Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo dhawaan lagu dhawaaqayo

Wararka MaantaHS:- Inkasta oo aad looga dareemayo madaxweynaha cusub gacan culeys badan marka la eego daahidaanka uu la soo daahay ku dhawaaqida r/wasaaraha cusub waxey u muuqataa amaba dadka qaarkii leeyahiin madaxweynaha ma ahan nin go,aan rasmi ah si sahlan u qaadan kara. qaar kale oo bulshada ka mid ah waxey leeyahiin iyaguna ilaah ayaa xukmiyey in uu xilkaan ku guuleysto maahane maba aheyn nin ay u diyaarsaneyd shaqsiyaadkii hadii uu guuleysto dalkaan la dejin lahaa.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Mogdishuna waxey sheegayaan in ay aad u dhaw tahay xiligii lagu dhawaaqi lahaa wasiirka 1aad. warar is qilaafsan ayaa ka soo baxay qaabka loogu dhawaaqayo r/wasaaraha cusub.

Ma jirto rajo badan oo muujineysa inuu wasiirka 1aad ka imaan doono Puntland waxeyna sida muuqata reer Puntland kusoo aruureen kala doorashada dhawr shaqsi oo ka soo jeeda beesha Mariixaan sidii midkii ay iyagu wax uga heli karaan ugu ololeeyaan.

Madaxweynaha cusub ayaa lagu soo waramayaa in ay hada miiska u saran tahay warqadii uu ku magacaabi lahaa shaqsigii wadanka ka noqon lahaa wasiirka 1aad 4ta sano ee soo socota waa hadii ay qilaaf ka bad baadaan xukumada cusub.shaqsiyaadka la saadaalinayo in uu midkood ku guuleysan doono xilkaan culus waxey kala yahiin

1- Mohamed Cabdullaahi Mohamed Farmaajo oo ay inta badan Soomaalidu aad u jecel yahiin inuu dalka Soomaaliya mar labaad ka noqdo wasiirka 1aad ahne ruux heysta taageero xoogan oo dhinaca shacabka ah, waxaana siweyn Farmaajo uga soo horjeeda C/wali Gaas iyo koox golahiisa wasiirada ee waqtigooda dhamaaday ka tirsanaa sida wasiirka qorsheynta, wasiirka Arimaha gudaha iyo wasiirka Dastuurka oo dhamaantood hada ku biiray baarlamaanka cusub iyo ugu danbeyn madaxweynaha Puntland Faroole.

2- Qofka labaad waa shaqsi magaciisa lagu soo gaabiyey Magan oo mudo ku soo jiray siyaasada kana mid ah xildhibaanada cusub ee baarlamaanka waana shaqsi aan wax badan dhaamin Farmaajo oo wanaag badan lagu sheegay iyo dal jecel waxuuna Farmaajo kaka duwan yahay dhinaca qibrada maadaama uu horey uga mid ahaa diplomaasiyiintii Soomaaliyeed ee ka shaqeyn jiray safaarada ay Soomaaliya ku laheyd Mareykanka. Magan ayaa la sheegayaa in ay wax badan iskaka mid ayhiin madaxweynaha cusub waxaana ka go,an inuu mar uun arko Soomaaliya oo nabad ah sida dadka yaqaana xildhibaanka qireen.

3- Shaqsigan waxaa la yiraahdaa Doodishe waana saaxiibka ugu dhaw saaxiibada madaxweynaha kana tirsanaa xisbiga madaxweynaha cusub wax intaas dhaafsiisan kama heyno oo aan ka aheyn inuu yahay aqoon yahayn Soomaaliyeed.

Sikastaba madaxweynaha cusub aad ayuu ula daahay ku dhawaaqida wasiirka 1aad inkasta oo uu heysto mudo 30 maalmood ah gudahooda inuu ku soo magacaabo r/wasaare sida sharciga dhigayo hadane waxaa 30 maalmood sugi kara bulsho ku nool wadan nabad ah ma ahan dal Soomaaliya oo kale ah waxeyna aheyd in xiligaan lagu mashquulo dhismaha xukumada oo laga gudbo ku dhawaaqida wasiirka 1aad maadaama uu aad u soo dhaw yahay burburka kooxda Shabaab oo degaanada laga sifeeyo u baahan maamulo sidii looga hirgalin lahaa.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,599,806 unique visits