Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
judywf18

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Madaxweynaha iyo gduoomiyaha baarlamaanka oo shir wada qabtay

Wararka MaantaHS:- Shir jaraa'id oo ay maanta si wada jir ah u qabteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayey kak hadleen qodobo aad muhiim ugu aha iney mar uun maqlaan dhegaha bulshada Soomaaliyeed.

Shir jaraa’id oo ay galabta si wadajir ah xarunta Madaxtooyada Qaranka ugu qabteen Madaxweynaha Jamhuuriyada Dr Hasan Shiikh Mohamud iyo Guddoomiyaha baarlamanka Prf Mohamed Shiikh Jawaari ayaa waxa ay qeexeen in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhaxgali jiray Mas’uuliyiinta dowladda ayna jiri doonin is khilaaf dambe iyo isku dhax yaacii horey u jiray xiligii lagu jiray kumeel gaarka.



Guddoomiyaha baarlamanka Jamhuuriyada Federalak Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horeyn la hadlay waraabhinta ayaa tilmaamay in dowladan cusub ay tahay mid uu ka dhaxeeyo wadashaeyn ayna tahay mid ku adeegeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo mudo ku soo jiray is qabqabsi iyo muran dowlada dhexdeeda ah.Prof Jawaari ayaa intaa ku daray in aan loo dulqaadan doonin waxyaabaha sharcidarada ah maadaama hay’adda sharcidajinta ay tahay baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa carabka ku dhuftay in haatan ay bilaabatay wadashaqeyntii mas’uuliyiinta dowladda qof walibana lagu ixtiraamayo shaqadaasi si looga fogaado khilaaf dalkana uu u helo dowladda dhameystiran ayuu yiri madaxweynaha xili ay ka dhiman tahay wax ka yar 24 saac waqtigii uu masuuliyada dalka kala wareegi lahaa madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in ahmiyada koobaad ay siinayaan amaanka dalka si dadka ay u heleen nabad iyo kala dambeyn lana dhisayo hay’adihii garsoorka si shacabka loogu dhaqo cadaalad iyo sinaan.

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in ciidamada ay yihiin kuwo had iyo jeer u taagan sugida amnigooda ayna naftooda u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka sidaa dareedeedna shacabka ay gacan ka geystaan in ay farmuuqaan shaqsiyaadka wado carqalad ii u diidaya nabadgalyada.

Sikastaba tani waxey u tahay bulshada Soomaaliyeed bilaaw fiican mar hadii labo ka mid ah masuuliyiinta dowlada ugu sareyso ay qireen inuu yaraan doono qilaafkooda, hadalka madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka waxuu si buuxda u rumoobayaa hadii wasiirka 1aad laga keeno degaan aan aheyn reer Puntland waayo marka dib loo eego tariikhda qoyan iyo r/wasaarayaashii ugu danbeeyey ee soo maray xukumadahii kala duwanaa dhamaantood waxey meel isk adhigeen dantii guud iyo qaranimadii iyagoo xilkaas u hayey kuna shaqeynayey markasta rabitaanka Puntland oo kaliya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,600,260 unique visits