Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wasiirka cusub ee Kheyraadka Dr C/risaaq Cumar Mohamed maka bad baadi doonaa fashilkii ku dhacay wasiiradii isaga ka horeeyey ee reer Hiiraan

Wararka MaantaHS:- Kadib markii maanta cod aqlabiyad leh lagu ansaxiyey xukumada cusub ayaanu u guur galnay bal taageerada uu wasiirka cusub ee Kheyraadka ka heli karo bulshada Hiiraan iyo wax uu kaka duwan yahay wasiiradii isaga ka horeeyey ee ka tirsanaa xukumadahii kala duwanaa ee dalka Soo maray una badnaa kumeel gaarka.

Hadaba waxaanu isku dayi doonaa in aan bulshada u dul marno bal waxii fashiliyey wasiiradii ka horeeyey wasiirkaan cusub ee Kheyraadka iyo isbedelka laga filan karo mustaqbalka dhaw siiba 4ta sano ee inagu soo aadan waa hadii uu Wad ka bad baadee.

Inkasta oo ay bulshada Hiiraan soo mareen masuuliyiin fara badan waxii ka danbeeyey burburkii ku habsaday dalka Soomaaliya waxii ka danbeeyey 1990-kii hadane inta badan dib ugu noqon meyno dhamaantood iyo waxii ay soo qabteen iyo waxa ay ku fashilmeen laakinse waxaanu dul mari doonaa 3dii wasiir ee ugu danbeysay reer Hiiraan gaar ahaan beesha Xawaadle sida

Wasiirkii Amiga qaranka Cabdulaahi Sanbaloolshe oo la soo shaqeeyey cukumadii Cumar Cabdirashiid. wasiirkii waxbarashada iyo Hidaha iyo tacliinta sare Dr Cabdinuur Shiekh Mohamed oo la soo shaqeeyey xukumadii Farmaajo, iyo wasiirkii Qorsheynta Cabdullaahi Godax Bare oo la soo shaqeeyey xukumadii ugu danbeysay ee C/wali Gaas.

1- Wasiirkii Amniga qaranka Cabdulaahi Sanbaloolshe wax badan lagama qori karo waxa kaliya ee ay kuu sheegayaan bulshada Hiiraan mudadii uu ahaa wasiirka amaanka inuu ku guuleystay inuu Shabaabka ku sugan magaalada Bulo Burde gacan ku siin jiray sidii ay halkaas ugu nagaadi lahaayeen mararka qaarkoodna taageero xoogan ayuu u fidin jiray waxeyna dad badan aad u xasuustaan kaalintii uu ka qaatay weerarkii ay ciidamada dowlada ku qaadeen magaalada Bulo Burde xiligaas oo uu ciidamada hogaaminayey Gen Muqtaar, wasiirka amaanka Sanbaloolshe ayaa dagaalkaas uga qeyb qaatay dhanka telefonka xili ay isaga iyo gudoomiyahii gobolka Hiiraan Cbadiraxmaan Ibraahim Macow oo Mogdishu aaday markii la xasuuqay waxgaradkii Hiiraan Jun/18/2009 ayaa labadoodaba dagaalkaas siweyn uga qeyb qaatay iyagoo dhiiragalinaya ciidamadii Shabaab ee ku sugnaa magaalada Bulo Burde.

Sikasta oo ay ahaataba wasiirka Amaanka Shanbaloolshe kuma qaldaneyn inuu Shabaabka Bulo Burde difaaco maadaama madaxweynahii xiligaas jiray Shiikh Shariif ka doorbidayey in Shabaab heystaan magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan halkii ay ciidamada dowlada qabsan lahaayeen, isagoona dhaqaalo ku bixin jiray una isticmaali jiray hadba wasiirkii markaas la jooga.

2- Wasiirkii waxbarashada Dr Cabdi Nuur Shiikh, waxuu ahaa aqoonyahan doonayey kaliya inuu ka mid noqdo xukumadii Farmaajo mana aheyn ninkii xiligaas reer Hiiraan amaba beesha Xawaadle wasiir ku noqon lahaa dhawr arimood oo is biirsaday aawadood.

a) Ma aheyn nin siweyn u kala yaqiinay Hiiraan maadaama uu ku soo bar baaray koofurta Soomaaliya siiba gobolka J/dhexe.

b)Dhibaatooyinka laga dhaxlay 4.5 waxaa ka mid ah waxuu qofku waayadii danbe wax ku noqonayey reer hebel ma yahay lama dhaheyn degaanka wax ka qabashada u baahan ma ku soo barbaaray shaqsigaan iyo wax la mid ah taasina waxey keentay inuu go,aan rasmi ah qaadan waayo xili waliba inta badan waxgaradka, aqoonyahanada iyo culimada reer Hiiraan dhisteen maamul goboleed ugu yaraan loo maray wado macquul ah oo la yiraahdo Hiiraan State.

c) Waxuu ahaa shaqsi wadanka wax badan ka maqnaa taasina waxey keentay markii xilka loo magacaabay in ay waqti qaatatay lagu barto ilaa uu markii danbe isagoo waxbo qaban la dhacay xukumadii afka ciida loo daray ee Farmaajo sidaasna qadkii siyaasada Soomaaliya uga baxay mana heyno wax intaan dhaafsiisan oo aanu ka qori karno wasiirkii hore ee waxbarashada.

3-Wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdullaahi Godax Bare waxaa uu qeyrka ku jiraa in aan wax laga qorin waxaana ku soo gaabineynaa ka hadalkiisa inuu ahaa shaqsigii ugu siyaasada xumaa ee reer Hiiraan soo mara dabcan wuu qirsan yahay shaqsi ahaan,laakinse waxuu hada siyaasada ugu jiraa il adeygii reer Muduga oo kale oo waxuu hada ka mid yahay tiro yar oo mucaarad ku ah xukumadaan cusub oo waxey doon wada saaran yahiin wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh oo xukumada cusub u mucaaradayo kaliya maxaa Leylkase xil wasiir loo siin waayey laakinse Godax waxuu u mucaaradayaa maxaan wasiir u noqon waayey aniga.

Dhacdooyinka la xasuusto mudadii uu joogay Mr Godax

1-Maamul u sameyntii Hiiraan waxuu mucaaraday Hiiraan State oo u wax ka soo dhisay kadib markii uu ku fashilmay in uu noqdo madaxweynaha Hiiraan.

2- Siyaasada waa lagu kala aragti duwanaan karaa mar hadii uu diiday Hiiraan State si fiican ulama shaqeyn dhalinyaradii Shabaab ka xoreeyey magaalada B/weyne iyagoo dhaawacooda yaalo isbitaalka guud ee magaalada B/weyne ayuu booqasho ku tagay halkaas xili ay diif xoogan ka muuqato ciidamada xaq u dirirka Hiiraan waxuuna si lama filaan ah jeebka ugala soo baxay nin uu leeyahay waxaan ka dhigayaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan xili ay bulsahdu isku day sameysay oo ay doonayeen iney helaan maamul goboleed. madaxweyne Shariif oo Hiiraan xiligaas dagaal kula jiray waxuu ugu danbeyn ku dhiiraday inuu Hiiraan u soo magacaabo gudoomiye gobol maadaama wasiirka qorsheynta ay kaka dhagtay gudoomiye gobol.

3-Wasiirkii hore ee qorsheynta waxuu gabo qaad u ahaa r/wasaare Gaas oo Soomaalida taqaano ku sifeeyeen qabiiliste danta beeshiisa iyo mida Puntland kaliya maahane aysan wax kale ku soconeyn, walow la sheegayo in C/wali iyo Mr Godax inuu xiriir dhax maro uu ka danbeeyey nin magaciisa lagu sheegay Saqiir siyaasi oo hore ula soo shaqeeyey kooxdii maana feesto kuna dheereeya jahwareerinta siyaasiyiinta cusub.

Maanta iyo wasiirka cusub ee Kheyraadka Dr C/risaaq Cumar Mohamed oo mateleya dhamaan reer Hiiraan halkii kuwii hore ay meteli jireen beel gaar ah ma laga yaabaa inuu ka bad baado fashilkii ku dhacay kuwii isaga ka horeeyey?.

Wasiirka Kheyraadka wax badan ayuu ka duwan yahay kuwii aanu kor ku soo sheegnay.

1-Waa nin ka dheregsan wacyiga jira Soomaalinimadiisa iyo reer Hiiraanimadiisana leysku haleyn karo inta samaha jecel ee dooneysa in ay reer Hiiraan ka baxaan duliga iyo siyaasad xumidana u ogol yahiin iney waqti siiyaan lagu kala ogaado wax qabadkiisa iyo wax qabad la,aantiisa.

Howsha ugu culus ee ay iska indha tireen wasiiradii ka horeeyey isaga ee looga fadhiyo.

Waxaa jira maahmaah caan ah oo ay dagaaladii sokeeye beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed u tiriyeen reer Hiiraan taasi oo aheyd Dabadaadiyoon dadneyn in aad dabo kale dedaa waa wax ula jeedo oo laga waday siyaasiyiintii reer Hiiraan ee waqtigaasi jiray oo la kala safan Ceydiid iyo Cali Mahdi xili looga fadhiyey iney degaankooda iyo dadkooda wax taraan oo ay gurigooda habeystaan.

Hiiraan iyo arimaha maanta u baahan in wax laga qabto oo laga howl galo.

Reer Hiiraan waxey dowlada cusub taageero siin karaan marka uu deegaankooda yahay nabad kana jiro maamul goboleed xoogan maadama ay ku taalo halboowlaha wadanka waxaa wasiirka cusub looga fadhiyaa sidii Hiiraan looga hirgalin lahaa maamul goboleed xoogan ayna wada shaqeyn kala dhaxeyso xukumada cusub, hadii wasiirka uusan arintaas masuuliyad iska saarina waxuu marayaa meeshii ay mareen kuwii isaga ka horeeyey.

Isku soo duuboo wasiiradii aan horey uga soo hadalnay waxaa ku jiray qaar caruurtooda geystay degaano ay nabadeysteen dad iyagoo kale ah halka ay ku aamini waayeen Hiiraan oo la garanayo qiimaha ay u leetahay bulshada Soomaaliyeed.

La soco qeybteena labaad iyo xaalada siyaasiyiinta cusub ee Hiiraan ka soo jeeda siiba xildhibaanada reer Hiiraan ee maanta jooga.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,613,500 unique visits