dalkana bixiyaan, walow ay dhici karto in Shariifka qudhiisa ay ka tahay doorashada ku mood oo kaliya xili ay balan qaadyadiisa jabin rabaan gidaarada Viila Soomaaliya.

Sikastaba waxaad doorashada oo aan walito la hubin iney dhici doonto 100% maadaama siyaasada Africanka aan leysku laheyn karin hadane hadii ay dhacdo si toos ah ayaan bulshada ugu soo tabin doonaa.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,614,416 unique visits