Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo dowlada weydiistay iney ka caawiso

Wararka MaantaHS:-Dalka Soomaaliya waxuu ka mid yahay wadamada aduunka marka laga sheegeynayo siyaasadiisa beesha caalamku ku jahwareereen hogaamiyaasha badanaa ka taliya hadey noqon lahaayeen kuwo dalka hogaamiya amaba gobolada uu dalkaasi leeyahay.

Hadaba marka la eego baaxada iyo qeyraadka uu ilaah ku madneystay iyo ganacsatada ka soo jeeda degaankaas oo hanti wanaagsan ku heysta gudaha iyo dibada Hiiraan qofkii aan xog ogaal u aheyn arimaha Hiiraan waxaa laga yaabaa inuu dhawr su'aalood isweydiinayo kuwaasi oo ay ka mid yahiin.

1- Maxey tahay ujeedada ka danbeysa ee ay ganacsatada Hiiraan ula shaqeyn waayeen maamulka hada ka jira Hiiraan iyadoo la ogyahay iney wax badan qaban karaan siiba kuwooda hantida ku heysta gudaha Hiiraan?

2- Qaar kale waxey isweydiinayaan waxa ay aqoonyahanada reer Hiiraan safka hore uga gali waayeen arimaha horumarinta iyo wax ka qabashada dhibaatada marar badan laga soo sheego degaanka ay ka soo jeedaan?

3- Waxey qaar bulshada ka mid ah isweydiinayaan waxa maamulka hada Hiiraan ka arimiya ka hortaagan in ay intaas aanu kor ku soo sheegnay garab siiyaan?



Hadaba jawaabta wey iska cadahay Soomaaliduna waxey ku maahmaahaan xalaal maalin cad ayaa la quutaa oo micnaheedu tahay in uusan Hiiraan ka jirin maamul ku yimid rabitaanka shacabka amaba maamul ugu yaraan inta isticmaala awood hanan kara dhamaan degaanada uu ka kooban yahay dhulweynaha Hiiraansidaasina ay bulshadu ku helaan hal maamul oo dhamaantood xakuma oo Hiiraan ka arimiya, taasi bedelkeediina waxey maanta Hiiraan mareysaa qofkii magaalada B/weyne booqasho ku taga ee ka taga degaanada kale ee Hiiraan in ay Shabaab ciqaabaan. qofkii booqasho ku tago degaanada ay maamulaan Shabaabne ay maamulka ka arimiya B/weyne ku tilmaamaan argagixiso taasi oo meesha ka saartay inba ay bulshada Hiiraan gaaraan horumar la taaban karo.

Sidoo kale dib uguma laabaneyno oo horey ayaan ugu soo hadalnay qaabka uu u shaqeeyo maamulka ka arimiya Hiiraan siiba gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa walow ay maamulka ka mid yahiin shaqsiyaad ay daacad ka tahay iney arkaan Hiiraan oo ka mid ah degaanada ugu nabadgalyada badan Soomaaliya kuna jirta dhamaanteed gacanta bulshada Hiiraan amaba leh maamul goboleed xoogan oo ku yimid rabitaanka shacabka Hiiraan waxaana shaqsiyaadkaas ka xusi karnaa afhayeenka maamulka Cagajoof iyo duqa B/weyne Hasan Nuuriye oo iyagu runtii xiligii uu madaxweynaha Soomaaliya booqashada ku tagay magaalada Baydhabo la yiri garoonka diyaaradaha magaalada B/weyne kama soo degi karaan diyaarad oo waxaa burburiyey roobaba oo madaxweynah ama imaanayo, iyagu gacantooda ku qodeen sidaasina madaxweyne Hasan Shiikh ku booqday Hiiraan xiligaasi oo uu gudoomiyaha gobolka Hiiraan dalxiis ku joogay magaalada Dubai kadibna markii uu maqlay in madaxweynaha Soomaaliya booqanayo Hiiraan safar deg deg ah ku tagay Mogdishu halkaasina ka raacay waftigii madaxweynaha oo dhawr saac inta ka hor maray halkaas dhulkii ay biyaha ku fataheen isku soo masawiro.

Hadaba gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta shir kula yeeshey waxgarad iyo shaqaalaha isbitaalka magaalada B/weyne ayaa ka codsatay in dowlada Soomaaliya iyo qurba joogta reer Hiiraan ka qeyb qaataan dadaalo looga hor tagayo in isbitaalka magaalada B/weyne oo ah midka ugu weyn gobolada dhexe ee Soomaaliya uu xirmo kadib markii hayaddii gacanta ku heysay ay ku dhawaaqday iney iskaka tageyso halkaas.

Nasiib wanaag gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee masuuliyada sheeganayo isbitaalkaas ku yaala magaalada galiya ee uu gacanta ku hayo ee B/weyne ee uu u raadinayo dhaqaalaha waxuu dhawaan magaalada Dubai ka soo iibsaday gaari American ah oo sida dadka la shaqeeya xaqiijiyeen ay ku kacday dhaqaalo lagu qiyaasay 100 kun oo dolar kaasi oo loo yaqaano Hummer oo ay aduunyada ka wataan dadka tujaarta ah ee ku nool wadamada ay nabada ka jirto.

Sikastaba inta laga helayo maamul ay gacantooda ku sameynteen reer Hiiraan ee aan Mogdishu laga soo magacaabeyn masuulka hogaaminayo sikasta oo bulshada Hiiraan loo caawin karo waa waajib in loo caawiyo ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka ku nool magaalada B/weyne oo rajeynaya inuu mar uun arko Hiiraan oo ka baxda gacanta kooxaha kala heysta magaalada B/weyne iyo Hiiraan intiisa kale sdia Shabaab iyo Dooxada Shabeelle.

Insha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.52 seconds
14,588,977 unique visits