Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka oo siweyn looga qeyliyey hab dhaqankooda

Wararka MaantaHS:-Inkastoo dad badani oo isugu jiray siyaasiyiin, aqoonyahano, culumaa'udiin, waxgarad, haween, madax dhaqameed iyo dhallinyaro ay horay su'aalo ballaaran uga keeneen habkii lagu soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo waxa laga fili karayo Golahaasi, ayaa haatan waxaa markii ugu horeysay soo if baxay shakigii laga muujinayay Baarlamaankaasi ee isagu ku dhisan nidaamka loo yaqaano 4.5.

Laga soo bilaabo fadhiyadii ugu horeeyay ee Baarlamaanka ugu suuragashay inuu ku qabsado xarunta Dugsiga sare ee Booliska ilaa iyo hadda oo ay shirarkoodu ka socdaan xarunta Golaha Shacabka waxa ay soo mareen maraaxiil kala duduwan, kuwaasi oo lagu macneeyo inay qeyb ka ahaayeen howl gudashadii hor tiilay Golahaasi, ha yeeshee wejigii runta ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu dibadda yimid maalintii shalayto ahayd, kaddib markii ay soo bandhigeen damacooda ku aadan sidii ay lacago fara badan u heli lahaayeen.



275-ta Xildhibaan ee uu Baarlamaanku ka kooban yahay oo la filayay inay u badan yihiin dad urursaday aqoon, waaya aragnimo isla markaana ah dad xog-ogaalnimo dheeri ah u leh xaaladda dalkooda iyo duruufaha ay ku nool yihiin dadkooda ayaa haatan u muuqda inay yihiin mudanayaal daneystayaal ah oo aan ka naxeynin dhaqaalaha kooban ee geyigooda iyo dhibaatooyinka nololeed ee bulshadooda dabada heysata, taana waxaa caddeynaya sida ay shalay ugu dhiiradeen inay isu qoraan in Xildhibaan walba uu qaato bishii lacag dhan $3,500 (Saddex kun iyo Shan Boqol Dollar).

Ma jirto qof lacag diideysa, hase yeeshee waxaa isweydiin mudan Soomaaliya oo dhaqaalaheedu dhulka ku dhacay isla markaana ku nool kaalmooyin shisheeye halkee bay Xildhibaanada Baarlamaanka uga keeni doontaa lacagaha faraha badan oo ay qorteen, waxaana layaab leh halkii Baarlamaanka laga sugayay inuu horseed ka noqdo wax beeqaaminta iyo la xisaabtanka xukuumada inuu iminka isu bedelay mid hoggaamiye ka noqonaya sidii waxa yar ee dalka soo gala jeebabka loogu kala shuban lahaa.

Waa damac dheeri waalan, waa xilkasnimo darro, waa teyda ha ii ahaato oo kaliya, waa dal iyo dad maxaa iga galay, waa daneysi kooxeed, waa caqli darro aan qiil loo heleynin, waana nasiib darro ugub oo soo wajahday Dowladda Federaalka Soomaaliya mar haddii odayaashii iyo hablihii loo xil hayay ay leeyihiin iyadoo xilligaan adag lagu jiro sodonkii cishaba hala siiyo mid kasta oo naga tirsan Shan Kun Dollar ku dhowaad, arrintaan ayaa Baarlamaanka ka dhigeysa in dib looga fiirsado kalsoonidii hore ee lagu qabay.

Waa sax, waana mudan yahay in Xildhibaanka Soomaaliyeed oo ah mas'uul Qaran inuu u baahan yahay lacago uu ku maareeyo naftiisa, qoyskiisa, ilaaladiisa iyo asxaabta u soo shaxaad tageysa iyo dhaqaalihii uu ugu adeegi lahaa ummadiisa, balse waxaa marnaba macquul noqoneynin inay Xildhibaanada Soomaaliya sheegtaan wax aan socon karin, waxaana taa bedelkeed ka haboon inay Xildhibaanadu dib ula laabtaan damacooda saa'idka ah, sidoo kalena ay la yimaadaan wax dadka iyo dalkaba u cuntami kara waxaana wanaagsan inay mudanayaashu xusuusnaadaan mah-maahdii ahayd "Suus halkii uu ka beegmo ayaa laga miistaa", sidaasi daraadeed Baarlamaanku ha isweydiiyo Soomaaliya maka go'daa miisaamiyadda faraha badan ee ay mushaar ahaanta u rabaan in loo siiyo, waxaana qalad ah in xildhibaanada Soomaaliyeed ay fiiriyaan lacagaha faraha badan oo ay qaataan qaar asaagooda ka mid ah oo Baarlamaanka dunida ka shaqeeya.

Sidaasi daraadeed ay iyaguna lacago fara badan qortaan, balse xildhibaanada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay horta isweydiiyaan Soomaaliya iyo wadamada kale ee dhaqaalahoodu hor maray ma isku itaal dhaqaale baa? jawaabtu haddii ay MAYA tahay waxaa Xildhibaanadeena la gudboon inay candhuuftooda dib u laqaan isla markaana ay dib uga soo laabtaan mushaarka u eg waallida oo kale oo ay qorteen.

Saddex Kun iyo Shan Boqol Dollar waa lacag aad u fara badan oo qeyru caadi ah marka loo fiiriyo xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya, waxaana xaqiiqo ah haddii ay Xildhibaanada Baarlamaanku meel marsadaan in Mudane walba uu u soo xaadiro $3,500 shantii toddobaadba mar inay tani noqoneyso mushaarkii ugu faraha badnaa oo abid laga bixiyo Soomaaliya lana siiyo howl-wadeen dowladeed.

Baarlamaanadii hore ee Soomaaliya soo maray sida kii Carte iyo kii TFG-da waxa ay wax ku qaadan jireen hadba sida ay xaaladu tahay, mana jirin gunno u go'an oo ay ku xisaabtami jireen, waxaana Baarlamaanadaasi mararka qaarkood la soo gudboonaan jirtay gunno la'aan taasi oo ay ku qanacsanaayeen maadaama ay xog-ogaal u ahaayeen hadba marxaladii la joogo, way jirtay in Baarlamaankii tirada badnaa ee dhowaan wakhtigiisa uu dhammaaday in bilaha qaar la siin jiray $ 900, halka markii dambena laga gaarsiiyay $1800, walow aanay lacagtaasi si toos ah u wada heli jirin.

Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo Wasiirkooda Maaliyadda waxaa horyaala imtixaan adag oo ku aadan halka ay Baarlamaankaan uga keeni doonaan mushaarka ay isa siiyeen, waxaana shaki ku jirin in deeqaha dadka masaakiinta ah loogu talo galay in badan oo ka mid ah in loo weecin doono Golaha Baarlamaanka si Xildhibaanada uu hungurigu weynaaday mushaar looga dhigo, haddii kale waxaa suurtagal ah inay jalaafeeyaan habsami u socodka Dowladda Federaalka dalka Soomaaliya, iyagoo keenaya mooshinno dhan ka ah cidii isku dayda inay u caqli celiso si meel dhexe la isugu keeno baahida ay qabaan xildhibaanada ma xishoodayaasha noqday iyo dhibaatada dhaqan dhaqaale ee ku hareereysan Dowladda curdanka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Garguurte.

Shalay markii ay warbaahintu sii deysay arrintaan ku aadan mushaarada Baarlamaanka ayaa koox dad ah oo aan meel radio ka wada dhageysaneynay waxaa mar kaliya afkooda ka soo baxay ereyo ay ku haaraamayeen Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ereyadaasi ka mid ahaa oo aan ka xasuusan karaa halku-dhigga aan qormadaan u qaatay ee ah xildhibaanadii shalay xil-doonka ahaa maanta ma waxay noqdeen dhaqaale-doon?!!, taasi oo markii aan ruug ruugay ila noqotay tilmaan dhab ka hadal ah oo u baahan in laga sameeyo qoraal bulshada loogu soo bandhigayo si ay arrimahaan mushaar qaadashada Baarlamaanka xog-ogaal ugu noqdaan iyo dhibaatooyinka ku hareereysan.

Waxaa Qoray:
Jabriil M. Nor (Jabra)
jabriil37@hotmail.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,613,604 unique visits