Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Xafiiska siyaasada Soomaaliya laga maamuli jiray ee UNPOS oo ay soo food saartay shaqo la,aan

Wararka MaantaHS:- Wadanka Kenya oo ahaa dalkii 21-kii sano ee ugu danbeysay laga maamulayey arimaha Soomaaliya waxaa ku yaala xafiiska UNPOS oo 10-kii sano ee ugu danbeysay xiligii lagu jiray kumeel gaarka ay madax ka soo noqdeen wakiilo ka socday QM sida Walad Cabdalla iyo Mahiga oo hada haya xilkaas.

Tan iyo waxii ka danbeeyey doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo tii gudoomiyaha baarlamaanka,dalka Soomaaliya wxuu galay jawi siyaasadeed aad uga duwan kuwii ay beesha caalamka horey u arki jirtay.

Bal aan dulmarno warbixin xaqiiqada u dhaw oo aanu ka soo aruurinay qaabkii ay u shaqeyn jireen shaqaalaha xafiiska UNPOS xiligii ay jogeen labada Shariif iyo qaabka uu u shaqeeyo maanta.



Xafiiska UNPOS xiligii ay joogeen labada Shariif amaba lagu jiray kumeel gaarka waxaa ka socday arimo badan oo aan shaqo ku laheyn siyaasada waxaana jiray hay'addo loogu daneynayey shaqsiyaad iskugu jiro Soomaali iyo ajnabi waxaana bishii ku bixi jiray arimaha Soomaaliya malaayiin dolar oo sida la sheego ku bixi jirtay madaxdii xiligaas jirtay iyadoona maalinkasta ay dalka Soomaaliya ku bixi jirtay 100 kun oo dolar oo loo isticmaali jiray diyaaradaha ay raaci jireen xukumadahii ugu danbeeyey ee ay kala hogaaminayeen Farmaajo iyo C/wali Gaas.

Sidoo kale waxaa bilkasta Hotelada kenya oo lagula kulmi jiray madaxdii Soomaalida aheyd loo qori jiray kumanaan dolar oo magaca Soomaaliya ku bixi jiray xili ay shacabka Soomaaliyeed dhibanaayeen.

Waxaa jiray dhaqaaalo ku bixi jiray shaqsiyaad aanu ka xusi karno Shariif Hasan oo mudo dhawr sano ah Hotel ku yaala bartamaha magaalada Nairobi uu u kireysnaa. sidoo kale madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shiikh shariif iyo hadba wasiirkiisa 1aad ee uu soo magacaabo waxey iskugu faani jireen hadba inta safar ee ay galaan bishii iyo wadamada ay booqdaan iyagoo midba midka kale tusin jiray sawiro isagoo dhex saaran gudaha diyaarada siiba xiligii ay bulshada Soomaaliyeed ku dhufteen abaarta daran ee ay macluusha u dhimanayeen.

Hadaba maanta xakuu xaal marayaa tan iyo markii ay wadanka la wareegeen xukumadan cusub ee uu garwadeenka ka yahay R/wasaare aacid?

Inkasta oo warbixintaan Soomaali badan xili danbe maqli doonaan xaqiiqadeeda waxaa jira walwal fara badan oo soo food saaray shirkadahii diyaaradaha horey iyo gadaal u qaadi jiray madaxii xiligaas jirtay oo diyaaradaha looga kireyn jiray sidii baabuurkii oo kale dhaqaalo badana ka heli jiray safaradaas kuwaasi oo xafiisyo waaweyn ku leh dalka Kenya iyo dhawr wadan oo bariga Africa ku yaala.



Xafiiska UNPOS oo howlo badan ku dhax watay safaradaas iyo kooxo u badan NGO-yo degan xaafada Giri Giri ayey saameyn ku yeelatay arintaan taasi oo meesha ka saartay malaayiin dolar oo bilkasta ku bixi jirtay Soomaaliya in ay hada aad u adag tahay marka la eego qodobada hoos ku qoran.

1- Waxaa aad u yaraaday safaradii ay madaxda dalka ku tagi jireen Kenya iyo Hoteladii lagula kulmi jiray tan iyo waxii ka danbeeyey dhismahii xukumadaan cusub.

2-Madaxa jamhuuriyada Soomaaliya oo qofkii iyaga doonaya hada u muuqda kuwo kula kulmaya caasimada Soomaaliya halkii ay iyagu u safri jireen wadamo kale dhaqaalaha shirarka lagu qabtona geyn jireen.

3- Dowladaan oo wax badan ka duwan midii hore maadaama ay golaha wasiirada cusub ay aad uga yar yahiin kuwii hore.

4- Madaxda qaranka oo u muuqda kuwo u naxaya shacabka oo bulshada ka ilaalinaya qilaaf iyaga dhexdooda ah taasi oo keentay in midkastaba uu howshiisa u wato sidii la rabay marka la eego sida uu madaxweynaha u shaqeynayo, r/wasaraha iyo golahiisa cusub ee wasiirada howshooda u wataan, iyo waliba baarlamaanka cusub oo kulamadooda ay socdaan halkii waayadii hore bulshada shaki kaka jiray in uu dalka Soomaaliya leeyahay baarlamaan iyo in kale oo uu intiisa badan iska xirnaan jiray kaliyana la furi jiray marka dano shisheeye la fulinayo in la meel mariyo sida Arimahii bada Soomaaliya, ridida xukumadahii hadba markaasi jiray iyo wax la mid ah.

Qatarta aan wali wax laga qaban ee jirta lagana yaabo iney sii socoto waa in dhamaan safaaraha caalamka dadka dowlada Soomaaliya wakiilka uga ah ay yahiin kuwii la soo shaqeeyey xukumadahii xiligaas jiray walina aaminsan hadafkii ay ku shaqeyn jireen iyo boobkii dalka lagu hayey intooda badan waxaa ka jiro muran badan oo waxaa isku heysta shaqsiyaad uu waraaqo u qoray r/wasaarahii ugu danbeeyey oo isagu wadamada qaarkood dhawr qof u magacabay qunsul iyo safiiro wadamada ay maanta ka taagan tahay dhibta ugu badana waxaa ka mid ah dalalka Kenya, Shiinaha, Yurub, QM, Ethiopia oo dhamaantood markaad u guur kasho ay joogaan shaqsiyaad meesha is laheysiiyey hadii aan wajiyo cusub oo xukumadan la jaan qaado la helina ay adkaan doonto in arimaha dibada wax badan oo guul ah laga gaaro maadaama wadamada qaarkood ay mudo10 sano ka badan safiiro ka yahiin shaqsiyaad aan xal doon aheyn oo aan waliba wax ka qaban karin dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka ay jogaan.

Isku soo duuboo marka la eego xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya sanad ka hor meeshii ay joogtay iyo maanta heerka ay mareyso ma ahan wax leys bar bar dhigi karo. hadii xukumadaan tirada yar loodaayo howlaheeda iney u gudato sidii la rabay wasiirada cusubna ay xukumada gaarsiiyaan degaanada ay ka soo jeedaan mudanayaasha baarlamaankane loo sameeyo iney ku dhaqmaan heer hoosaad si loo xakameeyo in ka badan 12 ka mid ahaa wasiiradii xukumadii C/wali Gaas oo hada noqday xildhibaano gudaha baarlamaankana ka wada olole lagu fashilinayo xukumada cusub.

Wasiiradaan iyo r/wasarahii hogaaminayey C/wali Gaas ayaa intooda badan hada ku fashilmay qorshe ay ku doonayeen in lagu siiyo dhaqaalo fara badan iyadoo midkasta markii uu xafiiska wareejineyey sheegtay in ay jirto deyn lagu leeyahay wasaarada uu madaxda ka yahay, halka qaarkoodna aysan jirin waraaqo cadeyn ah oo muujinaya iney deyntaas qabaan iyo in kale.

Sikastaba dhaqaalo xumida soo food saartay xafiiska QM u qaabilsanaa arimaha siyaasada ee UNPOS waxey bilaaw fiican u tahay mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed iyo waliba in xal loo helo mushkilada dalka Soomaaliya oo inteeda badan laga maamuli jiray dalka Kenya siiba xaafada Giri Gir oo ah xarunta lagu miirto dhiiga shacabka Soomaaliyeed. waxaa wali jiro arimo badan oo aan wax laga qaban gacanta Qaramada Miidoobayna ku jira sida iney wali maamulaan hawada Soomaaliya oo sanadkii laga helo dhaqaalo kor u dhaafaya 100 Million oo dolar.

Ceebtii ay la soo kulmeen siyaasiyiinta Soomaalida ee dalka hogaaminayey xiliyadii lagu jiray kumeel gaarka waxaa ugu weynaa wasiir looga yeerayo Kenya oo hadane la kulmaya shaqsiyaad u shaqeeya NGO.madaxweyne la fadhiisanaya gudoomiye maamul goboleed loogu yeerayo madaxweyne sida Faroole iyo wax la mid ah.R/wasaare iyo madaxweyne hal diyaarad leysla saarayo oo looga yeerayo Kenya.shirkado aan la garaneyn meesha ay ka diiwaan gashan yahiin oo saxiix lala galayo.masuuliyiin dalkooda burbursan yahay oo horey iyo gadaal safaro u aadayo wadamo ay nabadeysteen umado kale iskuna sawirayo meelaha qur qurxan.

Laakinse markaad eegto shirkii dhawaan ka dhacay dalka Jabouti ee ay dowlada Soomaaliya uga qeyb gashay wasiirka arimah dibada Marwo Fowziya wax badan ayuu ka duwanaa kuwii aan horey u arki jirnay.

1- Ma jirin dad badan oo ku wehliyey wasiirada safarka halkii wasiiradii iyada ka horeyey hal diyaarad buuxin jireen.

2- Madaxdii ka socotay wadamada Islaamka ayaa aad u dareemay in waftigaan Soomaaliya ka yimid wax badan ka duwan yahay kuwii ay horey u arki jireen.

3- Dowlada jabouti qudheeda wax badan oo ay horey u arki jirtay ayaan hada u muuqan.

4-Ma jiraan wasiiro ilaa hada markii la dhaariyey dib ugu soo laabtay wadamadii ay ka tageen halkii ay kuwii iyaga ka horeeyey qurba joogta soo waci jireen kana codsan jireen in loo sameeyo xaflado waaweyn.

Isku soo duuboo Soomaaliya waa cusub ayaa u baryey sida warar xaqiiqada u dhaw lagu helayana shirkado waaweyn oo ka socda dowlado badan ayaa daneynaya sidii ay u maal gashan lahaayeen dalka Soomaaliya halka ay ku wajahan yahiin madax ilaa heer madaxweyne ah oo ka socda dowladaha reer galbeedka iyo dowlada Turkiga oo dalka Soomaaliya dooneyso in ay galiso ganacsi lagu qiyaasay 3 Bilion dolar iskuku jira dib u dhis iyo ka faa'ideysiga qeyraadka dalka hadii la helo xukumad aragti fog oo la jaan qaada isbedelka siyaasadeed ee ka jira caalamka.

Sidoo kale xukuamdan cusub ayaa noqoneysa xukumadii ugu horeysay ee si toos ah dhaqaalaha ay ugu deeqaan dowladah asaaxiibka la ah Soomaaliya iyagoo aan meel kale u soo marsiin la siinayo dhawaan.

La soco wararkeena danbe iyo xaalada arimaha Soomaaliya hadba heerka ay joogaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,606,181 unique visits