Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Magaalada Gaarisa oo ka mid ah magaaloyinka waaweyn ee dhulka ay degaan

Wararka MaantaHS:- Dalka Kenya gaar ahaan gobolka waqooyi Bari waxaa ku nool Soomaali badan waxeyna waligood ahaayeen dad ay ka dhaxeyso Soomaalinimo hadafkooda ugu weyna waxuu ahaa inta laga helayo Soomaaliweyn in ay qaabkasta oo macquul ah kula noolaadaan qowmiyadaha kale ee wadankaas ku nool sida Kuukuuyada, Masaayda, Turkaanaha iyo wax la mid ah.

Hadaba marka xaalada la eego heerka ay maanta mareyso ma ahan sidii hore iyo wax u dhaw tan iyo markii ay ciidamada kenya galeen gobolada Jubooyinka iyo Gedo waxaana gudaha dhulka ay Soomaalida degaan ee waqooyi bari ka taagan jahwareer siyaasadeed siiba magaalada Gaarisa oo sida warar sugan lagu helayo ay ka jirto fikir kala duwanaan dhinaca siyaasada ah.

Arintaan kuma eka oo kaliya shacabka ee waxey saameyn ku yeelatay booliska magaalada hadii ay ciidamada Kenya sii joogaan dalka Soomaaliya iyagoo garab siinaya qeyb ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo sida ay gudaha wadanka u degaan Kenyana u dega waxey halis ugu jiraan qabiilada degan dhulka waqooyi Bari Kenya in qabiilkasta degaankiisa xirto oo la waayo qabiil kale oo dhax mara sidaasina ku bilaawdo dagaal sokeeye oo wada gaara wadamada bariga Africa gaar haan meelaha ay u badan yahiin Soomaalida.

Sida ay wax u socdaan hadii aysan dowlada kenya cadeyn mowqifkeeda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya oo loo arko iney hubeyneyso mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed amaba aysan arimaha Jubooyinka faraha ugu qaadin dadka halkaas degan iyo xukumada cusub gudaha wadankeeda ayey ka arki doonaan qalalaasaha kadibna si wanaagsan ayey dowlada kenya iyo siyaasiyiinta beesha Absame isku arki doonaan ayuu yiri nin magaciisa ku soo gaabiyey Xuseen kana soo jeeda qabiilkii uu ka dhashay siyaasigii ay diyaarada la dhacday ee lagu magaabi jiray Khalif.

Sikastaba dowlada Kenya waxey faraha la gashay qalalaaso siyaasadeed xaaladuna hada maba joogto dagaal Shabaab iyo Al qacida midna ee waa dagaal al doonayo in beelo gaar ah lagu hubeeyo qeyb ka mid ah dalka Soomaaliya.

Marka laga soo tago qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dhulka waqooyi bari ee kenya Soomaalida degan,xukumada cusub ee Soomaaliya ayaa iyaduna ciyaareysa siyaasado aad cajiib u ah oo dowlada Kenya ka dhigaya wadan ku soo duulay dal kale kadib markii maanta R/wasaaraha Soomaaliya ciyaaray siyaasad aad loola dhacay kadib markii uu sheegay ineysan jirin cid la qasbayo xukumaduna ogoshay cidii sameysaneysa oo ku heshiineysa maamul goboleed ku yimid rabitaanka shacabka.

Isku soo duuboo colaad kasta waqti ayey leetahay waxeyna u muuqataa in colaadii Soomaaliya ka jirtay 22-kii sano ee ina dhaaftay hada u wareegi rabto Kenya. ma ahan markii ugu horeysay ee dalka nabdoon inta ciidamo u diro wadan kale ay colaadii isaga dib ugu soo laabato waxaana jira dowlado dhawr ah oo qaarada Africa ka tirsan oo sidan oo kale ay ugu bilaawdeen dagaalo sokeeye oo wada gaaray dhawr wadan oo ay markaasi degan yahiin dad intooda badan isku midab iyo jinsiyad ah.

La soco xaalada gobolka waqooyi bari Kenya iyo jahwareerka siyaasadeed oo ka dhax taagan Soomaalida halkaas degan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,588,876 unique visits