Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo waftigiisa oo si diirsan loogu

Wararka MaantaHS:-Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari iyo wafti uu hogaaminayey oo maant agalinkii hore gaaray caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa.gudoomiyaha iyo waftigii ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole ku so dhaweeyey gudoomiyaha baarlamaanka dalka Ethiopia iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Ethiopia oo uu horkacayey Mr Abadula Gemeda.



Watfiga gudoomiyaha ayaa waxaa galbinayey amaba hareeraha ka socday gaariga lagu waday gawaari fara badan iyo waliba mootooyin ay wateen kox gaar ah loogu talo galay iney soo dhaweeyaan marti sharafta maadaama ay wadanka Ethiopia ku taalo xarunta Midowga Africa oo ay tahay wadan mashquul badan.


Labada Gudoomiye iyo dhamaan mudanayaashii ka socday laabda dal ayaa wada qaatay qado sharaf loogu talo galay.Qado sharafta kadib ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka waxey kulan ku yeesheen xarunta baarlamaanka dalka Ethiopia.



Sikasta oo ay ahaataba Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka lagu sharfay inuu furo ayaa khudbadda ugu horeeysay jeediyey waxaana uu Gudoomiyuhu uga mahad celiyey dhigiisa dalka Ethiopia casuumadda uu u fidiyey ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyuhu shacabka iyo Dowladda Ethiopia uga mahad celiyey soo dhaweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyey.

“runtii aadbaan ugu faraxsanahay inaan socdaalkeygii ugu horeeyey ee aan dalka uga soo ambabaxo tan iyo intii xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya la ii doortay ku imaado dalka Ethiopia, soo dhaweynta diiran ee aad inoo muujiseen iyo casuumadaba aadbaan idinkaga mahad celineynaa” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Prof Jawaari ayaa masuuliyiintii baarlamaanka dowlada Ethiopia sharaxaad dheer ka siiyey isbedelka ka curtay dalkeenii hooyo iyo sida ay muhiim u tahay in uu xiriir qoto dheer dhax maro labada dowladood.



Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Ethiopia Mr Abadula Gemeda oo isaguna dhankiisa khudbad ka jeediyey kulanka ayaa waxa uu uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa sida sharafta leh ee ay u ogolaadeen casuumadda uu u fideyey waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Ethiopia intaa ku daray in safarkiisii ugu horeeyey uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku yimaado Ethiopia tan iyo intii la doortay ay u muujineyso sida ay madaxda Dowladda Soomaaliya uga go’antahay wanaajinta xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya, waxuuna hoost aka xariiqay in la joogo waqtigii siyaasada labada dal lagu sameyn lahaa isbedel iyadoo caasimadaha labada dal midba mar ay tagi donaan kuna shiri doonaan.

Intaas kadib ayaa Prof Jawaari la gudoonsiiyey hadiyad sidii lagu yaqiinay hanaanka dowladnimo isaguna waxuu u dhiibay xog heyntiisa.

Wararkii ugu danbeeyey danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa waxey sheegayaan in mudada uu kusugan yahay wadanka Ethiopia Gudoomiyuhu la kulmi doono r/wasaaraha dalka Ethiopia iyo diplomaasiyiin kala duwan.

La soco wararkeena danbe iyo safarka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo waftigiisa.

isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate,net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,599,886 unique visits