Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Beeraleyda Hiiraan o okordhiyey wax soo saarka beeraha

Wararka MaantaHS:- Bulshada Hiiraan oo xiligii dowladii dhexe ay qudaarta uga imaan jirtay gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa hada u muuqda kuwo ka faa'ideysanaya biyaha wabiga Shabelle.

Marka la eego 5tii sano ee ugu danbeysay waxaa siweyn guud ahaan dhulweynaha Hiiraan State laga dareemayaa noocyada kala duwan ee qudaarta siiba Qaraha, Cambaha, Seytuunka, Basasha, Babaayka iyo Muuska.

Beeraleyda Hiiraan ayaa iyagu ku jira xiligii ugu wanaagsanaa iyagoo siweyn uga faa'iday wax soo saarka qudaarta oo ay sanadkii 3 ilaa 4 jeer beeraan beeraha ku teedsan wabiga Shabelle.

Nuucyada Qudaarta Sida Basasha, Yaanyada, Barbarooniga, Liinta iyo qudaarta kale ee raashiinka lagu darsado ayaa si aan xisaab laheen logu tacbaa beeraha waxaana loo iibgeeyaa magaalooyinka ee Hiiraan iyo dalka Intiisa kale haba ugu badnaatee Killinka 5aad ee Soomaalida Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig Jiga oo ah magaalada ugu weyn ee ay reer Hiiraan la leeyahiin ganacsi dhab ah bulshadooduna ay aad ugu xiran yahiin magaalada B/weyne.

Sidoo kale marka laga hadlayo dhinaca ganacsiga waxaa jig jiga ku soo xiga Puntland iyo Soomaaliland oo ganacsato ka soo jeeda deganadaas ay aad u yimaadaan Hiiraan si ay qudaarta u gaarsiiyaan degaanadaas.

Sababaha keenay in ay beeraleyda Hiiraan kor dhiyaan wax soo saarka ayaa lagu micneeyey kadib markii ay heleen qalab u saamaxaya iney kordhiyaan wax soo saarka beeraha oo ay ka heleen qaar ka mid ah hayaddaha gar gaarka ee ka howl gala gudaha Hiiraan.

Guud ahaan beeraleyda Hiiraan ayaa wajiyadooda laga dareemayaa farxad maadama ay ku guuleysteen iney wax soo saarkooda gaarsiiyaan dhulka Soomaalida Ethiopia iyo dalka intiisa kale.



Marka laga soo tago wax soo saarka beeraha Hiiraan hadane waxaa xusid mudan in dhinaca ganacsiga Hiiraan kala dhaxeeya magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ,hadane marka la eego dhinacaas Ethiopia wey adag tahay magaalada Jigjiga cid kaka horeysa ganacsiga Hiiraan kadib markii ay waayadii danbe noqotay magaalada Jigjiga xarun kulmisa ganacsiga Soomaaliya xili ay loolan dhianca ganacsiga oo xoogan kala dhaxeeyo magaalada Hargeysa taasi oo jaanis aad u weyn siisay beeraleyda Hiiraan oo iyagu wax soo saarkooda u iibkeena magaalada B/weyne si sahlan loog aiibsado halka qarkood loogu tago beerahooda kadibna halkaas ay ka daabulaan garaawirada xamuulka ee loo yaqaano Waaraadka, amaba Candhemeydlaha oo siweyn looga isticmaalo dalka Soomaaliya.

La soco horumarka iyo wax soo saarka beeraleyda Hiiraan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,588,985 unique visits