Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Wararkii ugu danbeeyey iyo meeshey wax u marayaan siyaasiyiinta reer Hiiraan ee

Wararka MaantaHS:- Dadaalo badan oo bilahii ugu danbeeyey ay soo wadeen siyaasiyiinta reer Hiiraan ugu jirta dowlada dhexe oo kaashanaya waxgaradka intooda nadiifka ah, aqoonyahanada, haweenka si fiicana looga baaran dagayey sidii ay Hiiraan uga bixi laheyd maamul xumida ku habsatay 22-kii sano ee ina dhaaftay ayaa waxaa ugu danbeyntii howsha iney fududeeyaan loo daayey wasiirka Kheyraadka oo kaashanaya wasiir ku xigeenada iyo xildhibaanada reer Hiiraan.



Markii xaalada dhinackasta laga eegay aadna loo gorfeeyey in reer Hiiraan waqti badan horey uga lumay hadana aysan suuro gal aheyn in Hiiraan lagu qabto shirweyne maamul goboleed masuuliyiinta hogaamineysa doorasho maraan ayaa waxaa lama huraan noqotay in bal inta jawigaas laga gaarayo mudo cayiman in loo helo Hiraan maamul kumeel gaarka ah oo la wada ogyahay mudada uu shaqeynayo waxa ay howshiisa tahay iyo waqtiga uu dhamaanayo ee ay masuuliyada iska wareejinayaan oo soo diyaariya amaba bulshada gaarsiiya nidaam ay ku heli karaan maamul goboleed iyadoo waxkasta loo marayo wado wanaagsan cidkasta oo uu damac ku jirana la siiyo waqti uu isku diyaarin karo hadii uu joogo dalka amaba dibada.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Hiiraan iyo Mogdishu ayaa sheegaya in uu maamulka kumeel gaarka ah madax u noqon doono aqoonyahan reer Hiiraan ah oo aad looga jecel yahay Hiiran dadkuna ku qanacsan ayhiin ahna nin aragti fog balantana ku fiican.

Madooneyno in aanu ka hor dhacno hada inta waqtigeeda laga gaarayo laakinse waa ninkii talada reer Hiiraan lagu aamni lahaa waqtigan adag ee ay bulshadu u baahan tahay shaqsi u dhega nugul oo la fama bulshada isbedelada siyaasadeed ee wadanka ka curtay.

Masuulka maamulkan cusub hogaaminaya oo ka mid ahaa jaaliyada Uk gaar ahaan magaalada London ayey wararku sheegayaan in uu yahay shaqsi ku wanaagsan habka maamulka maadaama sida warar sugan lagu helayo uu horey shaqooyin badan uga soo qabtay dowladii dhexe ee burburtay waana shaqsi dhinaca farsamada wax badan ka yaqaano.

Marka laga soo tago masuulkaan la saadaalinayo waxaa jira rag kale oo iyaguna xilal kala duwan ka qabanaya kuxigeeno iyo maamulka degmada B/weyne iyo waxii la mid ah oo iyagana ah dad kartti u leh howlahaas inkasta oo la rajeynayo in maamulkaas siweyn loogu soo dhaweyn doono marka ay soo gaaran Hiiraan oo lagu dhawaaqo maalmaha inagu soo aadan.

Gudoomiyahii hore ee Hiiraan C/fatax Xasan Afrax iyo ku xigeenadisa ayaa isku diyaarinaya sidii ay maamulka u wareejin lahaayeen isaguna wuu dareensan yahay maadaama uu siweyn ugu ceeboobay waftigii dowlada hortooda oo inta laga codsatay inuu keeno shacabka isaga maamulkiisa taageersan keeni waayey hal qof oo xitaa anigaa taagersan tiraahda maadaama uu qoray caaradii bulshada ku heystay dhaqaalo xoogana u isticmaali jiray mediyaha oo uu qaarkood dhihi jiray kaalaya isticmaala computergeyga kadiba waxaan jirin ka qori jireen kuwaas oo waxii ay ka qori jireen ay beenoowday maalmahii ay magaalada B/weyne joogeen waftiga.

Gudoomiye C/fatax ayaa isku diyaarinaya inuu xilka si sharaf leh u wareejiyo hadii uu damac ku jirana doorashada soo socota ka soo qeybgali doona hadii kalena maadaama uu fashilmay magaalada B/weyne ayuu si xor ah ugu noolaan doonaa mudo aan la ogeyn inta ay noqon doonto.

Isku soo duuboo maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in la soo afjaro maamul xumidii bulshada Hiiraan ku habsatay waqtiyadii danbe maamulkaan cusubna mudada yar ee uu shaqeyn doono la soo dhaweyn doono maadaama ay bulshadu ka soo daashay colaad iyo abaaro oo aysan xamili Karin is qabqabsi danbe oo reer Hiiraan laga doonayo iney dhinaca nabadgalyada, horumarinta adeega bulshada iyo waliba maamul wanaaga ka shaqeeyaan xukumada cusub ee ay r/wasaaraheeda ay soo dhaweeyeena si wanaagsan ula shaqeeyaan ayey leeyahiin inta nidaamka iyo kala danbeynta u ooman.

Gudoomiye C/fatax xoog loogama qaadayo masuuliyada laakinse shacabkii ayaa diiday taas ayaana keentay inuu quusto ee qorshaha waftiga ka socday dowlada waxuu ahaa ninkan dhalinyarada ah ee dadaalayo bal waqti hala siiyo hadiiba ay jiraan qeyb bulshada ka mid ah oo rabta amaba taageersan.nasiib wanaag waxaaba la waayey qof anigaa taageersan yiraahdo xitaa dhalinyarada magaalada qaarkood oo leys lahaa............

La soco wararkeena danbe iyo hadba meesha ay mareyso siyaasada Hiiraan.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,569,304 unique visits