Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan State iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Xaashi oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Wararka MaantaTalaado 1, Feb 2011 (HSOL)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan State iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Xaashi oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan State Dr. Maxamuud Cabdi Gaab ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Muqdisho Xildhibaan Maxamed Cumar Xaashi Aadan , iyadoo labada mas’uul ay ka wada hadleen xal degdeg ah oo loo helo gobolada Hiiraan iyo qaabka suuragalka ah ee gobolkaasi uu u gali lahaa gacanta dowlad goboleedka Hiiraan State .

Labada Mas’uul ayaa waxa ay isla garteen in la kulmiyo todobaadkan dhammaan xildhibaanada reer Hiiraan, kadibna lala kulmo oo qado sharaf loogu yeero dhammaan wasiirada beelaha kale ee Hiiraan dega si ay iyana u muujiyaan taageerada ay u haayaan dowlad goboleedka Hiiraan State , si ay u suura-gasho in awood wadajir ah oo beelweynta Hiiraan oo garabsiinaya dowlad goboleedka cusub looga sifeyn lahaa gobolada Hiiraan kooxda Alshabaab ee ay ku midoobeen dagaalyahano shisheeye ah iyo kuwa Soomaali ah oo dambiilayaal ah .

Xildhibaan Maxamed Cumar Xaashi ayaa waxa uu carabka ku dhuftay sida uu u garab taagan yahay dowlad goboleedka Hiiraan State oo uu ku sheegay inuu yahay bilow nabadeed iyo nidaam u horseedi kara Hiiraan horumar ,barwaaqo iyo wadanoolaansho nabadeed .

Kulankan ayaanu aheyn kii ugu horeeyay ee Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan State Maxamuud Cabdi Gaab uu la yeesho qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Hiiraan wada dega , waxaana arrinkan uu qeyb ka yahay dadaalada dowlad goboleedka cusub ay ku dooneyso inay dib ula wareegto guud ahaan gobolada Hiiraan State.

Dhawaantan ayaa lagu wadaa in ay gudaha Hiiraan gaaraan dadaalo ay kaalin muuqata ku leeyahiin qurba joogta kaasi oo dib loogu celinayo saraakiil reer Hiiraan ah gudaha wadanka.dowlad goboleedka HS ayaa iyadu u muuqata mid si weyn u kasbaneysa bulshoweynta reer Hiiraan.

W/diyaariyay : Xafiiska Hiiraan State ee Muqdisho
Muqdisho-Soomaaliya
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate,net




Comments

#1 | KHAALID on February 02 2011 11:02:14
A/C AAD BAAD U MAHADSAN YIHIIN MADAXDA DOWLADA HIIRAANSTATE...MADAXDA DOWLADA HIIRAAN STATE GAAR AHAAN MADAXWEYNAHA WAXAAN KULA TALINAYAA INUU AAD IYO AAD UGU FEEJIGNAADO DADKA QAAR QAASATAN KUWA DHAHO WAXAAN NAHAY REER HIIRAAN EE HADANA HOOSTA KU WATO WAXYAABO BADAN OO AAY KA MID YIHIIN INEEY GABAAD SIIYAAN DAD AN U DHALAN GOBOLKA SIDA TII QARAXII BELEDWEYNE 18 JUN 2009.... MARKA MADAXDA HIIRAAN STATE WAXAAN KULA TALIN LAHAA INEEY NOQDAAN DAD AAD U FEEJIGAN OO YAAN SI DHAQSO AH LAGU AAMININ DADKAAN SHEEGANAYA INEEY YIHIN RER HIIRAAN EE HADANA DANTOODA IYO DAD FITNO WADAYAAL AH HOOSTA KU WATA.......DOWLADA HIIRAAN STATE WAXAAN KULA TALIN LAHAA INEEY LA HADASHO MUDANE YUUSUF DABAGEED IYO CABDIFATAX AFRAX SI DOWLADA AAY UGA MID NOQDAAN SABABTOO AH IYAGA XITAA TAS AYAA DAN UGU JIRTA SABABTOO AH SHABAAB KALIGOOD MA SAARI KARAAN.. MIDA KALE DOWLADA HIRAAN STATE WAA INEEY HUB WAA WEYN GADATO LANA HADASHO MADAXDA DOWLADA ETHIOPIA OO AAYSAN LA DEAL GAREEN ASKARTA JOOGTO KALABEER EE ETHIOPIANKA AH BALSE TAAS BADALKEED MADAXDA DOWLADA ETHIOPIA LALA HADLO LAGUNA DANEESTO.. ILEYN SOMALILAND IYO PUNTLAND IYAGUBA WEEY KU DANEESTAAN ETHIOPIA.. DAN KALE KAMA WADO BALSE HUB AAN KASOO IIBSANO IYO DERIS WANAAG
#2 | ASAD on February 02 2011 11:12:30
AAD IYO AAD BAAD U MAHADSANTAHAY KHAALID SIDA WACAN EE AAD ARINTA UGA HADASHAY WAANA MUHIIM IN MADAXDA HIIRAAN STATE AAYSAN LA DEAL GAREEN AMA LA FADHIISAN CID WALBA..DOWLADA HIIRAANSTATE WAA INEEY CIIDAN XOOGAN DHISTAA MUSHAARKA CIIDANKA WAXAA KU FILAN CANSHUURTA LAGA QAADO GAWAARIDA MARKA GOBOLKA QASATAN KALABEER IYAGANA AMANKOODA LA SUGO....... MIDA KALE DOWLADA HIIRAAN STATE AAD HA ULA SOCOTO DADKA AN U DHALAN GOBOLKA EE FITNO WADAYASHA AH IYO KUWA GOBOLKA U DHSHAY EE HOSTA KU WATO....MAGAALADA BELEDWEYNE WAA IN BANDOOW LA SAARA MARKA LA QABTO CIDII JABISANA SHARCIGA LA HORKEENAA.... DOWLADA HIIRAAN STATE NA WAA INEEY YEELATAA HAL SHAQSI OO IDAACADAHA WARKA SIIYO....TV GA UNIVERSAL NA GOBOLKA WERIYO LOOGA SAMEEYO SI MAALIN WALBO WERIYAHA HORUMARKA IYO WANAAGA DOWLADA HIIRAAN STATE UU TV GA UGA SHEEGO.....GOBOLKANA LAGA MAMNUUCA CANAASIIRTA XAWILADAHA U SHAQEEYO DADKA GOBOLKA FITNADA KA WADO.. WAAD MAHADSAN TIHIIN
#3 | maxamed holland on February 02 2011 22:28:55
aad ayaad u mahad san tahiin dhaan walaala hay ga qiima ha iyo qadirin ta mudan asad iyo khaalid sida ad uga war baxiseen xalada jirta dad ka hada b.weyne nagu dhibaa oo mar walba naloo soo adeg sanaa oo ka dambeeyay qaraxii 18 june 2009 dhib kaas oo kale waxa ay ku haayeen jowhar waa na laga soo eryay kismaayo caanaha ayaa keena wax ba kama aha mana ka hadli karaan laakiin anaga ayaa isku deynay dad kaan mar hore ayay aheed in aan is ka qaba no by max
#4 | Muna on February 05 2011 19:21:14
ACW
Walaala layaal aad iyo ad ayaad u mahadsantihiin waxa aad wada sheegteen waa wax jira laakin yaa isku dhigay oo gobolkooda daneeyn waa anaga marka hadii aan anag ka fakirin gobolkeena yaa ka fikuraayo waa cidnah marka weli ma noqon dad gobolkooda u dhinta ama u dagalama qoloba qolo ayaa wadato illa eey ku yimaadaan Cadaw aan gobalka u dhalan oo eey ku bah dilaan dadkii u dhashay gobalka taasna waa mii aad iyo aad u foolxun hada iyo tala iyo sidii gobalka lagu soo celin lahaa waxaa iga tala ah hadaan nahay ree gobaladeedkii u dhashay hiiraan waan in aan garab qabanaa dowladgobaledka inoo dhashay oo ah Hiiraan state wax eey qabsan karto malaho kaligeed waxaa loo bahan yahay dhaqaale dahqaalahanah hadan anga iska qaadin oo aan u istaagin gobalkeena sidaa ayuu cadowga ugu jira kuwii u dhashaynah sidaa ayaa loo kala gadanayaa marka waa in aan isku sheegnaaa runta dhaqaalaha uu u bahanyahay dowlad gobaleedka Hiiraan State waa in u sameeynaa deeq dhaqaale oo aan iska Ururinaa lacag lagu taageero dowlad gobaleedka Hiiraan Satate hadaan nahay XAWAADLE iska hadal ma tarto.
Hadaan ka jawaab wilasha walaalaheey oo ka soo hadalay in uu Dowlad Gobaledka Hiraan state ha gataan HUB oo ka gataan Etopiya ma is weeydiiseen halkee ka heeysaa lacagtaa eey ku gadeeyso HUBKA wana tan loo bahan yahay HUBKA dowlada weey cusubtahay wax dhaqaala ahna ma heeystato hadii eey tolkeda Xawaadle on wax la qaban ama yaa wax la qabaanaayo waad aragtaan Puntland iyo Somaliland waxaa dhistay dadkoodii eeey ka dhasheen ayaa sidaa u dhistay hadanah waxaa ayudsan Mareekanka oo waxeey xaq u leeyihiin waa la siiyaa illeeyn waa dad Gobolkoodii dhistay oo ku faanaayo waana ku waajib in eey ku faanan illeyn dadka hadeey isku xiran yihiin sidaas ayeey noqdaan oo waxaa ka soo baxa wax fiican laakiin hadii aad adigii gonolka u dhalatay aad hogaamineeysid dad cadow kugu ah oo eey ku gadanaayaan oo aad isku kalsooneey ama aad adakaadii aad ku kalsooneeyn waxaad ku soo baxee in aad gobalkaadii lagula gor gortama waa tan hada meesha taal Xawaadloow waana ka xumahay in eey sidaa dhacdo ee waxaan idileeyahay aan iska qaadno diifta een aan qabsano gobalkeena Qaaliga ah oo weliba Barwaaqda ku dheehan gacmo wadir ayeey wax ku gooyaan ee aan gacmaha is qabsanoo gobolka ka saarno cadawuga heeysto ninkastoo xawaadle ah waa ku qasab arrintaan dhaqalenah hadii uu heeysan mamul gobaledka hiiraan state muxuu qaban karaa waa maya marka Xawaadloow Gacanta ha la furo oo dadkii ficiin ahaa ayaga ayaa dhistay oo baxsady lagaha gobolka lagu dhisay ee fura gacata Xawaadlow waxaana idiin rajeeynaaya in aad noqotaan walaala isku gargaara oo wax isla qabsadaa aamiin Guul Hiiraan State insha Allah wabillahi toowfiiq
#5 | gumac xabad on February 08 2011 14:15:46
salaan kadib hiiraan taariikh iyo halyeeyo waa kadhasheen cid celin kartaana majiraan balse waxaa ayaan daro ah hiiraan waxaa hortaagan oo u adeego adowgoodo reer hiiraan kale waana la.ogyahay taariikhiyan reer hiiraan waxuu waxwalba kudhaafo oo sidaan aan maanta nahay nagaarsiiyey waa dadka udhashey hiiroon oo loo adeegsado burburka hiiraan saa wax kale oo usoobareeri karo majiraane waxaana leeyahay HS wada dhamaan howlaha gobolka waana kuguulaysan doontaan turunturooyinkana iska ilaaliya ilaahna ha idinla garab galo waana idin aaminsanyihiin dhamaan reer hiiraan inta waxgaradka ah ee aan dhuunqaataha ahayn ama jago doonka ahan . wabilaahi towfiiq.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,589,468 unique visits