Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Madaxweynaha Mustaqbalka Prof Warfaa iyo wafti uu hogaaminayo

Wararka MaantaTalaado 8,Feb 2011 (HSOL)- M/weynaha mustaqbalka Somaliya Prof Ahmed M Warfaa iyo wafti uu hogaaminayo oo ku sii jeeda Africa kedib markii uu ololahii u wareegay halkaasi. Prof Warfaa oo ah shaqsiga lagu wado inuu noqdo madaxweynaha Somaliya kedib markii uu helay taageero iyo dhiirigalin kaka timid shacabka Somaliyeed ayaa hada u muuqda shaqsi howshasi ka soo bixi karo.



Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegayo in safarka musharaxa madaxweynenimada Somaliya amaba ninka loogu yeero Somali's next President Prof Ahmed Muumin Warfaa uu CV-kiisa amaba resume-kiisu gaaray Somaliya iyo Africa siiba xafiiska qabanayo araajida musharaxiinta Somaliya.



CV-ka Prof Warfaa ayaa lagu soo waramayaa in la kala garan waayey in uu soo diray CV iyo inuu soo diray Buug la aqriyo waxeyna dadka qaarkii qireen in qibrada Prof Warfaa ay adag tahay in xitaa laga helo ilaa 9 madaxweyne oo soo maray dalka Mareykanka iyo inta badan wadamo Yurub ah.



Mar aanu xiriir la sameynay qaar ka mid ah dadka musharaxa ka ag dhaw ayaa ino xaqiijiyey in ay shacabku la dhaceen qudbadiisii ugu horeysay ee uu ka jeediyey shirkii ugu horeyey ee ka dhacay magaalada Minneapolis.

Qorshaha Prof Warfaa uu ku doonayo hadii uu guuleysto inuu dalka iyo dadka ku badbaadiyo ayaa la sheegayaa iney ka mid tahay ilaalinta qaranka Somaliyeed. jiritaanka dadka iyo duunyada ku abtirsata dalweynaha Somaliyeed . qorshaha Prof-ka Ayaa la sheegayaa inuu u daneynayo dhamaanba shacabka Somaliyeed from ganacsade ilaa Geeljire oo waayadan danbe si sahlan leyskaka qaato hantitooda iyagoo dhibaato ku qabay dowlad la'aanta iyo dhibaatoyinka dalka ka jiro.



Prof Warfaa waa muwadin Somaliyeed kuna dhashay G/Hiiraan amaba dhulweynaha loo yaqaano maanta Hiiraan State. waa aqoonyahan Somaliyeed oo magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada Somaliyeed iyo beesha caalamka. Prof Warfaa waa Seynis yahan u dhashay qaarada Africa marka aad tagto xarunta qaramada midoobay ay ku leetahay magalada New York oo uu Prof-ka sii marayo ka hor inta uusan u gudbin qaarada Africa ayaa loogu yeeraa Seyni yahankii Africanka ahaa, inta badan looguma yeero nin Somalia ah waxey u arkaan inuu ka kudbay nin lagu tilmaamo wadan iyo wax la mid ah waayo iyagu ninkooda qatarta ah amaba cirbixiyeenka ah uguma yeeraan wadankooda.



M/weynaha mustaqbalka dalka Somaliya Prof Ahmed M Warfaa ayaa isagu noqonaya musharaxii ugu horeeyey ee Somaliyeed oo ay qeyb ka mid ah bulshada Somaliyeed oo wada socda ka codsadeen inuu dalka iyo dadka bad baadiyo maadama uu canshuurtii shacabka Somaliyeed wax ku soo bartay. kedibna ka codsaday in ay shacabkii Somaliyeed ee fikirkaan ku dhaliyey ay siiyaan mudo uu kaka soo fikiro kedibna isagoo reerkiisa iyo caruurtiisa ka bilaabayo la tashi ka sameyey arintaan maadaama masuuliyada dalka iyo masuuliyadkastaba ay tahay wax aan lagu deg degin, mudo kedib ayuu Prof Warfaa ogolaaday inuu walaalahii Somaliyeed ee codsigaas u soo jeediyey isagoo xushmeynayo ka ogolaado.



Sidaasi daraadeed ayuu hadane Jamacadii uu wax ka dhigayey ee ku tiilay gobolka Utah uu u sheegay inuu dib ugu laabanayo dalkiisii hooyo si uu shacabkiisa oo codsaday ugu faa'ideeyo waqti yar ee ka harsan noloshiisa.









Hadaba bal qeybta hoose dib u jaleec qeyb yar oo aanu ka soo qaadanay aqoontiisa iyo heerka tacliinta ka hor inta an idiin soo gudbin CV-ka Prof Warfaa.




Somalia
Warfa was a professor at the Somali National University, where he taught biology and agriculture. He also regularly conducted research with colleagues in Somalia, where he jointly discovered several endemic species, notably in the northeastern Bari region.

With the outbreak of the civil war in 1991 and the closure of the university, Ahmed became an important peacemaker, working as a translator for the United Nations and setting up councils for the reconciliation process in Addis Ababa, Ethiopia. His efforts brought him into conflict with several local militia leaders, and was thereafter a marked man. In 1994, he narrowly escaped an assassination attempt when his car was sprayed with bullets at a checkpoint in Mogadishu.

UnitedStates
Warfa subsequently left Somalia for Nairobi, Kenya, from where he then emigrated to the United States and joined the Salt Lake Community College as a professor. He continues to attend conferences on herbology as a keynote speaker or contributor.

Warfa is also actively involved in the affairs of Somalia and the Somali diaspora, whether as a reconciliator working for the UN and the Somali President[2][3] or as an activist raising funds for projects such as Hiiraan University.[4]

Work
Cordia (Boraginaceae) in NE tropical Africa and tropical Arabia - 1988
Warfa, A.M. (1990). Taxonomy and distribution of Cordia sinensis and C. nevillii (Boraginaceae), a widespread species pair in Africa and Asia.
References
^ Cyclamen somalense. Cyclamen Society.
^ Prof Ahmed Mumin Warfa is appointed advisor of the President of the Somali Republic
^ The new Africa: dispatches from a changing continent By Robert M. Press pg 197
^ Hiiraan University (HU) Fundraising Event.





Professor Warfa's Campaign Manager
Avv.Daahir H Abdi
44-7404-224013
dahirhabdi@gmail.com

Isha Warka Hiiraan State
Xafiiska North America
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | Anwar on February 09 2011 10:00:59
Sidaa ku wad Pr Ahmadow guushu wey dhaw tahay, Somalina silaca wey ka bixi. Somalilana Somali bey ahaan.

Anwar T
#2 | Saciido on February 09 2011 12:49:20
Guul baan u rajeynayaa pr Warfaa iyo umada Somaliyeed.

Saciido
#3 | abdishakur osman in egypt on February 11 2011 12:52:52
waxan u rajeynayaa Pro AHMED Mumin warfaa Guul iyo cadaalad insha alaaaaaaah
#4 | C.Buule on February 11 2011 23:23:51
waa ku faraxsanaha waana u qalmaa Pro.Warfa in uu qabto hogaanka ugu sareeya wadanka,sababto ah waa shaqsiyaadka heray ee khibrada u leh somaalia iyo aqoon iskuna keeni kara somaali oo idil.guuul.
#5 | Leslali on March 04 2020 20:42:51
Cephalexin And Strep Throat Cialis Kamagra Paypal <a href=http://apcialisle.com/#>Buy Cialis</a> Methotrexate And Amoxicillin Interactions

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.08 seconds
14,667,481 unique visits