Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
marisolss60

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Magaalooyinka Jowhar iyo Bulo Burde oo qarka u saaran in ay ka bxaan gacanta

Wararka MaantaHS:- Ciidamo ka tirsan xarakada Shabaab ayaa maanta galinkii danbe iskaka soo baxay inta badan gobolka Galduud kuwaasi oo ku sii qulqulaya magaalada istiraatiijigaa ee Bulo Burde si ay u difaacdaan. arintaan ayaa timid kadib markii ay kooxda culeysyo xoogan kala kulmeen 24-kii saac ee ugu danbeeyey ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Sh/dhexe oo siweyn ugu sii siqaya magaalada Jowhar.

Inkasta oo aysan kooxda Shabaab culeys weyn ka heysan dhinaca Hiiraan oo ciidamada jogaa halkaas ay ku faraxsan yahiin joogitaanka magaalada B/weyne oo kaliya oo ay ku heystaan nolol fiican siiba ciidamada ka socda Jabouti iyo kuwa Ethiopia shacabkana ay saareen bandoow joogto ah, hadane waxaa jira dhalinyaro badan oo ka tirsan Shabaab oo doonaya iney is dhiibaan laakinse sheegay iney naftooda ku aamini karin maamulka hada ka arimiya Hiiraan oo ay u arkaan koox iyagoo kale ah ayna doonayaan siyaasiyiin iyo waxgarad damaanad qaada noloshooda dhalinyaradaan oo halkaas diyaar ku ah marka uu dagaalka bilaawdo iney is dhiibaan.

Sikastaba sii joogitaanka Shabaab ee Hiiraan iyo Sh/dhexe waa sitimaano hadeysanba maalmo aheyn.La soco wararkeena danbe iyo Shabaab oo hada ku soo aruuray qeybo ka tirsan Hiiraan siiba magaalada Bulo Burde iyo nawaaxigeeda oo ah degaanada kaliya ee aysan dalka Soomaaliya dagaal rasmi ah kaka furneyn.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.99 seconds
14,667,320 unique visits